Nafta loodudayiyo xaga loola didaya wa dab iyo baasiin

NAFTA LOODUDAAYIYO XAGA LOOLA DIDAYA WA DAB IYO BAANSIIN.

Waxan aad u la yaabanahay inanka magaciisa layidhaa Ibrahim Nur Xuseen ee ah Guddoomiyaha xusbiga Kulmiye Laanta carriga Ingriiska ee warbaahinta kusoo shaaciyay qoraalka uu ku sheegay in isaga iyo Guddida Fulintu ay xilkii xubinnimo kaga xayuubiyee Mohamed-aar Cabdillaahi.

Waxa la yidhi nin durbaan qaatay cilaaq dalbay, saxiib ibraahimow iscasilaadii Mohamed_aar ee Gudoomiyenimadii Guddida fulinta UK ee xusbiga Kulmiye waxay xambaarsanayd nuxur iftiimiyey xaaladda uu ku suganyahay xusbiga kulmiye, waxa kale oo ay ahayd baaq gurmad u ahaa xusbiga kulmiye sidii loo badbaadin lahaa taasoo dhiiri gelin u ahayd xubanaha xusbiga sidii ay wax uga qaban lahaayeen carqaladaha horyaala xusbiga Kulmiye. maanta sida aynu ogsoonahay xisbigii kulmiye wuxu qar u saranyahay burbur iyo kala yaac waxana loo bahanyahay birmad deg deg ah oo arinta ka hawl gala intaan taloo faro ka haadin.

Ibraahim an su'aal waydiino: Maxaa looga didayaa hadii aynu isu sheegno qabyaalada iyo kala qaybsanaanta ka dhex aloosan xisbiga? Miyaaney ahayn in xaalad kasta oo xisbiga lasoo derista laga tashado si taxadir lehna loo eego?

"Xamaraha dagaagee,
Dalagiyo hadhuudhukiyo
Dam ka siiyay beeraha
Ninka wadhaf u daydayay
Ma ha duulin baad tidhi."

Tixdan waxa tiriyey abwaanka caanka ee Muj. Xasan Xaaji Cadillaahi [ Xasan-Ganay].

Ibrahimow bal macneheeda si degan u yara dhuux si aynu isula fahamno xaaladdaha xisbiga gudihiisa ka jira ee ilaa hadda laga warwaregayo xakameyntooda. Halka xaal marayaa kama duwana sida xamarahaa dalagaa ku habsaday.

Hadii si hufnaan iyo garashu leh loo dersi lahaa waxa Mohamed-aar ku kalifay iscasilaada iyo wax yaabaha xusbiga kulmiye gudihiisa ka socda iyo khatarta ku soo waajahan midnimada xusbaga, waxa dhici lahayd in laga gaashaaman lahaa fadeexadaha soo ifbaxaya ee xisbiga hadheeyay ee ay u dambaysey tii ka dhacday Minnesota, USA.

Waxa Ibraahimow nasiib daro xisbiga ku ah in 29/07/07 koox kulmiye ka mid ihi Guddoomiyihii xisbiga khadka telephone-ka kula xidhiidho si qabyaaladaysan oo qarsoodi ah iyadoo laga qariyay Guddoomihii Gobolka Minnesota Mr. Yusuf Budle. Arrintaasi miyaanay marag u ahayn waxa uu Mohamed-Aar ku cadeeya kuna faahfaahiyey is casilaadiisii bish may/07.

Xasan-Ganay oo mar kale maansoonaya wuxu yidhi:

"Distidiyo shariir yaha
Dabku ka hadlinaayiyo
Daah aan xil qarinbaa
Sii daayay qiiqee
Bahanaha doogisga
Ka ursaday dabayshee
Raqda soo duljoogsaday
San Illaah dalooshiyo
Ma dulkaynu qabanaa."

Ibraahimow waxad cuskatay dhawr qodob oo xeerka xisbiga ah sida:

"Xubintu inay ixtiraamto xubnaha kale ee xisbiga."

An is waydiinee xubnaha iyo madaxda sare ee xisbiga ee sida dadban ee gaarka ah khadka telephone-ka ugu wada hadlay kana qarsaday Gudoomiyihii Gobolka Minnesota maxay u ixtiraami waayeen xubinta laga xan qarsanayo, mise iyaga qodobku ma qabto? Arrinta Minnesota ma aha wax cusub oo lala yaabo maxa yeelay waa sheeko soo jireen ah oo qurba joogu ka war hayo.

Qodobka labaad eed cuskatay ee ah:

"Inay xubintu ka dheeraato wax kasta oo ummada kala
fogaynaya sida qabyaalada iyo gobolaysiga."

Qodobkaasi miyuu ka reeban yahay reer Minnesota iyo
hogaanka sare ee xisbiga?

qodobka kale eed cuskatay ee odhanaya:

"In la dhawro nidaamka iyo kala dambaynta hogaanka
xusbiga."

Innamada iyo odayga ka qarsaday telephone-k hoggaanka xusbiga ee Gobolka Minnesota xagay ka marayaan qodbkaa. Disttorka xisbiga iyo xeerarka ka farcama miyaanay ahayn in sinnaan loogu wada dhaqmo, maxaa se keenay xanshashaqa iyo in hoos la isugu xog waramo. Ibrahim Xuseen iyo Jibriil Cali Muuse hawshii loo igmaday ma waxay ku soo ururtay cayda iyo aflagaada Maxamed-Aar Cabdillaahi; labadan inan malaha lamaba socdaan xisbigan baaxaa degeya badweynta siyaasadeed ee majara habaabay. Runtii waxaad u baahantihiin in aad xaqiiqada ogaataan; xisbiga cid aad ka caydhin kartaana majirto oo taasi waa arrin u taal Guddoomiye Axmed Maxamuud iyo Guddiga Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbiga. Waxan idin kula talin lahaa in aydaan ka hordhicin ee ka war sugtaan bal goorta shirweynuhu xubin ka xayuubinta Maxamed-Aar ku dhawaaqayo.

Wa Billaahi At Towfiiq,
Maxamed Ismaaciil Xaashi