Wasiirkii kaliya ahaa ee ka shaqaynayey maamulka Riyaale

Wasiirkii kaliya ahaa ee ka shaqaynayey maamulka Riyaale oo xilkiisii la wiiqay; Lacagtii laga qaadijirey hay'adaha oo la waayey darteed

Madaxweyne Rayaale Oo Digreeto Madaxweyne Ku Dhantaalay Xilkii iyo Awoodii Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Sanyare.
[Taliska Nugulee Niyad Jabka Ahee Naxashka Saaran Naxashka Saaranoon Nabadiyo Wanaagii Waadigaa Nacee Nacab Nabarada Wadanigu Ku Naawilaayaan Nuug]

"Taliska Nugulee Niyad Jabka Ahee Naxashka Saaran
Naxashka Saaranoon Nabadiyo Wanaagii Waadigaa Nacee
Nacab Nabarada Wadanigu Ku Naawilaayaan Nuug"

Waxa cadaatey sida cadceeda in Riyaale iyo Gang ka ku
xeersan ee maamulkiisu in aanay wadanka wax dan ah ka
lahayn.
Waxa wax lala yaaba ah in nin nasiib u helay in uu
noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey ee shicibkiisu
doortaan, uu noqdo nin iskii u saqiirey, oo dhib
mooyee aan dheef u soo wadan wadankiisii iyo dadkiisii
doortey.
Waa ayaan daro in aan ku khasaarey Baarlamaankii aan
dooranay oo shaqadoodii Odayaal aan la soo dooran u
daba fadhiistey, wax awood ahna aan lahayn, garana
waayey dadkii idin soo doortey xilka dib ugu celiya
hadii shaqadiinii aad gudan kariweydeen oo mushahar
uun meesha ha u sii joogina, iyo madaxweynihii ugu
horeeyey ee aan nasiib u helo in aan doorano oo
taladiisii oo dhan noqtay kafaraqabso inta aad joogto
meesha, hadii ay duntana ka hugleel sida haadka. Waxa
ay labadooduba iloobayaan in Xisaab aakhiro ay sugeyso
iyo in dalkan iyo dadkaniba ay Illaahay leeyihiin
farash iyaga dhaamana samir ay ku helikaraan.
Waxa iyana ayaan dara ah in kuwii lalahaa wax bay
MUCAARID yihiin, oo ku jiqsii iyo baayactan ay u
galaan codkooda marka ay ruxanayaan maamulka mooyee
aan qorshe kale oo ay dalka ku hagaan aan marnaba u
soo bandhigin shicibka ay rabaan in bari ka maalin ay
masuuliyad u qabtaan. Cey iyo aflagaado mooyee wax
kale oo ay dadka la horyimaadaana aanay jirin.
Ninkastaa kursi buu calaamadaystay, kurisigaa ku
fadhiiso mooyee wax kale oo uu la shiryimaadaana aanay
jirin. Xisbiyadoodii raga diiday in tartan ka
dhexdhaco waxa ay Riyaale kula yaabaan majirto, hadii
uu isna yidhaa cimri dherer si kasta oo aan ku heli
karo waan fulin. Awood gudoomiye xisbi bay
isticmaaleen Siilaanyo iyo Feysal si ay u noqdaan
musharaxa xisbigooda, Riyaale na wuxuu isticmaalay
awood madaxweynenimo iyo dawladeed si uu u sii joogo,
markaa maxay la qaylinayaan hada.
Mucaaridada aad sameeynweeydeen xiliyo badan oo
sharciga dalka lagu tuntay, hada oo 5 sano u dhamaatay
Riyaale xiniinyo cusubna yeelataan waa "Too little too
late" mucaaridad kursi lagu fuulayo laakiin aan dadka
loogu daneyneyn weeye, aadna habsan baad u tihiin
sideedaba mar hore ayey idiin eekeyd, dadkuna waa
idiin garaabi lahaa.
Waxa aan ku soo gunaaanadi qormadan yar talooyin yar.
Koow) Riyaale waxa la gudboon in uu is daba qabto, oo
dadkii doortey "Uugumuu hanbayn sidii ay ugu liseene"
inuu yidhaa xilkii aad ii igmateen waan ku fashilmay
degdeg na uu isku casilo xilkana sida ugu dhakhsaha
badan uga dego.
Labo) Guurtidii Saqiirtey ee ceelka Somaliland ku
riday waxa la gudboon iyana in ay isdaba qabtaan oo
dhuuniraac aanay noqonin, laakiin u tudhaan dalka iyo
dadka "Waarimayside War Hakaa Hadho" maamulkan seetada
goostayna runta u sheegaan, xilkana ka qaadaan hadii
foodada ay dalka la rabaan ka waantoobiwaayaan. Ifkii
ku saqiirte, hankii la idiin hayey iyo abaalkiina
idinka ayaa iska baabiiyey, bal aakhiradiina u tudha.
Sadex)Shicibka xalaasha ah ee Somaliland waxa aan
leeyahay talo idinka ayey idin joogtaa "Katashada
Cadaawohoo Isku Tiirsanadaa" Ha ka yeelina tuuga
reerkiina ee isku dayaya in uu umada kala qaybiyo
dadkana iska horkeeno si uu isagu wax u noqdo.
Suldaamadiina, Culumaa'udiinkiina, Aqoonyahiinkiina,
Indheergaradkiina, Maalqabeenkiina, iwm kuligiin
idinka oo isku duuban ka tashada tuugtan taladii dalka
maroorsaday ama kuwa hada raba in ay maroorsadaan,
laakiin waji cusub mooyee waxba kaga duwaneyn kuwa
hada jooga, qorshe ay soo wadaana aanu jirin oo ka
gedisan kuwii hore. Jeebka buuxsey hebel ana waa
markaygii weeye kuwaasna taladoodu. Una sheega in ay
ka waantoobaan anshax xumada iyo cayda joogtada ah ee
ay ku dhaqmaan dhamaantood.
Afar) Tuuga maalqabeenka sheeganaya ee xoolihiinii
diiday in uu ku iibsado sicirka xaqa ah ee jira,
laakiin raba in uu xareeyo tuu kaa iibinayo
sicirbararna kaaga iibiyo, hadii uu Illaahiisa ka
biqiwaayo oo xaqa diido in uu ku shaqeeyo, maamulkii
sixi lahaa iyo isagiina isku milmeen oo cid idinka
qabanaysaa aanay jirin, hadhuudhka dalka ka baxa,
qamadida, khudrada dalka hooyo cuna oo iska daaya
bariiska iyo baastada dhiiga la idiinkaga jaqayo. Cid
ka iibsata marka uu waayo isaga ayaa saaxiga keeni.
Midna ogaada, iyaga ayaa ka caafimaad fiican bariiska
iyo baastada markasta.
Guul iyo Gobonimo ayaan u rajeyn Somaliland, iyo
Isbedel xaqa.

Salaamu Aleekum;
C/Rashiid