Kulmiye oo Sheegay inaanu u Dulqaadanayn Dhibaatada...

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey tan iyo markii ay xukunka dalka qabsatay ay caadaysatay falal daan-daansi iyo cadow tinimo ah oo lagu hagardaamaynayo masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigooda, kuwaas oo ay caddeeyeen in aanay dulqaad dambe u yeelandoonin.
KULMIYE oo hadalkooda ku sheegay warsaxaafadeed ay shalay soo saareen oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo), ayaa waxa lagu sheegay in xukuumadda talada dalka haysaa ay taageerayashaa KULMIYE kala dagaalantay dhinacyada dhaqaalaha, gacansiga, shaqooyinka dawladaha, hay'adaha caalamiga ah iyo NGO-yada maxaligaah.
Warsaxaafadeedka oo dhammaystirina waxa uu u dhignaasidan: "Tan iyo intii talada dalka uu qabtay Daahir Rayaale doorashadii madaxtooyada ee 2003dii ka dib waxa uu dagaal toos ah oo qaawan oo dhinac walba leh af iyo addinba ku qaaday xisbiga KULMIYE, taasoo aanu xisbiga KULMIYE marnaba ka bixin jawaabtii ku habboonayd ama uu xaqa u lahaa, isagoo xeerinayey waxyaalo badan una arkayey inay jawaab la'aantaa maslaxadi ku jirto. Xukuumadda Daahir Rayaale waxa ay marwalba oo ilaa xilligaa aan kor ku sheegnay ku simaan ilaa maanta oo aynnu joogno si cadawtinimo ah ugu isticmaalaysey cabudhinta iyo cadaadiska xisbiga KULMIYE awoodda dawladeed ee ay gacanta ku hayso. Dhibaatada, dibindaabyada, iyo xad-gudubku waxay yihiin kuwo saameeyey dhamaan bulshada reer Somaliland, waxase intooda badan dhibaatadu gaar ugu dhacdaa cidda loo tuhmo inay yihiin taageerayaasha ama xubnaha xisbiga KULMIYE. Waxa taageerayaasha KULMIYE xukuumaddu si qaawan ugala dagaallantay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, qandaraasyada, shaqada

dawladda, hay'adaha caalamiga ah, NGO-yada maxalliga ah iyo meel kasta oo ay nolosha ka raadsan lahaayeenba. Dhaqamadani waxa ay ku khasbeen in badan oo ummadda ka mid ah in ay muujisan kari waayaan dareenkooda siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin, Waxa markhaati-madoon ah oo ummaddu si cad u ogtahay:
1 . In 04/04/2005 xukuumaddu weerar ku qaadday xarunta xisbiga KULMIYE iyagoo aan dariiq sharci u soo marin oo raadinaya idaacad loogu sheegay inay xaruntaas taallo oo KULMIYE leeyahay, taasoo haddii ay jiri lahaydba ay ahaan lahayd mid xisbigu xaq dastuuri ah u leeyahay oo in lagu weeraro iskaba daayoo in laga horjoogsadaa ay xaraan tahay.
2. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xidho xog-hayihii guud ee xisiga Daa'uud Maxamed Geelle Allaah ha u naxariistee 04/04/2008.
3. Waxa 2006-dii Madaxweynuhu shir-jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay isagoo ku nuuxnuuxsanaya in KULMIYE yahay cadwoga gudaha ee Somaliland leedahay, isla markaana ay yihiin qaran dumis.
4. Waxa xukuumaddu guud ahaan gaar ahaanna madaxtooyadu xuquuqdeedii muwaaddinnimo ka qaaadday marwada Guddoomiyaha xisibiga KULMIYE Marwo

Aamina Sh, kadib markii ay ku guulaysatey imtixaan ay u gashay jago ka bannaanayd hay'adda CARE International, shaqadaasoo madaxtooyadu dhaar iyo wacad ku martay inaanay qabanayn ama hay'addu dalka ka baxayso, aakhirkiina la siiyey nin Sawaaxili ah oo ka mid ahaa dadkii imtixaanka galay ee ay kaga guulaysatey.
5. Waxa xukuumaddu sannadkii 2006dii si sharciga aan waafaqsanayn u xidhay guddoomiyihii xisiga ee Gobolka Awdal.
6. Waxa xukuumaddu weerar gelisey guriga xubin ka mid ahayd guddida fulinta ee xisbiga iyadoo doonaysey inay xidho sababo fekerkiisa la xidhiidha dartood (Muuse Biixi).
7. Waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga u dhigtay muddana ay ugu haysatey xubin ka mid guddida fulinta ee xisbiga ka mid ahayd (Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan).
8. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xabsiga u taxaabto masuul isna ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE (Maxamed Kaahin Axmed).
9. 10/04/2008 waxa Wasiirka Arrimaha Guduhu Cabdillaahi Cirro warbaahinta caalmaka iyo ta maxalliga ahba ka sheegay inuu KULMIYE ka danbeeyey qarax la sheegay inuu ka dhacay guriga Guurtida taasoo: 10/4/2008 loo qabtay oday Deyr Maxamed Cilmi.
10. 12/04/2008na loo qabtay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Axmed Cumar X.

Cabdillaahi (Xamarji).
12. 01/05/2008 waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga ugu taxaabtay xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ilaa haddana uu u xidhan yahay (Abshir Xasan Xaashi).
Dhammaan dhacdooyinkani waa kuwo la wada ogayahay oo aan qarsoodi ahayn, mana jirto dhacdo keliya oo xukuumaddu caddaysay, isla markaana ma jirto dhacdo keliya oo maxkamad lagu horgeeyey ciddii lagu eedeeyey, muwaadin walba marka muddo la haysto ee xorriyaddiisii, karaamadiisii iyo tii xisbigiisaba laga lumiyo ayaa layska soo deayaa.
Arrimahan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kaleba waxa xisbiga KULMIYE u arkyey ilaa haddana u arkaa daan-daansi iyo falal cadowtinnimo oo loola badheedhay. Waxa kale oo KULMIYE u arkayey dagaal ay xukuumaddu go'aamisey ama ay caddaysay oo nalagu soo qaaday, Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa in ay sii deyso xubnaha xisbiga ee gardarrada ugu xudhan. Xisbiga KULMIYE waxa uu dhaleecaynayaa falalkaa masuulyad-darrada ah ee xukuumaddu kula dhaqanto, waxaanu caddaynayaa in aannu dulqaad dambe u yeelan doonin una adkaysan doonin tallaabooyin danbe oo noocanah."

Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadadka 3548aad
29 Rabiical-thani, 1429 (H)


silanyo[1].gif