Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay
magacaabay guddi uu u xilsaaray qabanqaabadda xuska sannad-guurada 17-naad ee maalinta qarannimada Somaliland, taas oo ku beegan 18 bisha May ee foodda innagu soo haya. Warka magacaabista guddigan oo lagu faafiyey warsaxaradeed uu ku saxeexsan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge, ayaa isaga oo faahfaahsan waxa uu udhignaa sidan:
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta magacaabay guddida loo xilsaaray qabanqaabada xuska 17-aad ee maalinta qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May.
Guddidaasi oo ka kooban masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:
1. Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada
3. Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta
4. Mudane Eng. Xuseen Maxamed Jiciir, Maayarka Magaalada Hargeysa
5. Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim, Wasiirka Gaashaandhigga
6. Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hiddaha iyo Dhaqanka
7. Mudane Siciid Caddaani Mooge, Afhayeenka Madaxtooyada
8. Mudane Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
9. Mudane Maxamed Saqadhi Dubbad, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
10. Cali Xasan Maxamuud (Asad), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa faray in iyada oo muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgalaan qabanqaabada maalintaas qiimaha iyo qaddarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay qarannimada Somaliland.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu guddoomiyayaasha gobollada dalka iyo maayarrada dawladaha hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xilsaaro xuska iyo dabbaaldagga 18-kaMay."
Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadadka 3550