ku: gabadh kasta oo mulimad ah.
Walaashayda wanagsaneey: Anagoo ku dadaalayna markasta jeclaanshaha
ninkaaga, waxaanu isku daynay inaan kuu soo gudbino qoraalkan,
waana qoraal laga soo guuriyay haween badan oo reero leh, aqoon
badanna u leh siday ula dhaqmaan nimankooda , waxayna wax ka qoreen
habladhaqanka nimankooda waana sidan soo socota.
Waxaan "EEBAHAY" ka rajaynayaa inaad ku dayatid haweenkaa
wanaagsan, waayo run ahaan guryaheennu waxay la gubanayaan
dhibkooduna u batay markaan ka tagnay ( habwada dhaqanka islaamka).
Fiirogaara: arimahani maaha sheeko xariir lasoo guuriyay, ee waa
arimo haday haweenayda muslimadda ahi niyaysato kuna dhaqanto ilahay
ajar badan ka siinayo.
Walaal ka qaado qoraalkan wixii ku anfaca, iskuna day inaad ku
dhaqantid,ugudbisid na cidii ubaahan ama danaynaysa, (ilahay khayrka
hana wada waafujiyo if iyo aakhiraba) amiin.
Dardaaran: u akhri si degan, una fiirso ereyada , dhuuxna
macnahooda. hadaad fahmi waydo ku cel-celi ama kaalmayso qof kaa
aqoon badan.
See usoo dhawayn ninkaaga:
1- Waxaan u labisayaa dharka ugu quruxda badan.
2- Ciyaalka ayaan barayaa siday aabahood usoo dhawayn lahaayeen
(dhunkasho ama nashiido).
3- Waxaan ku soo dhawayn wajifurnaan sow dhawayn wacan iyo jacayl.
4- Waan dhunkan (mac siin) mar kasta oo uu soo galo guriga.
5- Waan la socon lahaa ilaa uu ka fariisto dharkana iska bixiyo.
6- Waan waydiin xaaladiisa iyo maalintiisu siday tahay.
7- Waxaan u keeniyaa biyo ama sharaab haduu haraadan yahay.
8- Waxaan ku dadaalayaa inuusan iga urin udgoon mooyee wax kale.
See usoo dhawayn martida ninkaaga:
9- Waan ku bishaaraysan markuu ii sheeg inay marti u imanayso,
dhibsanna maayo imaashahooda badan,ama tira badnaantoodaba.
10- Waxaan hagaajin ( gogli oo udgoonaysiin) meeshay fariisan
lahaayeen martidiisu.
11- Waxaan u diyaar garayn cunto iyo cabitaan ku haboon.
12- Saaxiibadii (martidiisa) xaasaskooda ayaan baran lahaa isna
jeclaysiin lahaa.
Maxaad samayn ninkaagu haduu caroodo:
13- Waxaan isku dadaalayaa haduu caroodo inaan dajiyo ,caradaydana
aan qariyo, aanba garta ka lahaadee.
14- Waxaan isku dayiyaa inaan mawduuca (sheekada) markuu hilmaamo
kala hadlo,si wanaagsanna ugu soo bandhigo arinta.
15- Isku taagi maayo markasta, si aan wuxuu doonayo uga celiyo ama
uga caraysiiso.
16- Waxaan ku dadaalayaa inaanan seexan habeenkaas ilaa uu raali
iga noqdo.
17- Waxaan xasuusan mar kasta xadiiskii rasuulka (csw) ,((Ninkaagu
waa janadaada ama naartaada)).
Haduu xanuusado ninkaygu:
18- Xanuunkaan ku ilowsiin sheeko xariir macaan..
19- Waxaan fariisan agtiisa saan u gacan qabto.
20- Madaxaan ka dhunkan si is daba joog ah.
21- Waxaan kusoo cel-celin markasta ( gurigu la,aantaa guri maaha)
iyo hadalo la mida.
22- Shanqarta caruurta ayaan ka yaranayaa si aysan u dhibin.
Ninkayga hurdadiisa:
23- Waan u dhoolo cadayn mar kasta.
24- Waxaan ugu ducayn caafimaad qab.
25- Waxaan uga shekayn ficiladiisa wanaagsan iyo akhlaaqdiisa suuban.
26- Waxaan u diyaar garayn una nadiifin(udgoonaysi in) meeshuu
seexanayo.
27- Waxaan ku dadaalayaa caruurta inaan hore uga seexiyo.
28- Waxaan xasuusin intuusan seexan adkaarta (ducooyinka hurdada)
sida aayad kurisiga.
29- Waxaan xasuusin ku dhaqanka sunaha sida inuu gacmihiisa ku tufo
akhrinta suuradahan al-ikhlaas, al-falaq, an-naas 3jeer kadibna
mariyo jirkiisa intuu ka gaaro.
30- Waxaan u galin dhar qurux badan.
31- Waan la kaftami lahaa ninkayga ,waana ka qoslin lahaa.
32- Waxaan uga sheekayn sheekooyin fa,iido leh.
Haduu safrayo ninkaygu:
33- Markuu damco inuu safro dharkiisa ayaan ugu diyaar garayn lahaa
(iyagoo laalaaban) boorso wanaagsan.
34- Alaabtiisa waxaan ugu shubayaa cadar(barafuun) ama ugu shidi
lahaa uunsi (cuud).
35- Waraaqo jacayl xanbaarsan ayaan ugu qarin lahaa boorsada isagoon
ogayn, waxyaabaha lagama maarmaanka ahna waan ugu ridi lahaa sida
dunta , irbada, cadayga, iwm.
36- Adeeg fara badan u dirsan maayo
37- Waan sagootinayaa, waxaanna u sheegayaa maqnaashihiisa iyo siday
qalbigayga ku tahay.
38- Kitaab quraana oo yar ayaan ugu ridi lahaa jeebkiisa ama
boorsada.
39- Intuu maqan yahay waxaa ilaalin (xifdin) xoolohiisa,
ciyaalkiisa, iyo gurigiisaba.
40- Haduu ku safrayo gaari cuntooyinka fud-fudud qaarkood ayaan
udiyaarin lahaa.
See ii jeclaan karaan labadiisa waalid, gaar ahaan hooyadii:
41- Waan garab qaban lahaa hooyadii ,waxaan uga shaqayn lahaa
gurigeeda, gaar ahaan haday leedahay casuumad.
42- Xiliyada qaarkood ayaan hadyad u gayn lahaa.
43- Cuntooyin wan-wanaagsan ayaan u samayn lahaa xiliyada qaarkood.
44- Waxay neceb tahay ugama sheekeeyeen, kumana agsheegeen.
45- Wiilkeeda wanaagiisa ayaan mar walba uga sheekayn lahaa ,
ceebihiisana waan ka qarin lahaa.
46- Ninkayga waxaan ku dhiirigalin lahaa booqashada hooyadii, iyo
inuu baari u ahaado waalidkiisa.
47- Markastay isoo booqato hooyadii caruurtayda ayaan ka
ilaalinlahaa inay dhibaan ayaydood.
48- Ninkayga ayaan ka dalbanlahaa inuu mararka qaarkood noosoo gado
casho si aan ugu cuno guriga hooyadii.
49- Waxaan wanaajinyaa hooyadii asxaabteeda (qaraabadeeda) .
Arimo kala duwan:
50- Waan la xiriiri markasta oo uu iiga soo daaho shaqada, waana
waydiin arimihiisu siday yihiin.
51- Waan amaanayaa shay kasta oo uu soo gado.
52- Waxaan u karin lahaa cuntada uu jecel yahay.
53- Waan kala badaliyaa alaabta guriga xiliyada qaarkood.
54- Waxaan ku cel-celin lahaa (kaan jeclaayoow)( indhahaygiiyoow) iwm.
55- Waxaan samaynayaa tartan (kadis) si aan u fariisano salaada
subax dabadeeda allena xuskiisa (dikrigiisa) u badino.
56- waxaan kala tashan dhibaatooyinkayga, waxaanna qaadan
talooyinkiisa.
57- Waxaan u marinayaa cadar (barafuun) waxaan u shidayaa uunsi
(cuud) xiliyada qaarkood, gaar ahaan maalinta jimcaha.
58- Waxyaabaha aan ka dalbanayo waa inay noqdaan caqligal , mar
kastana waxaan xasuusan xikmadda oranaysa (Haweenaydu waxay
doonaysaa zawj (Saay), markay heshana waxay doonaysaa wax kasta).
59- Waxaan ku dadaalayaa inaan barto cuntooyin cusub, waxyaabo xiiso
leh, si uu iiga arko maalin kasta wax cusub.
60- Waxaan xusuusin hawlihiisa subax kasta.
61- Waxaan qaaciido ka dhigan (iskuma khilaafayno aduunyo) sidaa
darteed isku khilaafi mayno ilmaha magac u bixintiisa, alaabada
guriga ,iyo cuntada lakarinayo nooceedaba.
62- Had iyo jeer waxaan isu qurxin indhihiisa , sida timaha oon
gaabsado ,mick up inaan samayo, iyo kuwo kaleba, (haduu jecel yahay
ninkaygu) sharciguna uu ogolyahay.
La ciyaarka iyo gogoshiisa:
63- Waxaan ka cabayaa koobka meesha uu ka cabay.
65- Waxaan u diyaar garaynayaa jawi wacan oo wanaagsan, waxaan u
muujin inaan u xiiso qabo, waana dhunkan (mac siin).
65- Hab la dhaqankiisa ayaan aad u baran lahaa,sida inaan uga
sheekeeyo waxyaabo kiciya dareenkiisa, ama ku iraahdo kalmado
xanbaarsan jacayl,ama hortiisa ku sameeyo dhaq-dhaqaaqyo xiiso leh
oo kala duwan.
66- Waxaan ku dadaali lahaa inaan kala badalo xaaladahayga,
qaabkayga (lebiskayga) markastoon ninkayga la kulmayo.
67- Dumarnimadayda ayaan isticmaaliyaa saan u xiiso galiyo (u kiciyo
dareenkiisa) , nooc kastaba ha ahaatee.
68- Ma noqonayo dhagax aan dhaqaaqayn ee waan is jeclaysiinyaa
ninkayga , waan u dhawaanyaa, waan la wadaagsan dareenkiisa oo idil.
69- Cadarka ayaan marin jirkayga oo dhan.
70- Qosol iyo dhoolo cadays ayaan ka hormarin lahaa markastaba
kulankayaga.
71- Waan la ciyaarayaa hawsha horteeda, waayo ilahay wuxuu ku
tilmaamay gabdhaha janada inay yihiin kuwo da,yar lana ciyaara isna
jecleysiiya ninkooda (alwaqicah 36-37)
FIIROGAARA: La soco walal tarjumaadan inaanan ugu talo galin inaan
tarjumo erey kasta, ee waxaan mudnaanta koowaad siiyay inaan macnaha
guud ilaaliyo, afsoomaali lawada fahmayana ku tarjumo ,waxaad wanaag
u aragtid u ducee walaalkaa, hadaad khalad u aragtid, ama ku