Xil ka qaadista Komishanka Iyo Iscasilaada Xirsi Cali

Komishanka Doorashooyinka ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiye ku-xigeenkii gudida doorashooyinka Md. Xirsi Cali X. Xasan, xilka qaadista Guddoomiye ku-xigeenka oo lagu
shaaciyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Komiishanka oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Komiishanku Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabo wayne) kaas oo shalay saxaafadda loo qaybiyay Sida warsaxafadeedkaas lagu sheegay Shiray isugu yimaadeen 5-ta Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka maalintii sabtidii ayaa lagu go'aamiyay in xilkii Gudoomiye ku-xigeenimo ee Komiishanka laga qaado xilkaas laga bilaabo 04/05/08-da Md. Xirsi taas oo lagu sababeeyay inuu ku kacay falal gaf ku ah wada shaqaynta komiishanka iyo talo goosi u gaar ah, waa sida qoraalka loo dhigaye, waxana digniin lagu siiyay in aanu mardanbe ku kicin gafafka noocaas ah oo wax u dhimaya wada shaqaynta komiishanka ayaa lagu sheegay qoraalkaa, hadaba qoraalka Xilka qaadista Gudoomiye ku-xigeenka oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan
"Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka maalintii sabtidii ee taariikhdu ahayd 03/ 05/08, shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa waxa guddoomiyey Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxana lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Guddoomiye ku xigeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka. Mudane Xirsi waxaa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gaf ku ah wada shaqaynta ka dhaxaysa Komishanka isaga oo sameeyey talo-goosi u gaar ah oo aanay guddida intooda kale ku waafaqsanayn marar horena looga digay, sidaa awgeed waxay Guddigu go'aamiyeen sida tan hoos ku qoran
1. In laga qaado xilkii Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka laga bilaabo maanta oo taariikhdutahay 04/05/08.
2. In digniin Kama dambays ah loo jeediyo Mudane Xirsi taas oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaas oo kale ah oo dhan ka ah xeer hoosaadka Guddida Doorashooyinka Qaranka. Waxa halkan aanu ugu sheegaynaa ummadda Somaliland inay markasta naga go'an tahay guddi ahaan in aanu u gudano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhamaystiro si waafaqsan xeerka iyo shuruucda loo dhigay Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha, Doorashooyinka iyo xeerhoosaadkaba:
Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummadda in meel hawli ka socoto qaladaade aan laga waayeyn, waxaase muhiim ah in si wada jir ah mar kasta loo saxo oo la toosiyo wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka qaranku hiigsanayo.
Waxa markasta waajib ah in xubin kasta oo ka mid ah Gudiga Doorashooyinka Qaranka in ay ku dhaqmaan xeerhoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka Lana ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhawrsanaanta Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenkii komiishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xassan ayaa si buuxda iskaga Casilay ka mid ahaanshihii Gudidda doorashooyinka Qaranka maalintii shalay, wax yar ka dib markii uu soo baxay go'aan ay si wada jir ah xilkii Gudoomiye ku-xigeenimada ugaga qaadayaan Md.Xirsi Gudoomiye ku-xigeenka ayaa shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa kaas oo uu ku cadaynayo in uu iska casilay xubinimadii komiishanka ka dib markii xubnaha kale ee ay Komishanka ka wada tirsan yihiin isku raaceen inay xilkii Guddoomiye ku xigesnka ka qaadaan, isla markaana ay ku eedeeyeen in uu go'aan uu kaligii qaatay oo uu saxaafada la hadlay, xeerkii u yaalay gudidaasna uu jabiyaya. Intaa ka diba waxa gudoomiye ku xigeenka loo keenay waraaq, isna shir jaraa'id ayuu ku qabtay xafiiskiisa kaas oo uu ku cadeeyay is casilaadiisa.
Mudane Xirsi mar uu arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi "In aan ka jawaab bixiyo qoraalkii ay ii soo gudbiyeen guddiga afarta xufenood ee ka jooga, Komishanka aan ka midka ahay waxaan qoraalkaa ku qornaa hadal ka horeeyey oo ay BBCda ka sheegeen Guddoomiyuhuna uu ka mid ahaa, anigoo ah Guddoomiye ku xigeenka Komishanka in la anshax marinayo waxa la ii soo gudbiyey, qoraal la leeyahay waxaan kugu anshax marinaynaa in aanu kaa qaadno Guddoomiye ku xigeenka iyo in aan digniin ku siino iyadoo ay eedu tahay waxa aad la hadashay saxaafadda, hadalkaygu Madaxweynaha in uu ka cadhaysiiyey uun baan u fahmay oo ku xusan meesha saxaafadda la hadashay, waxa ku xusan waxaad la xidhiidhay deeq bixiyeyaasha, awalan waxa aan ka jawaabayaa ma jiro wax dambi ah oo Komishanka aan ka
galayna ma jirto oo aan u aqoonsanahay inay dambi tahay, waayo xeerka iyo xeerhoosaadka midna kuma qorna in ay dambi tahay in aan saxaafadda la hadlo, hadalku waa xoriyada aasaasi ah waa wax ka da' weyn xeer hoosaad iyo xeerka yaryar ee dastuurku ku qoran inuu qofku xor u yahay in uu ku hadli karo xoriyaadka aasaasiga ah waxa runtii aan leeyahay waa waxa aan sharciga meelba kaga fadhiyin in dambi la igaga dhigay, waxaanse runtii u fahmay oo hore u sheegay waxaan imika qariinayo maaha ee mid aan hore u sugayey in aan komishanku xor ahayn oo ay xukuumaddu maamusho oo wax kasta oo xukuumada ka hor yimaada Komishanka loo qabsanayo." AyuuyidhiMd. Xirsi Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee komiishanku isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay inay jireen waxyaabo uu hore uga Afeef dhigtay balse uu xubin nimadii komiishanka iska casilayo mar hadii aanu xor ahayn waxanu yidhi "Horaan uga afeeftay waxaan sheegay xiliyadaan ka afeefanayey in komishanku noqon waayo xor in aan iska casilayo xubinta Komishannimo si aanan u luggoyn dadkii I soo doortay, si aanan u luggoyn bulshada Somaliland ee ka rajo qabta in guddi doorshocyin qaban karaan si aanay taariikh madoobi iigu galin taariikhda oo aanan ka mid noqon, ee aanan ka mid noqon xubnihii Komishanka ee wadanka luggooyey ayaan hore u sheegay, waxan leeyahay Komishanku wuxuu u qaatay sidaan horeba u sheegay in aanay xoriyaddii Komishanimo shaqaynayn." Ayuu yidhi Md. Xirsi
Md. Xirsi waxa uu tilmaamay in uu horaba dhawr jeer u hadlay balse markan uu hadalkiisu cid ka cadhaysiiyay gaar ahaan waxa uu carabaabay Madaxweynaha "Waxaan hadlay intaas oo jeer, Balse maanta qoraal ka cadhaysiiyey Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirada oo aan ka hadlay ayaa waxa layidhi waxa lagu anshax mariyaa in guddoomiye ku xigeenka lagaa qaado, gudoomiyenimaday ii doorteen xubnaha komishanku ee markay doonaan iga qaadi karyaan, laakiin aasaaska haddii aad la hadasho dawlada waxa lagaa qaadayaa guddoomiyenimada, aasaaskaasi waa mid aanan ku qancin oo aan filayo in aanay mudiniintu ku qancayn waa arrin xusid mudan oo aan hore u sheegay dhacdada tan rajo xumona ka muujiyey in aanay Komishankani madaxbanbaanayn, Komishanka doorashooyinka iyo waxa kale dadaal ka samayn karo ahayn." Ayuu yidhi Md. Xirsi
Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Komiishanku isaga oo ku dhawaaqaya is casilaadiisa waxa-uu yidhi "Waxaan maanta cadaynayaa oo bulshada Somaliland xisbiyada mucaaradka, xukuumadda iyo komishanka u cadaynayaa inaan iska casilay xubinimadii Komishanimo ee guddiga doorshooyinka qaranka laga bilaabo maanta waxaan u gudbin doonaa qoraal siduu sharcigu dhigayo cidda ay khusayso arrintaa, waxaan ku sababaynayaa in aan is casilo markaan waayey xoriyad komishanimo markaan ka rajo dhigay Kornishanka ila shaqaynaya ee saaxiibaday inay yihiin qaar ummada aan ku kalsoonayn inay yihiin ummadda qaar u garsoori kara." Ayuuyidhi Mr. Xirsi Cali Xaaji Xassan isaga oo tilmaamaya hadalka laga raacay ee qoraalkiisa ku jiray isla markaana ku sii adkaysanaya mawqifkiisii hore waxa uu yidhi, "Hadaladay xuseen komishanku waxa ka mid ahaa, Madaxweynuhu wuxuu la siman yahay Faysal iyo Siilaanyo YES wuu la simanyahay, wuxuu qoraalkaygu ahaa Madaxweyne waxaad noola siman tahay arrimaha doorashooyinka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Siilaanyo waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah gudigu waxay ka shaqaynaysaa maaha Wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada gudigu waxay u igman yihiin in ay qabtaa doorashoon xor ah oo xalaal ah si caddaaladi ku jirto, waxaan runtii u cuskanayaa inaan xilkii iska casilo maadaama xubinihii Komishanku ay noqdeen xukunkii ka soo baxay dawladda, waxaan ku cadaynayaa shalay waxa ii yimid xisbiga UDUB maamulka ugu sareeye waxa ay ii sheegeen in la iga qaadayo xilka waxaanay igu qaniciyeen in aan sii joogo iyaga oo nasteexo iiga dhigaya sii joog waxaan ku qancay markaan xubnaha Komishanka in telefon laga hagayo waanan arkayey markii lala hadlayey, waxaan ku sababaynayaa maadaama fariini ka timid xukuumadda iyo xisbiga talada haya ay xubin iga qaadeen xilka oo ay yidhaahdeen hadalkii waxaan ogahay in shalay oo dhan raga qaar la maslaxayey oo ay lahaayeen aan u gudbino Madaxweynaha xubinimada ha laga qaadee. Baarlamaanka ha loo diro, shalay baa ragga qaarkii la maslaxayey.

Xigaal Wargayska Maalmaha Cadadka 108aad
29 Rabiicul-thaani 1429 (H)