qalinkii: Abdi Mohamed
BALIGUBADLE-3
Aadamuhu hadduu sharafta, xishoodka, iyo karaamada Ilaahay huwiyey ka xuubsiibto oo dhowrsanaanta lagu yaqaan dhaqankeena suubani xakamayn weydo, waxa lama huraan noqota in hadba waadaanta uu darka aflagaada ula soo arooro mid la mid ah oo aanu se daaim abidkii illaawin la durduursiiyo.
Horaa loo yidhi ama afeef hore lahow ama adkeysi dambi lahow. Inanka magaciisa la yidhaa Cabdikariim Xinif ee Xisbiga Kulmiye u ah Xoghaya dhaqaalaha, Khasnajiga xisbiga, Afhayeenka Xisbiga, iyo Guddoomiyaha qabanqaabada shirweynaha xisbiga ee muddada la naawilayay hase ahaate qabsoomidiisi illaa hadda laga meereysanayo iyadoo kolba wax aan macquul ahayn lagu sababaynayo, isla markaana aha go'aamiyaha talada hadba cidda xisbiga laga caydhinayo. Inankan intaas oo mansab kelidii xisbiga u haya bal waxan uu la koorinayo ee butorka iyo bacbacda la gaddaandhanaya bal warkiisa iyo waxa uu salka ku hayoba an banaanka soo dhigno.
Maqaalka CabdiKariim Xinif kusoo dhejey mareegta www.somaliland.org oo xanbaarsana hanjabaad iyo aflagaado qaawan oon geedna loogu soo gaban ayey qormadani jawaab u tahay. Maqaalka yarku wuxu ugu duur xulay Xoghaya Arrimaha Dibada ee Xisbiga Dr. Axmed Xuseen Ciise. Xinif wuxuu ku andacoonayaa in sharcigii xisbiga la jabiyey mar haddii cid aan ahayn Guddoomiyahan muddadii ka dhammaatay damacba ka galay in jagada madaxweynenimada ninkii arrintaa hungureeyana xisbiga uu isagu ka eryidoono.
Niman xisbiga dhexdiisa miisaan ku lahaa ayaa ka digarogtay markay u adkaysanwaayeen maamul xumada Kumiye ku habsatay oo Cabdikariim Xinif iyo qaar ay isku fikir yihiin kow ka yihiin.
Haddaba intaan shirweyney xisbi iyo qabanqaabadiisa midna la gaadhin ma haboontahay in xisbigan la majara habaabiyey in hilinka toosan dib loogu soo rido? Waa haddii in uun rajo laga damacsanyahay in guul laga soo hooyo doorashada madaxtooyada. Rajadaasuna waxay ka dhalan kartaa oo keli ah marka hoggaan cusub oon hore saaxadda siyaasadda hore ugu turunturoon. Ninkii doorashadii 2003 guul ka keeniwaayey ta sannadkana ha u fadhiyin Xinifoow in uu ku guuleysto. Taas oo micneheedu waa shan sannadood oo dambe mucaarid ah iyo adiga oo shanta soo socota sii ahaandoona Xoghaye Dhaqaale Suge[Minister of Finance in waiting]!
Isagoonay tii reernimaduna ka maqnayn oo Xaajigu inanka dhabarka yara taabtay ayaa waxa isugu darsamay inanka kibir iyo aqoontiisa siyaasadeed oo aad u liidata. Hadaladan Xinif ka soo yeedhay ma aha wax isaga keli ku ah maxaa yeelay Xaajiguba wuxu Jiddah tolkii kaga dhex tiiraabayey kursigeygiibaa la igu haystaaye ha la ii gurmado. Mar haddii dimuqraadiyad loo digarogtay kursiga in lagu loolama waa lama huraane muxuu inanku la gaddaandhabanayaa?
Horta kursigan Guddoomiyenimada xisbiga ah muddadiisii shanta sannadood ahayd waxay dhammaatay bishii August, 2007 waxayna ahayd in xiligaa guddoomiye cusub la doorto hadday suurtoobiweydana in dhammaan hoggaanka xisbiga si ku meel gaadh muddada xil haynta loogu kordhiyo. Xinifoow sharci la jebiyey taas ayaa u horeyse maxaa laga qabtay haddii aad sharciga xisbiga u hoggaansantahay? Sharciga ad sheegayso laftiisa haddii loo hoggansanyahay so ogid in xisbiga iyo hoggaankiisiba muddadii ka dhammaatay?
Hadalka inankan miyirdoorsoonsan waxad ka dheehan kartaa in uu jiro xeer guddomiyenimada Md. Axmed Maxamuud ka dhigaysa lama taabtaan[muqadas] waa siduu Cali Muxumed Guleed ka sheegay shirkii uu bariga London ku qabtay bishii December 2dii, 2007 isaga oo xaarantinimeeyey in xisbiga dhexdiisa laga tartamo. Cidbaa xisbiga laga caydhinaa iyo hanjebaad bilaashtani Xinifoow mid soconaysa ma ah. Haddii cid xisbiga laga eryayo waa in shuruucda xisbiga u taal loo maraa. Adiga iyo qayrkaatoona meesha marti looguma aha; xisbiga ummadda reer Somaliland oo dhan ayaa ku jirta; shakhsi iyo reerna gaar uma laha. Haddiise aad ka dhowrsanweydey waxbaan eryayaa ma og tahay in aad adiga iyo nin aad saaxiibtihiin Khiyaamo Qaran Ummadda ka gasheen mutaysateena in maxakad la idin horgeeyo.
Xinifoow ma khafiifnima khaldkan kuu geysey, ma khamraad cabtoo waaliba qodobkan kaa keentay, maxaa kaa keenay hadaladan guracan?
An iftiimiyo siday Xinif iyo saaaxiibkii Cumar Sanyweyne qadiyaddii aqoonsiga Somaliland uu minjoxaabiyeen. Mudane xildhibaan ah oo qadiyadeena aad ugu ololeeya ayaa soo qabanqaabiyey madal lagu gorfayn lahaa arrinta ictiraafka dalkeena. Xisbiga kulmiye ayaa nasiib u halay in uu shirkaa innooga qayb galo iyada oo heshiisku ahaa in labada qofa mid dumar ahaado. Si kastaba wax ha u dhacaane Cabdikariim Xinif iyo Xildhibaan Sanweyne ayaa noqday labada nin ee xisbiga madashaas ka metelilahaa. Sahayda iyo tigidhadaba waxa ku deeqay ninka ajnebiga ah. Waxa dhacday in Xildhibaanka isu keen xilqaamay laba maalmood shirkii dib u dhigay. Markii uu waayey meel ay labadii nin jaan iyo cidhib dhigeen, ayaa wuxu go'aansaday in uu isagu halkoodii shirka ka metelo. Xinifoow ma ninka damacay kursiga ay mudan in aad ugu hanjebto xisbiga ayaan kaa caydhindoona? Mise adiga dalkaagii ula badheedhay khiyaamada intaa le'eg in labaatan sii jeed ah lagugu xukumo?
Gebogebadii iyo gunaanadkii waxa habboonayd in aanad haba yaratee afka kala qaadin adiga oo is og waxaad dalkaagii ula badheedhay. Ummadda reer Somaliland ha is weydiiso maxaa ka suurtoobi Cabdikariim Xinif oo shantii Sannadood ee tegey loo carbinayey wasiirka dhaqaalaha ee mustaqbalka? Ma noqon karaa nin xil qaran loo xambaariyo oo lagu aamino? " Nin durbaan tuma cilaaq dalbay"; adiga iyo cidda ka dhex hadlaysaba weerarbaa idinku soo maqanay yaan dagnaan lagugu heline hor ka diyaargarow. Hadda adiga ayey kubadu ku hortaalaye waxa lagaa sugaaba waa rogaalcelis e inta kugu hadhsan soo butaac.
Abdi Mohamed
Ab_mohad3@yahoo.com