Bayaan ay si wada jira u soo saareen hogaanka jaaliyada

Bayaan ay si wada jira u soo saareen hogaanka jaaliyada
Somaliland ee UK (SSUK)
Written by (SSUK)
Anagoo ku hadlayna magaca hogaanka Ururka SSUK, waxa aanu xagan ku cadeynaynaa in warsaxafadeedkii ku soo baxey qaar ka mid ah shabakadaha wararka iyo Jaraa’idka Somaliland uu ahaa war aan sal lahayn. Warsaxafadedku wuxuu ku eedaynayey waftiga ka socdey Somaliland ee uu hogaaminayey mudane Madexwayne Daahir Riyaale Kaahin in uu ku gacan saydhey codsi ka yimid hogaanka Ururka Jaaliyada si ay u yeeshan kulan wada tashiya.

Waxaanu cadeynaynaa in kastoo xoghayaha Madaxwaynuhu mudane Axmed Maxamed Cise hogaanka jaaliyada balan u dhigey kadib markey isla hadleen Gudoomiyaha jaaliyada, mudana Maxamed Cumar Maygaag, balantaasi oo ahayd khamistii Jan10 6dii galabnimo may hirgalin. Xoghayahu wuxuu ku yidhi hogaanka jaaliyada Madaxwaynuhu wuu idin sii salaami doonaa marka uu hudheelka ka sii baxayo. Arinkaasi ma raaligalin xubnaha sare ee Jaaliyada ee soo booqdey Madaxwaynaha si ay u xog wareystaan, hasa yeeshee marnaba Madexwaynuhu shakhsiyan balan uu sameeyey oo uu kaga baxey hogaanka jaaliyadu ma jirto.

In kastoo ayna u suurto galin in Madaxwaynuhu la kulmo shacabwaynaha reer Somaliland, anagu arinkaa wax eedayn ah oo aanu Madaxwaynaha u soo jeedinaynaa ma jirto

Jaaliyada waa urur had iyo goor ka madax banaan hawlaha siyaasada iyo tartanka asxaabta jecelna in ay illaaliso karaamada umadda. Ururka SSUK waxa uu marwalba diyaar u yahey isu soo dhawaynta umadda reer Somaliland meel walba oo ay joogaan

Maxamed Cumar Maygaag ( Gudoomiyaha SSUK )
Yaasiin Cismaan Idriis (Xoghayaha SSUK)
Fadumo Cumar ( Khasnajiga SSUK)
Caasha Maxamuud Qaalib (Xubin)
Khadar Abokor (Xubin)
Maxamed Maxamuud Cali (Xubin)
Maxamed Qani Diriye (Xubin)
Saleeban Adan Faarax (Xubin)