Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. John Marshall, ayaa kulamo ku saabsan xal-u-helidda khilaafyada cakiran ee xilligan dalka ka aloosan la yeeshay dhinacyada kala duwan ee ay
khuseeyaan arrimaha doorashooyinka Somaliland ee laysku maandhaafsan yahay, ka hor intii aannu shalay soo gunaanadin socdaal laba maalmood qaatay oo uu Isniintii ku yimi caasimadda Hargeysa.
Masuuliyiinta Somaliland ee uu safiirku kulamada la yeeshay waxa ka mid ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad, Komishanka Doorashooyinka, Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah.
Mr. Marshall ayaa shalay gelinkii hore intii aannu ka dhoofin Madaarka Hargeysa, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay labada dhinac isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin furdaaminta murannada siyaasadeed ee hadheeyey saaxadda doorashooyinka iyo sii xoojinta xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge.
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsahna waxa uu u dhignaasidan:
"Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta [shalay] xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaarrada dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Wefdigaasi oo ay ka mid ahaayeen ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr John Marshall lyo ku-xigeenka labaad ee Xoghayaha Safaarrada Ingiriiska Colin Leeman, waxa ay booqasho gaaban ku yimaaddeen dalka Somaliland iyada oo ujeeddada booqashadooduna la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda Ingiriiska. Mr Marshall waxa uu Madaxweynaha u sheegay in isaga iyo wefdigiisu ay aad ugu diirsadeen soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen xukuumadda Somaliland, asxaabta qaranka, hay'adaha dawliga ah iyo shacbi weynaha Somalilandba. Mr Marshall waxa kale oo uu tibaaxay in dawladda Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay sii ambaqaado wada-shaqaynta iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana dawladda Ingiriisku aad ugu ammaanayso Somaliland waxyaabihii ay qabsatay oo ka mid yihiin doorashooyinkii dalka u qabsoomay, kuwaas oo u dhacay si nabadgelyo ah oo xalaal ah oo astaan iyo ku dayasho u noqon karta dalal badan oo Afrika ah.
Mr Marshall oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu tiibaaxay in ay dawladiisu dhiirrigelinayso taageero buuxdana siinayso geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland, gaar ahaanna doorashooyinka dalka ku soo food leh inay dalka ka qabsoomaan, una dhacaan si xor ah oo xalaal ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna hadal kooban u jeediyay wefdiga waxa uu ka warramay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska. Madaxweynuhu waxa uu wefdiga u sheegay in dawladdiisu diyaar u tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, iyada oo mar walba la tixgelinayo lana dhawrayo dastuurka iyo qawaaniinta xeerarka u yaal Somaliland. Mudane Rayaale waxa kale oo uu soo qaaday hayaankii dheeraa ee shacbiga Somaliland u soo galeen dhismaha qarannimadooda iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda, sidaa awgeedna Madaxweynuhu waxa uu si xoog leh u caddeeyay in xukuumaddiisa ka go'an tahay inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, iyada oo marwalba la dhawrayo in lagu dhaqmo dastuurka iyo qodobadda ku qeexan qawaaniinta iyo shuruucda dalka.
Kulanka wefdiga Safarraada Ingiriisku la yeesheen Madaxweynaha waxa kale oo goob-joog ka ahaa Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Mudane Siciid Maxamed Nuur, Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Mr.Maxamed Xasan Nuur."
Sidoo kale, Mr. John Marshall waxa uu habeennimadii Salaasadii kulan wadajir ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, kaas oo ay kaga wadahadleen sidii is-afgarad iyo wadatashi loogu dhammayn lahayaa khilaafyada siyaasadeed ee waqtigan ka dhex oogan mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu xalay wax ka weydiinay arrimaha ay iskula soo qaadeen kulankii ay la yeesheen ku-xigeenka Danjiraha dawladda Britain u fadhiya AddisAbaba Mr. John Marshall, ayaa sheegay inay dhinacooda uga xog-warrameen xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska iyo taageerada dhaqaale ee ay dawladda Britain ka geysato dhinacyada dimoqraadiyadda, caafimaadka iyo waxbarashada, taas oo ah mid ummadda reer Somaliland abaal weyn ugu hayso.
Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay inay safiirka faahfaahin ka siiyeen wadciga guud ee xilligan dalka ka jira, gaar ahaan salka khilaafyada ku wajahan doorashooyinka iyo mowqifka axsaabta mucaaradka ahi ka taagan yihiin arrimaha laysku maandhaafsan yahay. Waxaannu intaa ku daray inay weftiga u caddeeyeen in dib-u-dhaca ku yimi qabsoomidda doorashooyinka ay masuul ka tahay xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu tibaaxay in Mr. Marshall isna dhinaciisa uga warramay mowqifka dawladdiisa ee ku aaddan xaaladda Somaliland, gaar ahaanna arrimaha waqtigan taagan, kuwaas oo uu xusay inay welwelka ka qabaan, sidaa darteedna ay jecel yihiin in lagu dhammeeyo wadatashi iyo isu-tanaasul sinabadgelyo ah.
Dhinaca kale, xubno uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa isla habeenkii Salaasadii kulan kale yeeshay Safiirka dawladda Itoobiya u jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaas oo ay kaga wadahadleen xal-u-helidda khilaafyada cakiran ee ka jira dalka waqtigan, waxaannu Axmed-Siilaanyo Jamhuuriya u sheegay inay Safiirka u sheegeen in ay dhinacooda dhawrayaan nabadgelyada iyo xasilloonida mandaqadda Geeska Afrika, isla markaana qiimaynayaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal.
Guddoomiye Siilaanyo waxa uu intaa ku daray in Danjiraha Itoobiya dhinacisia u muujiyey dareenka dawladdiisa ee ku saabsan nabadgelyada iyo deganaanshaha ka jira Somaliland, sidoo kalena diyaar u yihiin wax-wada-qabsiga labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya.
Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadadka 3550