Ururka Hawiye Action Group (HAG) Golihiisa Sare

Warsaxaafadeed:Ururka Hawiye Action Group HAG Golihiisa Sare

Ururka Hawiye Action Group HAG golihiisa sare oo maalintii shalay ahayd yeeshay shir deg deg ah ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhow ah oo ay kula hadlaayaan beesha Hawiye iyo ciidamada qaranka ee Somaliland.
kadib markaan aragnay xaalada guracan iyo
daandaansiga gardarada ah ee lagula kacay dadka iyo dhulka Somaliland ayaa waxaa lagama maarmaan ah in aan qaadno talaabooyinka soo socda lana tixgaliyo iyadoo laga fikiraayo in ay collaadu ku faafto dhulal kale.

1-In dadka ku abtirsada beelaha Hawiye ee ku dhow degaanada ay dirirtu ka socoto aysan marnaba ogolaanin in ciidan iyo saanad duulaan ku ah dalka iyo dadka aan wallaalaha nahay ee Somaliland aysan degaanadooda soo marin .

2-In beesha Hawiye iyo dadka nabada jecel ay si buuxda oo af iyo adimba leh dagaalka u barbar istaagaan shacabka Somaliland oo marwalba u heelan difaaca qaranimadooda iyo xuduudohooda sharciga ah.

3-In beesha Hawiye iyo dadka nabada jecel aysan galin khaladkii ay hore u galeen oo ahaa in ay ogolaadeen in shacab Ehel ah hortooda lagu xasuuqo,oo aan waliba raali galin laga bixin,ka qeyb galka maanta difaaca dhulkooda laga qeyb galaana ay daliil u noqoneyso in aan ka xunahay wixii hare ugu dhacay ,hadana aan u istaagnay in aan cid dambe ku gardaroon karin sharaftooda,jiritaankooda,nabadgalyadooda,horumarkooda iyo xuduudohooda.

4-In ciidamada qaranka Somaliland sidii caadada u aheyd ay illaaliyaan goobaha ay rayidku degen yihiin intii karaankooda ah ayna illaaliyaan xeerarka caalamiga ah .

5-In dowlada Somaliland ay jawaabta ku haboon ka bixiso hadalada iyo hanjabaadaha raqiista ah oo ka soo yeeray shaqsiyaadka mas,uulka isku sheegaaya ee wax magaratadaa ,caalamkana u cadeeyaan in lagu soo xadgudbey dalkooda kana difaaci doonaan ,cidii ku soo gardarootana cashar lama illaawaana ay mudan doonto.

URURKA HAG WAXAA MARWALBA KA GO'AN IN AY KA HORYIMAADAAN KUWA NABADA IYO DEGENAANSHAHA CARQALADEEYA .
Source: HAG