Aniga oo ku hadlaaya afka dumarka reer Somaliyeed waxaan jeclahay inaan hambalyo iyo bogaadin hawada uga soo gudbino aabaha suuggaanta iyo boqorka indheer garadka ummadda. Maxmed Ibrahim warsame Hadraawi ma mooganin, gabadh wal oo Somaliyeedna galgaceykiisu meel uu buu ka taabta.
Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi wuxuu ku hantiyey qalbiga haweenka tixgalinta gaarka ha ee uu suuggaantiisa kaga haqabtiray. Kuligeen waynu xuusuusanahay "Hooyo la'aanta, Beer lul, Ubax" iyo qaar kaloo badan..iyo qaar kaloo badan.
Waxa hadaba nasiib darro ah Hadraawi oo aan fursad u helin la kullanka haweenka sii uu u siiyo talooyinkii iyo waanooyinkiisa dhaxalgalka ah.
Marka aniga oo ku hadlaaya afka haweenka mar labaad waxaanu ka codsanaynaa Mudane Hadraawi inuu mararka qaarkood u qabto nadwado dumarka u gaar ah hadba meesha uu kolkaa joogo.
Hadraawi oo aan filayo in dadka badankiisu taswiirtiisa mooye aanay nasiib u yeelan la kullmaan ayaan jecelahay in aan hawada ka soo bariid aniga iyo intii kale e ila aragti ah.Waxaan idhi:
HADRAAWOW MA FAYDAA
Halyeygii dalkaygee haybadiyo
aqooniyo hibo lagu manaystoo
Sidaad tahay mahiigaan
ku habsaday Banaaniyo
hareerah Togdheeriyo
buurahii Hargeiysiyo
Haud iyo Danoodbaad
nafta himilo galisa
Hadraawow ma fayda
....
Sida hooyo wiilkeed
haaneedka siiyoo
marka uu haqaadaba
iyaduna u heentoo
kalgacal la hogataan
kuu wada hilownoo
waanu kuu hanweyney
Hadraawo ma fayda
....
Dayaxoo habeenkii
hilaad galin dhexaadkii
inta uu hamaansaday
xidhiguhu u heeseen
heeggada daruur tuna
hirow iyo cayaariyo
hoobay u tumayaan
hindisaha dareenkaas
hal abuur ka tiriyaad
heeggeeda leedee
Hadraawow ma faydaa
....
Adiga Hadraawow
hawraarta maansada
waxba aan hanbeenoo
hinjiyo dhameeyee
Adiga Hadraawow
kursi loo hamuumiyo
hootada sokeeyaha
hiyigaaga galnin
halgankaaga nabadeed
holliyo ha sii deyn
....
inta ay nin hadafli'yo
xaqu wada hiradamayaan
darna ay huf iyo been
huuhaada dhurayaan
Intuu haadku geedkiyo
hadhsan waayey kayntee
ee ay hawadda sare
hugmayaan dharaartii
inta ay hablaha uggub
habsamaanta lagu dhalay
haaweydu boobtee
haylaha ka siibtaan
hadhkii ay kufanayaan
intay hoogay leeyiin
haweenka ragoodii
halyaraanta lagu dilay
higeshuna dul taal weli
Waayeelka hagabsada
hidin karin talaabada
inta ay hatiggayaan
hantidiisa boobaan
Qaxoontiga huleelee
habqankiisu wadhan yahay
hohe meel qabow ooy
hayruufayaan barraf
Hadraawow dad liitaa
hiilkaaga sugayee
faraskaaga heensee
halgankaaga nabadeed
Hadraawow ha sii dayn
***********
Tixdan waxaan tiryey markii uu Hadraawi halgankiisii nabadeed uu meelo badan oo adduunka ah uu socdaalo u tegay, laakiin hadda uun baan jeclaystay in aan shabakadda u soo gudbiyo.
waa ereyadii
Amranidil