Maxaad kala socotaa islaamka guurka waxa uu qabo,

submited by said
AKHYARTA SHARAFTA LEH WAXAN IDIN LA JECLADAY IN IDIN SO
GUUDBIYO QORAL KA HADLEYSA (GUURKA IYO FAAIY'DADEDA) HADABA
DHALINYARTA AAN WALI GUURSAN AYAN LA JECLADAY IN QORALKAN USO
GUUDBIYO KA FAAIDEYSTA OO KU DADALA INAAD GUURSADAN NAAFTADA IYO
DIINTADA AYAD BABAAD U TAHAY SHAYTANKUNA WA U CIIL IYO MURUUGO

GUURKA'IYO FAA'IDOYIINKISA

Qoysku waa asaaska mujtamaca banii-aadamka , taasoo ah arrin ay isku
raacsanyihiin diimaha iyo bulshooyinka kala duwani. Diinta Islaamku
waxay arrinta guurka siisay tix gelin gaar ah, iyadoo u arkaysa in
guurku uu yahaay dhabbe lagu gaari karo xasillooni, gacalo iyo
naxariis dhex marta labada qof ee is guursadey, asturaad arrimohooda
qarsoon, xoojin diinta qofka iyo baaqi yeelid isirka banii-aadamka.

Aayadaha iyo xadiiska hoos ku xusani waxay tilmaamayaan
faa'iidooyinka guurku suuro gelin karo:

"Rabi sw" Aayadihiisa waxaa ka mid ah inuu naftiinna idiinka abuuray
xaasas, si aad ugu xasishaan, wuxuuna dhexdiinna yeelay gacalo iyo
naxariis; arrintaas waxaa tusaale ugu suganyahay ciddii fakaraysa",
(Suurat Ar-ruum, aayad 21).

"Waxaa laydiin xalaaleeyey habeenka soonka inaad haweenkiinna ka dan
gudataan; iyagu waxay idiin yihiin asturaad, idinkuna waxaad u
tihiin asturaad………". (Suratul Baqarah, aayad 187)

Nebigeennii suubbanaa waxa laga weriyey inuu yiri: "Qofkii guursadaa
wuxuu kaamil yeelay diintiisa nuskeed ee nuska haray ilaalintiisa
Ilaahay ha kaga cabsado".

Waxaa mahad gaar ah loo celinayaa Shiikh Maxamed Carte oo gacan
fiican ka geystey qeexidda iyo fasiiraadda aayadaha iyo axaadiista
qoraalka ku soo arooray.

1). DANAHA GUURKA

- Gudasho baahi jinsi
- Dhal
- Dhismo qoys

Waxaa halka ku xusan oraaho iyo axaadiis ku soo arooray dhiirro
gelinta guurka.

"Wax lagu talo baxo guur baa ugu wanaagsan"

"Gaari inta la raadinayaa goombaar wiilkeed tabar galaa"

"Raggu waa wiilki dhale, walaalki dhale iyo wadki dhale"

Wiilki dhale waa ninkii guursada isagoo gaarey da'dii caadi ahaan
lagu guursan jirey oo markaas wiil dhala. Walaalkii dhale waa kii
guursada isagoo aad u da' yar oo markaas la moodo in isaga iyo
wiilkiisu isku da' yihiin. Wadki dhale waa ninkii wax dhala isagoo
duqoobey oo markass inta cimrigiisa ka hartay oo dhan ku dhammeeya
korinta wiilka yar oo uu dhalay, isagoo aan calfan doonin wiilkaas
waxtarkiisa.
Haddaba, waa in ninku guursado waqti hore oo uu ku noqon karo wiilki
dhale ama walaalki dhale.

Xagga diintana bal aan eegno axaadiista soo socota oo ku soo
aroortay dhiirrogelinta guurka:

"Dhallinyaroy midkii idinka mid ah oo guur awoodaa ha guursado,
maxaa yeelay taasaa isha u laabid badan ibtana u dhawrid badan; kii
guurka awoodi waayaana ha soomo maxaa yeelay wuxuu u noqonayaa
dhufaan"

"Guursada midda dhasha badan oo gacalada badan, maxaa yeelay
tiradiinna ayaan ummadaha kula tartami doonaa maalinta qiyaamaha".

Haddaba, su'aashu waxaa weeye sidee baa lagu ogaan karaa midda
dhasha badan dhali doonta, inta aan la guursan?. Taas waxaa looga
qiyaas qaadanayaa haweenka qaraabadeeda ah.

Sida muuqata xaddiiskaan dambe wuxuu ka hor jeedaa fikradda yaraynta
dhasha oo ay gaaladu hadda aadka u faafinayso

2). XULASHADA GABADHA

"Wiilkaagu wuxuu hiilo kaaga baahanyahay marka aad hooyadiis
guursanaysid"

Oraahdaas waxaa loola jeedaa in ninka guursanayaa uu si fiican uga
fiirsado gabadha uu guursanayo iyo cidda uu ka guursanayo.

Xaddiiska soo socdaa wuxuu tusaalaynayaa tilmaamaha lagu xusho
haweeneyda la guursanayo, isagoo xoogga saaraya doorashada midda
diinta leh, sababtoo ah inay tahay tan garanaysa waajibaadka saaran
iyo xuquuqda ay leedahay.

"Haweeneyda waxaa lagu guursadaa afar waxyaalood: quruxdeeda,
maalkeeda, dhaladnimadeeda iyo diinteeda, ee ku guuleyso midda
diinta leh; haddii aadan sidaas yeelinna waqay gacantaadu ciidda ku
dhacdaa!". Xadiiska soo socdaa wuxuu isna tilmaamayaa in xubinta ugu
muhimsan ee nolosha ninku ay tahay naagta wanaagsan.

"Adduunku waa nafci waqti gaaban, nafcigaas kan ugu wanaagsanina waa
haweeneyda suubban".

3). TILMAAMAHA HABBOON EE HAWEENKA

Dal waliba wuxuu iska leeyahay hab uu u qiimeeyo hadba wixii uu
jecelyahay, taasoo ku xiran hiddihiisa. Haddaba, halkaan waxaa ku
xusan oraaho ragga Somaaliyeed uga faalloodeen tilmaamaha habboon oo
ay jecelyihiin inay ka helaan haweenka, kuwaaso ay ka mid yihiin:
xishoodka, ciryarida, eray yarida, gaarinnimada, iwl . Oraahihiina
waa kuwaan:

"Geel waa xoox farasna waa xawlli, rag waa xaajo dumarna waa
xishood"

"Naa saw taan ku iri maahooy codkiyo caanaha yaraysoo, riyaha
ceesaan ka maaley."

"Haddaad inan (wiil) tahay orohdaadaa la caddaystaa , haddaad inan
(gabar) tahaynaa ilkahaagaa la caddaystaa"

"Geel ways dhaafi doonaa wada dhalo sidiisii ways dhaafi doonaa;
faras ways dhaafi doonaa dhididsado sidiisii ways dhaafi doonaa; rag
ways dhaafi doonaa dhiidhiyo sidiisii ways dhaafi doonaa; dumar ways
dhaafi doonaa dhiga galo sidiisii (la guursado) ways dhaafi doonaa"

"Saddex baa quruxi ku cashiday: hal cad oo candhoole ah, faras cad
oo cur laga gubey iyo naag cad oo aan ragga cayilin"

"Naagtii basiliyaan Ilaah barin wax xoogaana , baalidu sidii habas
hadday boor ka kici weydo marnabana inayan bilic yeelanayn ba'a e
yaw sheega" (Sayid Maxamed)

"Saddex waa gollo castahay: golcas gaban ugaareed, guri dayr xun
laga degey iyo gol ma xirato naagood"

"Ragga magici lama helin, maareeye loo oran; geela magici lama
helin, manqo koriye loo oran; dumar magici lama helin, miska weyne
loo oran"

"Rag calooshi la cayaar iyo ciil kama baxaw daran, dumarna cirkeed
bogato iyo casar seexataw daran"

4). NOOCYADA RAGGA KA MIDKA AH OO AAN HAWEENKU JECLAYN

Ilaa hadda waxaan ka soo faalloonnay aragtida ragga ee xagga
haweenka, haatanna bal aan aragno tan haweenka ee xagga ragga.
Afarta nooc oo soo socda oo ragga ka midka ahi waa kuwa haweenku
dhaliileen:

a) Ninka dheer iyo kan gaaban

"Ninka dheer ha guursan oo haddii gaajo timaaddo guriguu is bilqaa,
ninka gaabanna ha guursan oo haddii geelu cadhoobo gonduhuu ka
dhayaa oo garbasaarta ma gaaro"

b) Xilogubaha (ninka naagaha ku kulul, af iyo addinba)

"Xilogube lama aqoon waayo oo waa xoogag dheer yahay oo indhahaa
xammeeti ah".

t) Qorqodaha (fuuqdhabiilka)

"Naa hoy qorqode wuu qalaxtamaa oo qaboonadii buu qayliyaa; naa rida
qal oo qari buu i yiri naa qaacu yuu bixin buu i yiri".

j) Godadlaha (ninka naagaha badan)

Haweeney baa waxay tiri:

"Gabagabo colaadeed, gablan wiil la'aaned, gabadanada dayreed iyo
godadlaa la kala dhigay".

Mid kale ayaa soo booddey oo waxay tiri :

"Gabagabo rag loo bixi, gablan laga Ilaah bari, gabadano dab laga
shidey ee godadle see ka yeellaa"?!

Sida haweeneyda hadalkeeda ka cad haweenka belaayo uga weyni ma
jirto in lala guursado.

5). XANNAANADA HAWEENKA

Haweenku waxay ka dhexeeyaan saddex gacmood oo xannaano, kuwaasoo
ah :

- Gacanta waalidkooda, inta aan la guursan
- Gacanta nimankooda, marka la guursado
- Gacanta ilmohooda, marka ay weynaadaan

Oraahda soo socotaa waxay tilmaamaysaa waxyaalaha dumarka u daran oo
la rabo in fiiro gaar ah loo yeesho:

"Saddex dumarka waw belo: ummulnimada jiilaal, ubad lagu uleeyaa iyo
arradku dumarka waw belo"

Axaadiista soo socotaa waxay si xeel dheer u tilmaamayaan dhaqanka
habboon oo la rabo in haweenka lagula dhaqmo:

"Khayr iskula dardaarma daryeelka haweenka"

"Haweenka ma maamuuso nin wanaagsan mooye, mana xumeeyo mid xun
mooyee"

"Kuwiinna idiinku ikhyaarsani waa kuwa haweenkooda ugu ikhyaarnimada
badan"

6). HADDII KHILAAF DHACO

In khilaaf dhex maro labada qof oo is qaba waa arrin in badan
dhacda. Marka bal aan eegno waxa Soomaalidu arrintaas ka tiri:

"Labo seeddi oo murantay suugaan rag baan moodey; soddoggii hadday
gaarto saxariir rag baan moodey; soddohdii hadday gaartana ha la
kala socdaan moodey"

Oraahda waxaa loola jeedaa inay habboon tahay in khilaafka qoyska la
xalliyo inta uu joogo heerka ugu horreeya ee labada seeddi ee aan la
sii jiidin ilaa uu soddogga iyo soddohda ka gaarayo, taasoo ah arrin
ciribxumo u leh jiritaanka reerka.

"Inta ayan waxba dhalin keligaa baa jiidi kara, marka ay ilmo aan
badnayn dhashana tolkaa kula jiidi kara, markii ay ilmo badan
dhashana cidina ma jiidi karto"

Oraahda waxaa loola jeedaa in inta aan naagto waxba dhalin ama ay
ilmo aan badnayn dhasho uu furriinkeedu suuroobi karo, marbase
haddii ay ilmo badan dhasho uu furriinkeedu yahay arrin aad u culus
oo la rabo in aad looga fogaado. Erayga jiididda waxaa halkaan loogu
isticmaalay waa in naagta la furay lagu matilayo sidii baqti guriga
laga fogeynayo oo kale.

Waxay kale oo Soomaalidu tiraahdaa :
"Ninku hal fallaar buu haystaa, naagtuna labo iyo toban fallaarood,
halka fallaar buuna ku dilaa".

Arrintu ma aha fallaaro run ah ee waxay tilmaamaysaa heerka
dulqaadka ee labada qof. Sida dhacda, markii khilaaf dhacoba waxaa
suurowda in haweeneydu tiraahdo "ha lay furo", taasoo ka imanaysa
laab-lakaca haweenka ku badan. Markii ay sidaas tiraahdaba waxay la
mid tahay iyadoo fallaareheedii mid ka mid ah gantay. Ninku
fallaarta keli ah oo uu haystaa waa dalaaqda, taasoo markii ay is
khilaafaanba ay dhici karto inuu furriin ugu cago jugleeyo , hase
ahaatee uusan marna ka dhabaynnin. Wax arrintu sidaas ku socotoba
waxaa aakhirka la gaaraa waqti ay haweeneydu, markii ay duqowdo oo
ay ogaato in haddii la furo ayan jirin cid kale oo wax ku falaysaa,
ay wax kasta oo ay ninkeeda ka dhaliisho isaga dulqaadato. Taasi
waxay la mid tahay iyadoo ay fallaarihii
badnaa oo ay haysatey ka dhammaadeen, isagoo uusan ninku weli tiisii
isticmaalin. Sababtaasna weeye midda Ilaahay ragga ugu dhiibey
hoggaaminta qoyska.

Bal aan eegno aayadaha iyo xaddiiska hoos ku xusan oo arrintaan ku
saabsan:

"Raggu hoggaamin bay haweenka ku leeyihiin, taasoo ka imanaysa waxa
Ilaahay qaarkood qaarka kale kaga fadli yeelay iyo waxa ay bixiyeen
oo maalkooda ka mid ah………" (Suuratu An-nisaa', aayad 34).

Sida aayaddu caddaynayso hoggaaminta ragga la siiyey waxaa saldhig u
ah sababaha soo socda oo kala ah cilmiga iyo xilqaadka dheeriga ah
oo Ilaahay ragga siiyey oo keenaya dulqaad ka badan kan haweenka,
markii khilaaf dhaco, xoogga jirka oo ragga u suuro gelinaya difaaca
qoyska haddii khatari timaaddo iyo kharajka ay ku bixiyaan reerka
dhismihiisa hore iyo daboolidda baahidiisa joogtada ah.

"Haddii aad ka baqdaan khilaaf labadooda dhex mara soo dira ergo
ehelkiisa ah iyo ergo ehelkeeda ah; haddii ay maslaxo doonayaan
Ilaahay wuu waafajinayaa; dhab ahaan Ilaahay waa kii cilmi iyo xog
ogaalnimoba badan" ( Suuratu An-nisaa', aayad 35)

"Haddii ay haweeney ninkeeda uga baqdo madaxtaag ama ka jeesasho,
danbi korkooda ma ahaannin haddii ay dhexdooda ka heshiiyaan,
heshiiskaana khayr badan…….." (Suuratu An-nisaa, aayad 12

Xaddiiska soo socda oo waafaqsan micnaha aayadahaas, waxaa laga
faa'iidaysanayaa in furriinku uu yahay xalliga ugu xun oo khilaafka
qoyska lagu xallin karo, sidaas awgeedna loo baahanyahay in aad
looga fogaado, intii laga fogaan karo.

"Xalaal tan Ilaahay ugu necebyahay waa furriinka"

7). QALLOOCA HAWEENKA

Bal aan eegno oraahaha soo socda oo qallooca haweenka ku saabsan

"Haween ama ka samir ama u samir"

Oraahda micneheedu wuu iska cadyahay oo waxaa weeye in haweenka loo
dulqaato maadaama aan laga maarmi karin, inkastoo ay qallooc
badanyihiin.

"Inta ayan waxba kuu dhalin waa naagtaada, marka ay dhawr carruur ah
kuu dhashana waa ilmahaaga hooyadood, marka ay ilmo waaweyn
yeelatana waa shaydaan naagtiis".

Qaybta dambe ee oraahda waxaa loola jeedaa in markii ay naagta
ilmeheedu koraan oo ay baahideeda daboolaan uusan ninku wax qiimo ah
ugu fadhin oo ay markaas dhici karto inay xannaanadiisa isku laddo.
Waana markaas marka uu ninku ku fekero inuu naag kale guursado.

"Waxaad yeelaysaan diidney dhaha"

Kaasi waa dardaarankii Arraweelo haweenka kula dardaarantay oo ahaa
inay marka hore maya yiraahdaan waxa hadhow ay yeeli doonaan, taasoo
siinaysa awood gorgortan oo dheeri ah, keenaysana in la baryo, saa
illaa lagama maarmi karee.

Bal aan eegno axaadiista soo socota oo arrintaan la xiriira:

"Haweeneyda waxaa laga abuuray feer qalloocan, feertana waxaa ugu
qallooc badan qaybta kore, haddii aad isku daydid inaad toosisana
waad jebineysaa haddii aad iska deysidna waa qalloocnaanaysaa"
Riwaayad kale waxaa ku soo arooray:

" Haweeneydu waa feer oo kale, haddii aad toosi is tiraahdana waad
jebineysaa, haddii aad sideeda kula dhaqantidna waxaad la dhaqmaysaa
iyadoo qallooc ku jiro"
DAGAAL LOO GALO HAWEENKA

Sida la weriyo qisada soo socotaa waxay ka dhex dhacday Cali
Duullane iyo Afxakame oo madax u kala ahaa labada lafood ee
Dhulbahante ee Barkad iyo Bah Ararsame.

Waxaa la sheegaa in labadaas nin midkood, oo aanan hadda sugi karin
midka uu ahaa, uu abtigi gabar soo siiyey. Markaas buu isagoo u
socda meeshii uu reerkiisu degganaa gabadhii la soo dhex maray
meeshii ay degganaayeen ninka kale iyo ciddiisu. Arrintii waxay
noqotay in ninkii reerkiisu meesha degganaa uu kii kale gabadhii ka
xoogey oo guursadey. Kii gabadha laga xoogey markii uu ciddiisii soo
gaarey ayuu gabayga guubaabada ah oo soo socda tiriyey:

"Geel waa la kala xoogsadaa xubin rag weeyaane",
"Wax xiniinyo go'an ninkii xilo laga xereeyaaye".

Sida la sheego labadii lafood ee Barkad iyo Bah Ararsame waxaa
arrintaas ku dhex maray dagaal ay huf qaraban isugu noqdeen.

9). RAAGE UGAAS IYO JECAYLKA HAWEENKA

Sida la weriyo Raage Ugaas, oo loo aqoonsanyahay inuu yahay aabbaha
gabayga Soomaaliga, wuxuu gabayga bilaabay markii uu nasiibdarro xun
kala kulmay guurkiisii ugu horreeyey. Sida la sheego, abtigiis ayaa
gabar soo siiyey markaas buu ula soo ambabaxay meeshii ciddiisu
degganayd oo habeen loo sii dhaxayey. Iyagoo hurda ayaa goor saq
dhexe ah gabadhii libaax qaaday oo diley. Gabayga catawga ah oo soo
socda oo la sheego inuu yahay kii ugu horreeyey oo uu tiriyey ayuu
markaas afka saaray:

"Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye",
"Ma abraari karo adamihii araxda beelaaye",
"Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye" ,
"Lafta araxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye" ,
"Meeshaan ka aa' iri Ilaah keliya uun baa og".

Waxaa la sheegaa in markii ay nasiibdarradaasi ku dhacday kaddib uu
abtigiis gabar kale siiyey oo iyadiina uu nin walaalkiis ahaa oo
suldaan ahaa is damacsiiyey. Markaas buu weeraha soo socda oo
iyaguna catawga ah u jeediyey ninkii walaalkiis ahaa oo damcay inuu
gabadha ka qaado. Raage wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:

"Hangaraarac iyo good sidood hor iyo dabo laabka",
"Indheheer hoggoodii ka yimid iyo hoorka iga qubanaaya,
"Hanqal la'aanta waxaa iigu wacan ina-odow heedhe".

Intaasi markii ay afkiisa ka soo baxday ayaa walaalkiis gartay
hadalka uu soo wado culayskiisa. Markaas buu yiri walaalow intaas
waxba ha ku darin gabadhii waan kuu daayeye.