Sirta Ku Laaqan Mudhaharaadkii Hargeysa Ka Dhacay….!!!!

Sirta Ku Laaqan Mudhaharaadkii Hargeysa Ka Dhacay….!!!!

Waayahanba waxa hoosta laga waday in dalka somaliland dib loogu celiyo beel beel iyo qabiil qabiil, arrintaa waxa si wada jira uga shaqeynaya seddex kooxood oo wanaagga si wadajir ah cadaw ugu ah: koox kursi doona ah, koox doorasho diid ah oo shir beeleed doonaya iyo cadawga somaliland oo ka xun wanaagga iyo nabadda ka muuqata somaliland.

Seddexdaa kooxood, ayaa mid weliba si gaar ah uga faa’iidaysanaysaa muranka siyaasiga ah ee taagan, iyada oo aan kooxina koox ka warhayn ayaa hadba wixii soo kordha si wadajir ah loogu hawlgelayaa in la sii shido.

Arrinta Hargeysa ka dhacday ee la yidhi qabiilka Arab ayaa ka xanaaqay xaafad magac laga bedelay oo magac kale loo bixiyey, arrintaas ninkii caqli lihi wuu garanayaa inay tahay arrin aan waxba ka jirin, laakiin dad dan gaar ah lihi ku gabbaday. Arab hadday magac ka cadhoonayaan maxay markii xaafadda IFTIN magaca laga bedelay ee Axmed-Dhagax loo bixiyey uga cadhoon waayeen? Bal waxa la inaka iibinayo eega! Arrintani waxay hordhac u tahay shirqool qaran iyo inqilaab ku soo wajahan somaliland.

Waxa jira shir qarsoodi ah oo dhawaan ka dhacay Hargeysa, rag ayaa dawlad ku dhisay, dawladdaasna waxa lagu dhawaaqayaa si qorshaysan marka la dhaafo 16 bisha Mey 2008. Shir qoolkaa waxa wada rag diiddan in doorasho dalka ka dhacdo, qaar kursi doon ah iyo cadawga somaliland oo dhinaca mooralka ka taageeraya, hoosta si qarsoodi ah uga kharash garaynaya. Arrintan waxa wada rag seddexda xisbiba ka mid ah, laakiin u badan labada xisbi ee mucaaradka ah. Raggaasi markau hadlayaan waxay dadweynaha ku jaheeyaan sidii ay u cabsi gelin lahaayeen ee dadweynaha uga dhaadhicin lahaayeen in dalku gubanayo, balaayo taagan tahay iyo in cirkii soo dumay. Waxyaabaha ay hadda aadka uga faa’iidaysanayaan waxa ka mid ah: doorashooyinka dib u dhacay, waqtiga madaxtooyada loo kordhiyey iyo sixir bararka adduunka oo dhan ka dhacay oo ay ka dhigayaan mid somaliland ku kooban.

Golaha deegaanka Hargeysa waxa shirqoolay rag golaha ka mid ah oo arrintan afka ugu riday, si golaha maskaxda looga xado oo ay arrinta u ogolaadaanna waxa qorshaha laga dhigay mi ah seddex degmo oo cusub, si aan mudanayaasha oo ka soo kala jeeda seddexda xaafadood ay ugu wada qushuucaan, markii taas golaha laga meelmariyeyna waxa laga dhacsiiyey in sidii berigii hore magacyada la isku bedelo. Guddoomiyaha golaha degaanka iyo xubnaha golaha waxa seegtay waar horta golaha deegaanku xaq ma u leeyahay magacaabista degmooyinka iyo gobolada? Waxa kale oo ka hoos baxday inay magacyada aad uga fiirsadaan oo intaanay ku dhawaaqin suuqa geliyaan si tijaabo ah haddii magacyada xaafadaha la isku bedelo miyaa wax khalad ahi ku jiraa, iyagoo taas uga jeeda inay helaan dadka si xun wax u sheegga ah dareenkooda.

Hadal iyo dhammaantii, inkatsa oo qabiil waliba leeyahay dad xun haddana qabiilka Arab arrintaa dhacay qabiil ahaan waa ka beri sida salaadiinta reerkuba inoo sheegtay, waxaana run ah in arrintu ahayd shirqool siyaasi ah oo reerka lagula soo gabbaday. Waxaan ku soo afjarayaa hadalkayga ragga ugu daacadsan ee ugu qiimaha badan soomaaliland badankoodu waxay ka soojeedaan deegaanka Baligubadle, sida Xasac Ciise Jaamac, C/qadir Xaaji Ismaaciil Jirde, C/laahi Xuseen Iimaan (Darwal), Maxamed Sh. Cumar Dirir iyo qaar kale oo badan, raggaasna halka wanaagga jacaylka iyo xumaanto diidku ka taagan yahay waa la wada ogyahay, haddaba ninkii dan gaar ah iyo shirqool qaran maleegayoow waxba ha ku gabban xaafad baa magac laga bedelaye soo badheedh adiga iyo bulshada wanaagsani waa is helidoontaane.

Nin lagu seexdow ha seexan, xil baad siddaa ha seexan, ha seexan ha seexan, soo jeed oo ha seexan. Nabadda somalilnad waxay joogtaa qiime sare kursi iyo dan gaar ahna kuma dumayso ilaahay idankii. Wadajir ogaada si aan mar danbe midiyaha la isugu kiin dhiibin.
Cabdi Gaanbiye

Email: cabdigaanibye@yahoo.com