WASIIRADA MAALIYADDA IYO DAAKHILIGA OO KA BAAQSADAY INAY HOR YIMAADAAN GOLAHA WAKIILADA
Wasiirada Maaliyada iyo arrimaha gudaha ayaa ka baaqsaday inay shaly horyimadaan Golaha wakiilada oo la sugayay. Wasiirka Maaliyada ayaa qorshuhu ahaa inuu horkeeno golaha miisaaniyada 2008 oo uu balanqaaday inuu golaha u soo gudbiyo, halka wasiirka arrimaha gudaha ay u yeedheen gudida arrimaha gudaha ee Wakiiladu si ay wax uga weydiiyaan dilalkii dhawaan ka dhacay Hargaysa. Macada sababta labada wasiir uga baaqsadeen imaatinka golaha waxaase la sheegay in wasiirka arrimaha guduhu ku maqanyahay gobolka cusub ee Salal oo uu ka qaybgalay xafladii loogu wanqalayey, balse wasiirka
maaliayada ayaa la sheegay inuu codsaday in dib loogu dhigo soo gudbinta Miisaaniyada oo uu sheegay inuu maalinta Salaasada ah soo gudbin doono, balse waxa la sheegay in Miisaaniyada uu balanqaaday wasiirku aan wali lagaba ansixin golaha wasiirada Somaliland.
Gudida arrimaha gudaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qoraal uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Guddida arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Siciid Cilmi Rooble gaadhsiiyeen Wasiirka arrimaha Gudaha, Gudidu waxay ku wargelisay inuu horyimaado Gudida arrimaha Gudaha iyo nabadgelyada ee Golaha Wakiillada si wax looga weydiiyo dilalkii dhacay todobaadkii hore oo ay ka mid tahay dilkii loo geystay Hani Xasan Shilin oo goor habeenimo ah iyada oo gaadhi saaran uu toogtay askari ka tirsan Ciidanka Qaranka saacodo kadibna ay u dhimatay, taas oo ilaa imika gacan ku dhiiglihii dilka geystay lahayn. dhinaca kale ajande ka kooban lix qodob ayuu shirgudoonka golaha wakiiladu u qaybiyey shalay mudanayaasha golaha, ajandahaas oo goluhu ku hawl gali doono mudada dheeraadka ah ee lagu daray fadhiga golaha, iyadoo goluhu guda galay fadhi aan caadi ahayn oo socondoona (30.4.2008-26.5.2008).
Ajandahaasina wuxuu ka koobanyahay qodobadan:
1. Ansixinta wax ka bedelka & kaabista xeeraka shaqaalaha rayid kaah
2. Ansixinta miisaaniyada Qaranka ee 2008
S. Xeerarka khuseeya Doorashooyinka
4. Xeerka isgaadhiga 2004 ;
5. Wixii arimo ah ama xaalado ah ee soo kordha
B. Xaalada dalka (Qiimayn)
WAA MAXAY XALKA SIYAASADDA SOMALILAND EE
CAKIRANTAY?
FAALLO: Dr. Axmed Xuseeft Ciise
Ummadda Somaliland waxay maanta werwer ka qabtaa iska horimaad cusub oo ka dhex aloosama kooxaha isku haya loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda iyo cidda 5ta sanadood ee soo socda hogaanka ummaddan qaban doonta. Loolankaa siyaasadeed waxa uu meesha ka saaray dhammaan wax qabadkii ummaddan jilicsan ee Somaliland u baahnayd xaqana u lahayd. Waxaad arkaysaa inaan cidi ba ka hadlayn waxa Somaliland loo qabanayo, wax ka qabadka dhibaatooyinka dhaqaale ee ina curyaamiyey, shaqo laaanta iyo mustaqabal xummada dhalinyarada iyo dhammaan Somaliland.
Sida dhammaan siyaasiinta iyo asxaabta Somaliland isku wada raacsan yihiin arrimaha taagan waa in lagu dhameeya wada tashi iyo is afgarad. Waxana wanaagsani nla isla baadh baadho bal dhibaatooyinka ina horyaal iyo xalkoodu wuxuu noqon karo. Muranka ugu wayni waa kan u dhexeeya labada xisbi ee mucaaridka ah iyo xukuumadda ee xilika doorashooyinka ay dhacayaan oo komishanku uu u cayimay Diisambar 2008, balse go'aan guurtidu ay ka dhigtay Abril 2009. Xukuumadda maanta jirtaana ilaa imika ay ku adkaysanayso wakhtiga Guurtidu goosay.
Mawqfika ugu adag ee arrintaa ay ka gaadheen labada xisbi ee mucaaridka ah, Kulmiye iyo UCID, waxa uu leeyahay inaanay laga bilaabo 16 May ee 2007 aanay u aqoonsanaan doonin Madaxweyne Rayaale inuu yahay Madaxweynihii dalka laguna bedelo Guddoomiyha Golaha Wakiiladda iyada oo laga dacwoonayo inuu Golaha Wakiiladdu laga bilaabo 16 May keli ahaan yahay golaha keliya ee sharci ku fadhiya. Guurtida maanta jirta mucaaridku, khaas ahaan Kulmiye, marna muu ogolaan sharcinimadooda.
Masaajiddada magaaladan Hargeysa jimicihii ina soo dhaafay khudbadaha intooda badani waxay la xidhiidheen sida loogu baahan yahay xal u helid murankaa siyaasadeed iyada oo danta ummadda iyo dalka la dhawrayo. BAL markaa waxaan halkan ku yar faaleeynayaa xalalka suuragalka ahi waxaynoqonkaraan.........iyada oo aan marna gari laba ka wada qoslin.
1: TANAASUL DHINACA XUKUUMADDA:
Xukuumadda maanta jirtaa 6 Sanadood bay jirtay. Waxa la isku hayaana waa 3 bilood oo aan waxba u soo kordhinayn. Maadaama saddexda xisbi iyo komishanku heshiis saxeexeen inay doorashaddu dhacdo Disamber, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu muujin karaa geesinimo iyo daacadnimo uu danta guud ee dalkiisa daryeelayo waxaanu aqbali karaa go'aanka komishanka.
Inta xukuumadda khusaysa tanaasulkaasi waxa uu ka horiman doonaa go'aanka guurtida oo markaa loo baahan doono inay buriyaan goaankoodii muddo kordhinta. Taa qudheeda xalal badan baa loo heli karaa sida xalkan labaad ee hoos ku qoran.
Muranka wayn ee casbida iyo baqashada wataa waa go'aanka labada xisbi ee mucaaridka ahi ee ah inaan 16 May aanay aqoonsayn Madaxweynaha. Waxa aan laga murmi karayn in ay run tahay in xilkii Madaxweynaha iyo xukumadiisu uu dhammaanayo 15 May sida sharcigu dhigayo. Hasa yeeshee UCID iyo Kulmiye waxay saxeexeen heshiis dib u dhigaya doorashooyinka ilaa Diisamber. In kasta oo aan heshiiskii muddada xilka xukuumadda maanta jirtaa aan lagaga hadal, haddana sharciyaqaano badani waxay leeyihiin, maadaama aan heshiiskaa lagu sii qeexin wakhii isbedel xukuumadeed, waxa si dadban (implicit) lagu ogolaaday inuu ilaa wakhtigaa doorashooyinka uu madaxweynaha jiraa uu xilka sii haynayo.
Waxay sharci yaqaanadaasi leeyihiin waxa ka wanaagsanaan lahayd in markii heshiiska la galayey in lagu caddeeyo wakhtiga xilka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, ama lagu goo'aamiyo hogaan ku meel gaadh ah, midna may dhicin.
Bal haddaynu kaba soo qaadno in asxaabtu ay ogolaato sii haynta hogaanimo ee madaxweyne Dahir Rayaale ilaa 31 January, xagee
laga marayaa goaankii Guurtida. TALADA SOO SOCOTA eeg!
3: Iswaafajin Mawqifka Asxaabta/ Komishanka iyo Guurtida.
Waxa la iskuwada raacsan yahay in komishanku uu leeyahay goynta wakhtiga doorashooyinka, Guurtiduna goynta mudada xilka. Wakhtiga doorooshiyinka iyo xilwareejinta adduunku siyaabo kala duwan buu u kala dhigaa. Waddamada qaar maalinta doorashada maalinta ku xigta ayaa xilka la wareejiyaa, qaar toddobaadyo ka dib. Dalka Maraykanka ee aynu had iyo jeer nidaamkeena ku dhererino doorashooyinku waxay dhacaan Salaasada u horeeysa ee bisha Nofember, xil wareejintuna 20 January, waa saddex bilood ku dhawaad.
Markan WAYNU isku raaci karnaa in doorashooyinkuna ay dhacaan 31 Diisamber xil wareejintuna wakhtigii Guurtidu u cayimtay, waxa u dhaxaysa afar bilood...way dheertahay...balse waa xal. Sii HAYNTAA afarta biloodana shuruud ayaa lagu xidhi karaa.
WARWARKA UGU WAYN ee AAN ANIGU QABO
In kasta oo jadwal la sameeyey in diiwaangelintu ay ku dhamaato 4ta Oktoobar, markaan anigu darsay nidaamka diiwaangelinta iyo sida ay dhinac komishanka hawasho uga socoto iyo markaan eego muranka aynu marwalba ku jirno, anigu waxaan qabaa ama si wayn uga baqayaa inay diiwaangelintu suurageli waydo habayaratee. Kuma kalsooni inaynu hawshaa 4 ama 5 bilood guaanooa Kaga soo baxayno. TALADU markaa waxay tahay inayn si wadajir, deggan, cagli wadtata arrintaa meel isla dhigno intaanay gadaal haddana inaga oofwaraymin. Markaad eegto Komishanka maanta inoo jira waxa muuqata in loo baahan yahay in dibuhabyn wayn lagu sameeyo, la adkeeyo, miisaan la saaro si aynu u helo garsoor adag oo dhibaatooyinka loolanka siyaasadda inaga saara.
LORD AVEBURY OO LONDON KU QAABILAY MAXAMED XASHI
IYO JAMAAL CAYDIID
Waxa shalay magaalada London Lord Avebury kula shiray Mohamed Elmi & Jamaal Caydiid Ibrahim oo ah hoggaanka Urur-siyaasadeedka QARAN . Jawiga shirka ayaa ku bilaabmay si ay ku jirto dareen xoog iyo xoog u qaali ah kaasoo kadhashay inay farxad wayn u ahayd dhamaan dhinacyadii shirkan joogtayinay xoriyadda labadan masuul tahay guul dimuquraadiyadda Somaaliland u soo kordhay.
Waxa shirkaa hadal soo dhaweynay ah ku bilaabay Lord Avebury oo ugu mahad naqay masuuliyiinta Qaran dadaalka ay u soo mareen dimuqraadiyada Somaliland iyagoo la soo kulmay caqabodo aad u adag. Ujeedadooduna tahay sidii loo sii kobcin lahaa dimuquraadiyadda curdinka ah ee, ummadda reer Somaliland yagleeshay. Qun yar socodkaa dimuquraadiyadeed oo noqotay kan sharafta iyo qadarinta Somaliland caalamka kaga heshay labada Mudane waxay si weyn uguga mahadnaqeen Lord Avebury qaybta weyn ee uuka qaatay guud ahaan qadiyadda Somaliland iyo soo dayntoodii wakhtigiiay xidhnaayeen. lyaga oo tilmaamay waxa kaliya ee ay rabaan in ay tahay ama ay u aasaaseen ururkoodu in uu yahay sidii dimuquraadiyadda Somaliland ay u sii kobci lahayd. Waxaa shirkaa si weyn loogu falanqeeyey sababaha keenay in aanay ururkooda loogu ogolaan inay ka qayb qaataan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona dhawaan iyo sababaha keenay inaan illaa iminka loo ogolaaninay si dimuquraadiyad ah u dhameeyaan qadiyadooda. Waxaa layslagartayin xoog loo sii eego sababta
distuurka looga booday lana hagaajiyo arrimahaas si aanay dimuquraadiyadda Somaliiland khaikhal u gelin mustaqbalka. Arrimo badan baa meel la isla dhigay una baahan in loodhameeyo sida ugu dhakhsaha badan.
Waxaa labadaa Mudane la socday Marwo Lulu Farah, Dr Ahmed Mohamed iyoAhmed Ibrahim Kadleye oo ka kala socday ururada SIRAG UK, Article 32, Somaliland Overseas iyo ururo kale. Waxaamaanta farxad wayn u ahay martidii shirkaa joogya maadaama
dimuquraadiyada iyo freedom of speech-ku ama xoriyatul qawl oo uu yahay tiirka ay Somaliland dimuqraadigeedu ku dhisan tahay ujeedada socdaalkooduna ay ku
yimaadeen dalkan Ingiriisku wuxuu ku saabsanaasidii ay ugu mahadniqi lahaayeen saaxiibada Somaliland (friends of Somaliland) qaybta weyn ee ay ka qaateen xoriyadooda wakhtigii ay xidhnaayeen iyo guud ahaanba taageerada ballaadhan ee ay marwalba lagarab taagan yihiin Somalilanda. Masuuliyiinta Qaran waxay mahadnaq diiran u soo gudbiyeen dhamaan ururadii soocasuumay iyo friends of Somaliland. lyada oo Shirarka ay la leeyihiin Bulshada reer Somaliland, ururada iyo masuuliyiin kaleba halkaa uga sii socon doono dalka Ingiriiska inta ay joogaan. Insha'Allah waanu idinla soo socodsiin shirarka danbe siday u dhacaan.
"SIILAANYO IYO FAYSAL MA AHA RAGGII GUUSHA NAGALA HADHI LAHAA"
Xoghaya Guud ee Xisbiga Udub
Xoghaya Guud ee Xisbiga Udub Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa ka qayb xaflad balaadhan oo shalay loo sameeyey Taageerayaal ku soo biiray Xisbigaasi oo ka soo baxay Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid. Xaflad loo sameeyey Gudoomiyeyaasha Garabada Haweenka ee Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ee Gobolka Sanaag iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga Udub waxaana kasoo qayb galay xubno ka tirsan Gudiga fulinta ee Xisbigaasi.
Xoghayaha Guud ee xisbiga Udub Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa si wayn u dhaliilay siyaasada Mucaaridka ee ku wajahan Xaalada dalka isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Ragga inta ay sharcigii iska laabeen ku hadaaqaya Kursiga quruxda badan ee uu ku fadhiyo Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ee leh xoog baanu ku qabsanaynaa iyo Beesha Caalamkaay kaalaya nooga qaada, waxa kale oo ay yidhaahdaan waxa uu ku fadhiyaa Dab joogeed, waxa aanu leenahay anaga Sharciga ayaa noo hub ah.Anagu ummada la dagaalami mayno hubkayaguna waa Dastuurka iyo Sharciga". Md. Bulaale waxa uu Nidar ku maray inaan Madaxwaynaha xilka lagaga qaadi Karin si sharci darro ah, waxaanu yidhi "Walaahi Madaxwaynuhu sidii uu ku fuulay Kursigaasi ee sharciga ahayd si ka duwan inaan lagaga qaadayn. Madaxwayne Daahir Rayaale waxuu ku fadhiyaa Dhabta Dastuurka iyo xeerarka dalka". Xoghayaha Guud waxa uu ku dooday in Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid aanay ahayn Rag Xisbiga Udub Guusha kala hadhi Kara, waxaanuu yidhi "Anigu Sahanka waxaan ka soo meeriyay Rag kale oo ilaahay keeno mooyee, kuwa maanta na hortaagan Siilaanyo iyo Faysal, ma aha Ragii Guusha nagala hadhi lahaa". "Waxaan leeyahay ilaahay 15 May na gaadhsii. Sharcigaa shaqaynaya, waxaa kale oo aan leeyahay ilaahayow Jeelkii Mandheera ee Qaran Dumiska iyo Dambiilaha loo sameeyey ilaahayow yaanuu waraabe Cunin oo daa" ayuu intaasi raaciyay Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale.