Xamar Waan Ka Go’ay Iyo Xeerkoogaan ....

Xamar Waan Ka Go’ay Iyo Xeerkoogaan ....

Xamar Waan Ka Go

BODY {
SCROLLBAR-FACE-COLOR: #0033ff; SCROLLBAR-ARROW-COLOR: black; SCROLLBAR-TRACK-COLOR: #eeeeee
}

Xamar Waan Ka Go’ay Iyo Xeerkoogaan Isticmaalayaa Ma Is
Qabataa?
 
Maalin kastaa waayaheed leh, xiligii yimaadana xaalad cusub
buu kuu keenaa. Hore waan u ogaa in wax wayni ka khaldan yahiin, sharciyadda
cadaalada ee Somaliland, balse waxa fajac igu noqotay in xeerarkii Faqashtu
qortay ka sareeyaan, dastuurkii umadu u codaysay.
Anoo dayday wardoon ah, oo internetka dhex xulaya ayaa
waxaan la kulmay, war sheegaya dhalin lagu xukumay iyada oo la adeegsanyo
xukunka dagdaga ah. Dhalin yaradan oo laga soo qabtay maxkamada horteeda, iyagoo
ka cabanayay xadhiga masuuliyiinta Haatuf, ayaa xusuus igu kiciyay.
Maskaxdayda ayaa la jiitay oo xusuustu waxay igula noqotay
sanadaddii sideetamaadka bilowgoodii, waa sanadaddii cadhada lahaa, waa
sanadaddii xuquuqda aadamiga iyo ku tumashada muwaadinku ay caadiga ahayd, waa
sanadaddii halganka iyo heeryo diidka, waxaan ahaa arday da’ yar oo dhigta
dugsiga sare ee 26 Juun ee magaalada Hargaysa. Siddii xiliyadaa caadada ahayd
ardayda iskuulku way kacsanayd oo waxay ka qayb qaadan jireen banana baxyo
dhagax tuur ah oo inta badan sababi jiray isku dhacyo, dhexmara ciidankii ma
naxaanka ahaa ee kalidii taliye Siyaad bare u adeegi jiray iyo ardayda. Mararka
qaar waxa la adeegsan jiray ciidanka koofiyad casta mararka qaarna bilayska
magaalada.  Maalin ka mida maalmahaa cadhada lahaa ayaanu banaanbax samaynay
lagaga cabanayay dayr la doonayay in iskuulka lagu soo wareejiyo, si ardayda loo
kantarooli karo. Dayrkan oo lacagta ku baxaysana lagu xukumay ardaydii loo
samaysanayay inay bixiyaan ayaa naga cadhaysiiyay. Banaanbaxa ayaa intaanuba
iskuulka ka soo dhaqaaqin la ogaaday oo ciidankii ma’naxaanka ahaa ay olole
xoogan ardayddii ku kala eryay qaarbadana la xidhxidhay. Taag la’aantayada
awgeed ayaanu waxaanu ku go’ aansanay inaan giriif samayno oo aanan iskuulka
iman ilaa lacagta lagu dhisayo dayrkaas la joojinayo.
Maalintii ugu horaysay giriifkaas ayaan aroor xaafadayada
oo iskuulka la jaar ahayd aan ka soo baxay oo waxaan is idhi bal iskuulkii sii
garab mar, bal inay cidi dhiganayso iyo in kale. Dhexda markaan marayo ayaan Da’
uud Ibraahim (A. H.N) oo aanu jaar ahayn isku kilaasna aanu ahayn aan la kulmay,
oo aanu isku sii log daray. Markaanu iskuulkii xaga danbe ee dhinaca galbeedka
ka xigta aanu marayno, ayaa waxa meel sheeda nooga yeedhay laba oday oo macawiso
iyo go’ yaal shaala sita iyo bakoorado, “ adeer waxaanu idin waydiinay dhinacee
loo maraa dhakhtarka wayn” ayay na waydiiyeen. Waxaanu is nidhi odayaashu waa
socotee, dhakhtarka oon meesha ka dheerayn xagiisana aanu u sii soconay u sii
kaxeeya. Markay na soo gaadheen mise midkoodba midkayo ayuu isku duubay. Baabuur
landrover ah oo geedaha dabadooda lagu qariyayna ayay nagu rideen oo dhawr arday
oo naga sii horeeyayna ay ku sii jiraan. Mudo yar ka dib laba hablood ayaa soo
maray oo ay sidii oo kale ay ku sameeyeen oo ay soo qabteen, markay baabuurkii
buuxiyeen ayay xagaa iyo saldhigii waynaan noo kaxeeyeen.
Waanu yaabanahay oo maanan fahmin waxa la nagu soo
qabsaday, haddii shalay meesha rabshadi ka dhacday maata cidba ma joogto oo
iskuulkuba waa faaruq wadadana sidoo kale. Markii saldhiga la na soo galiyay ee
ragii na soo qabtay ay bilaabeen inay buuga oobiiga ay u gudbiyaan wixii la nagu
soo qabtay ayaanu fahanay in dacwad la noo samaynayo oo waxay bilaabeen “Alla ma
naagtaasi dhagaxay tuuraysay iyo orodkaan ku soo qabtay, balo kugu dhacday”
Anigoo sir ma qabe ah meeshana aan waligay hore la ii soo galin ayaan idhi “
Adeer maxaad beenta u sheegi ma inantaad u yeedhay ee dhakhtarka …” Intoon
hadalku afkayga ka soo dhamaan ayuu bahal dhurbaaxo ah indhaha I muudsaday. Qof
danbe ma hadline halkii baa qof kasta danbi loogu sameeyay waana lana
xidhay….Qiso dheer haddii aan ka boodo waxa noogu xigtay iyada oo la na leeyahay
Gudiga nabadgalyada gobolka ayaa idinku xukuntay lix sano oo xadhiga. Xukunkaa
la nagu xukumay iyo sidii la nagu soo daayay kama duwana tan aan imika
Somaliland ka maqlayo.
 
Mudo dhawr iyo toban sano kadiba ayaan soo hor maray isla
saldhigaa barigaa lanugu tacadiyay. Waa sanadkii 1996 dhamaadkiisii, waxa aan
aad ugu farxay saldhigaas oo ay hortiisa ku qorantahay “ Booliisku waa saaxiibka
Bulshada” Waxa aan la jidhiidhacooday farxad, waxaan is idhi haddiiba ay garteen
inay bulshada u adeegaan oo ay igmatay waa Alle mahaddii.
Sheekadaa aan boodhka ka akhriyay hadana manta ayay ii
xaqiiqowday inay been tahay la isku faaninayay. Mar haddii Booliiskii iyo CID
Somaliland halkii ay bulshada iyo dastuurka ay uga hiilin lahaayeen oo ay
musuqmaasuqa ay saxaafadu qortay ay ka daba tagi lahaayeen ay noqdeen kuwo
difaacayaa kuwii musuqmaasuqa lagu soo eedeyey waxba kama duwana kuwii aan
waagaa kula kulamay saldhigaa.
Waxa kale oo iyana naxdinta iyo fajaca igu sii kordhisay
inaan maqlo inay isla saldhigaa wali Gudigii nabadgalyadu wax ku xukumayso.
Sharcigay adeegsanayaana uu Sameeyay kaliddii taliyihii wadanka Talyaaniga
xukumi jiray ee Baniito Musaliini 1930 uguna talagalay koonfurtaynu kala go’ nay
iyo Itoobiya inuu ku gumaysto, hadal la yidhaa ma hadhin.
 
Aan Kuu Soo Koobo Mucjisooyinka Sharci ee Taagan:

  • Xeerka ciqaabta qaranka ee Somaliland isticmaashaa waa
    kii dawlahhii lixdamaadkii ee Somaliyadaynu kala go’nay.
  • Xeerka xukunka dagdaga ah ee Musaliini  inkasta oo
    aanu waafaqsanayn xitaa xeerkii Somaliya ee lixdamaadkii hadana ilaa
    barrigaa dowladkasta oo soo martaa way isticmaali jirtay oo danteeda ku
    fushan jirtay.
  • Ciidanka Bilayska Somaliland iyo Ciidanka qarankuba
    waxa ilaa imika loo samayn laayahay xeer darajo iyo mid qeexaya midabada
    dirayskooga. Maanta booliiska wadankeena iyo kuwa Xamar isku diray ayay
    xidhanyahiin. Rayaale iyo madaxda kalena sidii bay koofiyad cas u daba
    taagantahay.
  • Xeerkii saxaafada ee la waafajiyay Dastuurkii 97% ay u
    codaysay waxa ka xoog wayn xeerkii Faqashta iyo Talyaanigu isaga danbeeyeen
    ee Xamar inaga Soo galay. Mar haddii maxkamaduhu ay adeegsanayaan, xeerkii
    ciqaabta oo aan marnaba la jaanqaadi karayn dastuurka dalka.

 
Qodobadan markaad akhridid waxa laga yaabaa inaad is
waydiisid “ Oo horta maxaa laga goosanayay mar haddii dirayskay sitaan uu yahay
kii la igu cadaadin jiray, gurigu isla kii yahay xeerkay isticmaalayaana kii
waagaas la mid yahay?”  Ma xamar diid baynu ahayn mise xaqdarro diid?
 
Eedaha arimahan aan korka ku qoray Rayaale iyo dawladiisa
oo qudhahi ma laha ee aaway. Baarlamankii xeer dajinta loo igmaday ee ololohooga
doorashada bilaha dhan laga seexan la’ aa. Raggii Qurba jooga ka yimid ee ku
faanayay wadamadaanu ka nimid ayaanu nidaamka ku baranay ma dhaameelkaa loo
ruxay.
Dastuurku waa warqad uu qofba siduu doono uu u macnaysan
karo, dimuquraadiyadna maaha wax dhan oo jira haddii aan la hayn maxkamad
dastuuriya oo muranka kala saarta. Wali yaa arkay maxkamada Somaliland oo dacwad
loo soo gudbiyay go’ aan ka qaadatay ka duwan kay dawladu rabtay. Maxaynu markaa
u sheeganay Dimuquraadi?
Ugu danbayntii ragii xaqdaraddii hore ka dhiidhiyay haddii
aan sad laga siin maamulkii iyo wixii soo kordhay ma in xaqdaro cusub ay jeel la
jiifaanbaa?
 
Haday sharciga badali kari waayeen ma dirayskay badali kari
waayeen?
Maxay ku kala dirays duwanyahiin ciidanka bilayska
Somaliland iyo kuwan Geedi biladaha uu u xidhayaa? Maxaa Rayaale wali koofiyad
casta daba dhigay siddii Moorgan?
 
Abdirahman Jama
Bahda Somalilandtalk.com
Holland