Komishanka oo Muddo Cusub u Cayimay Doorashooyinka

Guddoomlyaha Golaha wakiilada Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah dhexdhexaadiyaha khilaafyada cakiran ee u dhexeeya xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka, ayaa shalay labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID u gudbiyey go'aan xukuumaddu ka soo saartay mowqifkeeda ku wajahan arrimaha muranku ka taagan yahay ee la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka iyo go'aankii Guurtida ee muddo-kordhinta muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Madaxweyne Rayaale ayaa guddi ka tirsan golihiisa wasiirrada u magacaabay inay u metelaan wadahadallada xal-u-helidda murannada siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah oo ay xubno ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Xidhiidhka Golayaasha, Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada, ayaa waxay gelinkii hore ee shalay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada go'aan dhawr qodob ah oo ay ku caddeeyeen mowqifka xukuumaddu ka taagan tahay furdaaminta khilaafyada cakiran ee ay isku maandhaafsan yihiin dhinacyada muxaafidka iyo mucaaradku. Nuxurka qodobada go'aanka xukuumaddu ka soo saartay mowqifkeeda waxa saldhiggoodu yahay;
1 -In go'aankii Golaha Guurtidu ay halka sanno ugu kordhiyeen muddada xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu uu yahay mid sharci ah oo aan wada-xaajoodlagageli Karin;
2-ln jadwalka muddaynta qabsoomidda doorashooymka [Madaxtooyada iyo Degaanka] uu yahay mid laga wada hadli karo;
3-ln marka dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ay isla meel dhigaan xilliga qabsoomidda doorashooyinka kadib wax-ka-beddel lagu sameeyo xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha si laysku waafajiyo waqtiga laysku afgartay iyo xeerka oo dhigaya in 6 bilood ka hor doorashada diiwaangelinta la sameeyo. Waxa kale oo ay xuseen in wax-ka-beddelka xeerku ku ekaado labada doorasho ee foodda innagu soo haya, balse wixii ka dambeeya loogu dhaqmo xeerka sidii hore ee golayaasha sharci-dejintu ku ansixiyeen. Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay ka maqan yihiin labadii xubnood ee xisbiyada mucaaradka ugu jiray, ayaa warar xogogaal ahi Jamhuuhya u xaqiijiyeen xalay in ay mar saddexaad dib u sii riixeen xilligii doorashooyinku ku qabsoomi lahaayeen ee ay saddexda xisbi qaranka iyo Komishanku isla gaadheen oo ahaa 6 October iyo 31 December 2008,waxayna soo jeediyeen in ay qabsoomayaan labada doorasho bilaha November 2008 iyo January 2009.
Waqtiga u dhexeeya muddadii ay ku heshiiyeen axsaabta iyo Komishanku iyo muddo-kordhinta Guurtida ee xilka Madaxtooyada, ayaa waxay dib-u-dhigistooda cusub ku sababeeyeen murannada cakiran oo caqabad ku noqday hawlihii diyaargarowga doorashooyinka.
Geesta kale, siday ilo ku dhowdhow Komishanka Doorashooyinku Jamhuuriya u xaqiijiyeen deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, ayaa la sheegay in iyaguna hakiyeen dhaqaalihii ay ugu talogaleen hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuwaas oo tilmaamay in sababta ay tallaabadaas u qaadeen keentay khilaafyada siyaasadeed ee waqtigan dalka ka aloosan, iyagoo caddeeyey in marka u horreysa ee xal loo helo arrimaha laysku maandhaafsan yahay ay sii dayn doonaan kharashka gacanta kaga geysanayaan hirgelinta arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland.
Sidoo kale, labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID oo shalay loo gudbiyey mowqifka xukuumaddu iska taagtay xallinta khilaafyada jira iyo soo jeedinta Komishanka ee cayimidda muddada cusub ee qabashada doorashooyinka, ayaa xalay yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo kaga arrinsanayeen sidii ay mowqif midaysan uga soo saari lahaayeen soo jeedimaha cusub, kulankaas oo socday ilaa saacadihii dambe ayaan si rasmi ah daboolka looga qaadin waxyaabaha ay isla soo qaadeen labada dhinac.
Labada xisbi ee mucaaradka ah ayaa hore mowqif adag isaga taagay muddo-kordhinta Guurtida, isla markaana aanay aqbali doonin sharciyadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale marka la gaadho, 15ka bisha May 2008, waxaanay sheegeen inay aqoonsan yihiin jadwalkii ay saddexda xisbi qaran iyo Komishanku ku cayimeen qabashada doorashooyinka, iyagoo ku doodaya in labada doorasho la soo horreysiiyo ta Madaxtooyada oo ku tilmaameen mid muhiimad weyn leh. Haseyeeshee, ilaa hadda lama oga in ay wax ka beddeleen mowqifkoodii hore iyo inkale.
Waxa kale oo ilo ku dhowdhow axsaabta mucaaradku xuseen in kulankooda kaga arrinsanayeen waxa laga yeelayo labadii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ugu jiray oo hadda midkoodna aannu shaqayn.

Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadadka 3548aad
29 Rabiical-thani, 1429 (H)