Boqolaal qof oo ka mid ah taageerasyaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay isu soo bax ballaadhan ka dhigay barxadda hore ee xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargaysa.
Banaan-baxan oo ka dhan ahaa muddo-kordhintii Guuridu halka sanno ugu kordhisay xilka Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo xilli dhammaadka shantii sannadood ee Madaxwayne Rayaale oo ku eg 15 May 2008, ayaa ahaa mid aad loo soo abaabulay oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta sare ee xisbiga iyo dadwayne farabadan oo ku lebbisnaa dhar ka samaysan calanka KULMIYE iyagoo islamrkaa sitay calamo ay luxayeen, waxaanu ku dhaammaday jawi nabadgalyo, iyada oo aanay wax rabshado ahi ka dhicin. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo) oo la hadlayey dadwaynaha isku soo baxay, ayaa sheegay inay iyagu cid walba ka jecel yihiin nabadgalyada dalka oo jirta, isla markaana aannu KULMIYE ahayn kii maanta looga shakiyi lahaa mid nabadgalyada waxyeelaynaya. Waxaannu u mahadnaqay guud ahaanba dadkii taageerayaasha ahaa ee isu soo baxay, waxaannu yidhi; "Waxaan idiin sheegayaa KULMIYE maanta maaha xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, KULMIYE waxa taageera inta badan shacbiga Somaliland, waa inta dalka iyo dadka u damqata guud ahaan nabada iyo danaha ummaddiisa ee mustaqbalka iyo horumarka doonaysa, xaasha dadkii maanta looga baqi lahaa in aynu nabadgelyada waxyeelno ma nihin. Waxaynuse leenahay oo muujinaynaa in aannu distooriyan xaq u leenahiay in aynu mar walba maanta, berri, toddobaadka dambe iyo markay nala noqotaba in aynu isku soo baxno oo mudaharaad salmi ah u soo baxno oo dareenkeena ku muujino, iyada oo aynu nabadgalyada ilaalinayno, wadajirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal." Waxaannu intaa raaciyey Axmed-Siiraanyo oo yidhi; "Xaq baanu u leenahay in aannu bannaanbax salmi ah iskugu soo baxno iminka iyo marka muddadu Madaxweynaha ka dhammaataba haddaan xaaladdan wax iska beddelin waa inoo ballan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabbiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno, xuquuqdaana cidna uga tanaasuli mayno."
Guddoomiyaha Xibiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo), isaga oo ka hadlaya halka xaalada dalku marayso waxa uu yidhi; "Xaalada halkay marayso waynu ognahay oo waynu ka wada dharagsanahay, iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaadatay oo mar kastoo nabadgalyada burbur ku
dhaco cidda burburisaa ay dawladda iyo maamulka jira ahayd, cidda ilaalinaysaana dadweynaha ahayd, marka aragagixiso bilaabanto cidda cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayey ahayd, halka cidda sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysay ee dhallinyaradda tooganaysay, shacbiga xidhxidhaysay ee xuquuqda ku tumanaysaa ay tahay xukuumadda maanta jirta ee Daahir Rayaale Kaahin, taa miyeynu yeelaynaa mise waynu ka aqbalnaa? Waa maya, waxaannu idiin sheegaynaa Daahir Rayaale Kaahin waxa loo doortay Madaxweynaha dalka, waxay shantii sanno ee distoorku siinayey kaga egtahay isagoo sidii la ogaa ku yimi shantii sanno waxay kaga buuxdaa 15-ka May, markaa maxaynu nidhaa walaalayaal, ma nidhaa salaama? Maya, odhan mayno ee waxaynu leenahay distoor iyo sharci baynu leenahay, waxaanay caddaynayaan sida qudha ee Madaxweynaha loogu kordhin karaa in la yidhaa dalkii hoog iyo balanbal baa ka socda oo nabadgelyo-darraa ka dhacday, Guurtiduna siday ugu kordhisay waa mid sharciga iyo xeerarka baalmarsan, dalkiina waxay yidhaahdeen nabadgelyo-darro ayaa ka jirta oo dagaallo ayaa ka socda ee sharci baa, ma garbaa, ma distoor baa, ma xaq baa midna maaha wax la yeeli karana maaha.
Annagu ma lihin nooga kac kursiga aannu ku fadhiisanee, xaasha.... xaasha ee kursiga ciddii ku fadhiisanaysaa sida uu isagu [Rayaale] ugu fadhiyo waxay ugu fadhiisanaysaa sifo sharci ah oo ummaddu ku dooratay, laakiin waxaannu leenahay Madaxweyne Rayaale waqtigii lagu doortay markuu kaa dhammaado adigu ma lihide ha iska sii rambaaqin meesha ee sida distooku ina farayo, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan axsaabta qaranka iyo wixii taladeeda galayaayow oo ha la is waydiiyo walaal maxaynu yeelaa oo doorashada ku gaadhnaa."
Axmed Siiraanyo waxa uu masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka dusha ka saaray xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isagoo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Doorashooyinka Qaranka oo dib waqtigoodii saddex afar jeer uga dhacay waxa masuuliyaddeeda iyo xilkeedaba iska lahaa Madaxweynaha dalka, isaga ayey ahayd inuu doorashada qabto, isaga ayey ahayd inuu dhaqaalaha bixiyo, maantana waynu ognahay shacbiweynihii, waxgaradkii reer Somaliland, Guddigii Doorashooyinka Qaranku, deeq-bixiyayaashii iyo dalalkii danaynayey Somaliland waqti bay iskuwada raaceen inay ku qabsoomaan doorashooyinku, waxana diiday Daahir Rayaale. Waxaannu leenahay hore samir baannu dalka iyo dadkaba ugu yeelanay imikana waanu u yeelanaynaa, iyada oo marar badan dib u dhacday doorashadii oo uu waajibaadkiisii ka soo bixi waayay hoggaankii qaranku. Waxaannu leenahay marka ugu horreysa ee la qaban karro ee hay'addaha innaga caawiya doorashooyinka iyo guddiga ku shaqada lehba garato in la qabto doorashooyinka diyaar baanu u nahay kana horiman mayno, mawqifkayagu waa kaas." Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay inay jiraan tacadiyo badan oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku hayso dadka maatida shacabka ah, iyadoo u geysata dil iyo xadhig sabab la'aan ah, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE isagoo arrintaa ku tilmaamay dulmi aan la qaadan karin. Waxaannu Md. Axmed Siiraanyo si gaar ah u magacaabay dhallinyaradii ku geeriyootay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa iyo dilkii marxuumad Hani Xasan Jaamac oo ciidamo milatari ahi ku toogteen suuqayada magaalada Hargeysa dhexdooda.
Waxa kale oo uu xusay in siyaasiyiin xilal, haya iyo kuwo bulshada dhexdeeda magac ku leh ay xukuumaddu si qayrul-sharci ah ku xidhay, isla markaana aan wax maxkamad ah la horgeyn ee markii dambe la iska sii daayey, halka qaarna hadda xidhan yihiinba sida Mr. Abshir Xasan Xaashi.
Md. Siiraanyo isagoo si gaar ah ula hadlayay Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi; "Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi, waa la siqiiri doonaa iyo raggan hanjabaya ee leh xabsigii Mandheera iyo madaafiicdiiba waannu haysnaa, waxaan leeyahay madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheerana laga biqi maayo oo waa loo diyaar rag baana hore ugalay.
Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw diyaarado ula dhacday shacbiga reer Hargeysa ee maanta ha nagu bajinin madaafiic iyo waad saqiiri doontaan kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin."
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada KULMIYE ugu jira, Md. Cali Aw Yuusuf Axmed oo isaguna ka mid ah Aqalka Wakiillada ee ka soo baxay xisbiga Kulmiya, iyo Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami.
Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadadka 3550