Mujaahid Cali Maxamed Yuuusf (Cali Guray), oo ka mid ah aasaasayaashii Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, ayaa xukuumadda ku eedeeyey in ay xoogaga amniga Qaranka u addeegsato cabudhinta Asxaabta Mucaaridka, isaga oo taasna ku tilmaamay wax aan loo dul-qaadan karin.
Muj'aahid Cali Guray, Waxa kale oo uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku dhaliilay in uu isagu masuul ka yahay dib u dhaca doorashooyinka ku yimi, isaga oo eedaasi la wadaajiyay iyagana Guddida Doorashooyinka Qaranka, Baarlamaanka iyo Xisbiga Kulmiye. Mujaahidka oo ka hadlayay shir-jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in aanay dhacaynin in nin lagu soo doortay Sanduuq iyo Warqad, yidhaahdo shan farood iyo calaacal ayaan ku maamulayaa dalka.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi "Xaalada Siyaasadda ee Somaliland sida ay maanta tahay, shaki kuma jiro in la odhan karo waa mid cakiran, waxa jirta wal-wal wayn oo ay dadku ka qabaan xaaladaasi saamaynta ay ku yeelan karto Nabad-galyadda, waana arrinta aan kohday inaan wax ka idhaahdo. Waxa kalifay xaaladan waynu ognahay, oo waxa weeye muddo dhaafka Doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyadda, hase ahaatee Somaliland waa nin tuurle, nin tuur-lihina si uu u seexdo isagaa cid walba ka yaqaan, dhibaatooyinkani maaha markii ugu horaysay ee ay taariikhda Somaliland ina soo marto, duruufo ka ad-adag oo siyaasadeed iyo nabadgalyo ayaynu soo marnay, waxaynu mar walba kaga dabaalan jirnay xaaladahaasi oo dhan, waddo aynu caan ku nahay, taas oo ah xal nabadeed, sidaa daradeed ma qabo in duruufta Somaliland inaga sal guurinayso wadadii aynu ku soo caana maalnay ee xalka nabada. Waxay dad badani iswaydiinayaan marka 15-ka bisha may dhamaato, maxay xaaladu noqon doontaa, anigu waxaan qabaa ma jirto cid suurtii yoomal qiyaamaha afuufaysaa bisha 15-keeda, Daahir Rayaalana cid inta ay qori ula tagto odhanaysa ka soo bax Madaxtooyada ma jirto, waxa uu noqonayaa Madaxwayne mudadiisii sharciga ahayd ay dhamaatay kursigiina ku fadhiya, waana dhibaatada ay maaraynteedu inoo taalo, muddo dhaafka Doorashooyinka iskaga sheekayn mayno, sababo faro badan oo kala duwan baa keenay, marka la isku wada ururiyana waxaynu odhan karnaa xilgudasho la'aan baa u sabab ah in Doorashooyinkii ay wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan, hase ahaatee wuu jiraa xal, wuuna muuqdaa, waana lagu jiraa waxaanan anigu qabaa in lagu guulaysan Doono inaynu ka heshiino, haddii ILAAHAY ogolaado. arrin murugsan sii murginteedu xal uma noqoto, xal waxa u noqda maaraynteeda arrimaha adkeeyay Qabashada Doorashooyinka mar walbana dib u dhaca keenana ka sakow, is dhaafdhaafka, waxa ka mid ah arrin inagu cusbayd oo iyana la yidhi Diwaangalin ku dara, inagoo markii horaba aan wakhti haysan, markaa waxa maanta soo baxay diwaangalinta, deeq bixiyayaashii caawinyay ay u arkeen in diwaangalintu carqalad ay inaguba soo kordhiyeen, waayo, waayo-aragnimo horana umaynaan lahayn, Daraasado horana may jirin, haddii Deeqbixiyayaashuna ay kala noqdaan inay fangareeyaan, Diwaangalinta oo ay lacag badani ku baxaysay, waxa jadwalka ka baxaya mudadii Diwaangalinta oo afar bilood lagu qiyaasayo inay soconayso, haddii sidii Doorashooyinkii hore in lagu galo ay ka fursan waydo, waala isla soo dhadhawayn karayaa in laga heshiiyo, mudadda ay qabsoomayaan labadaa Doorashaba, waxa jira muran badan oo mucaaridka iyo UDUB inta badan dhex mara, waxa jira adkayn nabadglyadda ah iyo Ciidan la soo geliay Magaaladda, waxa jiray dilal iyo xadhig, markaa anigu waxaan taageerayaa midda nabadagalyadda oo in nabad-galyada intii la adkayn karayo la adkeeyo waxaana ina faraysa Xaalada Guud ee Geeska Afrika, waxase dhaliila ah oo aan la qaadan karin, haddii ay taasi ku biirto ama loo adeegsado Xoogagi amniga Qaranka in lagu cabudhiyo mucaaridka iyo dad wax ay xaq u leeyihiin oo sharci ah Gudanaya, Somaliland umad ahaan, inaan xadhig iyo xabadi xal u noqon karin dhibaato Qaran, waana waayo-aragnimo ay leedahay iyo cashar qaaliya oo ku jooga qiimo aad u sareeya, umadi markay soo marto dhibnaatooyinkaasi oo kale way ka gaashaamataa, lagumana karo in Dowladu u adeegsato Ciidamadaa wax ka baxsan amniga Guud oo kaliya, waxaan u sheegayaa shaqsiyaadka u tartamaya Xilka Madaxweynenimo, Shacbiga Somaliland waa u diyaar inay idin ku kala saaraan codkooda, laakiin diyaar uma noqon karaan inay dhiig u daadiyaan tartankiina Doorashooyinka, markaa waxa loo baahan yahay inaynu cashar ka barano ta maanta ina haysata, si aanay inoogu dhicin ta maanta ina haysataa Doorashooyinka danbe, sidaa daraadeed anigu waxaan dadwaynaha leeyahay ha baqanina, ma jirto wax nabadgalyo darro la yidhaa iyo nin xoog ku doonaya iyo nin xoog ku haysan karaya midina ma jiro, waxaan ka qabaa in ka haya iyo ka iman doona, nin lagu doortay sanduuq iyo warqad oo ku dhici kara, inuu yidhaa shan farood iyo callaacal ayaan ku maamulayaa oo ka dagi-maayo, ka dhici mayso Somaliland ayaan qabaa, ka sidaa ku talo-galaana waa nin ku talo-gallay inay hooyadii ka goblanto, shacabkuna ay sharciga gacanta ku qaataan.
Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu ka hadlay, sida uu u arko xalka isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Xalka waxaan u arkaa in dhexdhexaadintaa la aqbalo, oo haddii qofku sidii uu u doonayay la waayo, sida laga fursan waayo la yeelo, dib u dhacana waa mid aynu ku qasbanahay, waa khasab in aynu aqbalno muddo dib u dhac ku ah Doorashooyinka" Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Arrintan waxa sababay xil gudasho la'aan, xil gudasho la'aantaana waa la qaybsanayaa, Eeda inta ugu badan waxa yeelanaya Madaxwaynaha, waayo ; waa Masuulkii koowaad ee Qaranka".
Xigaal Wargayska Geeska Afrika, Tirsiga 413aad