Halkan Ka Daawo Baramaamishka Suuganta ee Tixmaal

Halkan Ka Daawo Baramaamishka Suuganta ee Tixmaal

Telefishinka Jabuuti ayaa soo diyaariyay baraamish suugaaneed aad u xiiso badan oo ay waraysi kula yeesheen abwaanka da'da yar ee Yuusuf-Shaacir
Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) wuxuu ka mid yahay da' yarta leh hibada hal-abuurnimo. Yusuf oo ah jiilka soo kacaya kuwa suugaantooda loogu jecelyahay, waxa uu kasokow hal abuurka isku taxalujiyaa soo ururinta taariikh dhaqameedkii iyo suugaantii hore.
Hadaba mid kamida suugaanta uu ururiyay ayaa waxay ku socotaa qiso hees dhaqaeed ah oo dhex artay lamaane kala ah: gabadh la yidhaahdo Canbaro Axmed Nuux iyo nin la yidhaahdo Cismaan Ibraahim Warsame (Hurre Walanwal) Hurre waxay walaalo yihiin abwaankii weynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Silsiladan oo kaftan iyo haasaawe ku dheehan tahay waxay dhexmartay labadaa qof ee aynu soo magacawnay. Silsiladani waxay bilaaban tahay lix-dameeyadii (1960) waxayna ka dhacday deegaanka gobolka Sool nawaaxiga Buuhoodle.
Hadaba daawasho wanaagsan kooxda RTD iyo Yusuf Shaacir oo inoo soo bandhiga qisadii Cabaro iyo Hurre walanwal iyo suugaan kale oo xiiso leh.

Shaacir 1

Shaacir 2

Shaacir 3

Shaacir 4

Shaacir 5

Shaacir 6

Shaacir 7

Shaacir 8

Shaacir 9

Shaacir 10

Shaacir 11

Shaacir 12

Shaacir 13

Shaacir 14