Guddoomiyaha Wakiilada oo ka Hadhay Dhexdhexaadintii...

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu dib uga gurtay waan-waantii uu ka dhex waday Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyada Mucaaradka oo isku maan-dhaafsan muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkfisa oo wakhtigu kaga egyahay 15-ka bishah May iyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka, isla markaana waxa la sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan sidaa ku wargeliyay Xisbiyada. Mucaaridka ah, maantana la filayo inuu Golaha Wakiillada u soo gudbiyo sababaha keenay bur-burka waan-waantii uu ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada arrintani khusayso, hase ahaatee, warar aanu ka soo xiganay illo kala duwan, ayaa tibaaxay in Guddoomiye Cirro waji-gabax kala kulmay dhinaca Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa.
Akaademiga nabada iyo horumarka oo isku dayay inay arrintan qayb ka qaataan ayaan ku guulaysan inay toos u soo wada-galaan dhex-dhexaadinta, ka dib markii farsamo ahaan Xisbiga Kulmiye u soo jeediyay inay ka dhursugaan, ama taageeraan hawsha uu ku jiro Gudoomiye Cirro ee aan laga dhinac furin wada hadalo kale.
Sidoo kale, warar aanu ka soo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa tibaaxaya in hawsha dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumadda ay la wareegi doonaan Gudiga Doorashooyinka Qaranka, oo la sheegay in xubintii iska casilay ee xisbiga Kulmiye-na la soo magacaabay, halka xubintii kale ee xisbiga Ucid-na laga horgaynayo baarlamaanka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, ayaa sida la sheegay Gudiyo u qaybiyay Xukuumadiisa. Ka sokow Gudiga u matalayay la xaajoodka dhinacayada siyaasada iyo gudiga qaban-qaabada xuska 18-ka May oo labadaba si rasmi ah loo shaaciyay, waxa la sheegay in Xukuumadu u qaybisay Guddi tabaabulshaha iyo ka hortagida talaabo kasta oo 15-ka May ka dib ka suuro-geli karta Mucaaradka. Warku waxa uu intaa ku daray in Gudiyadani ay maalmahan ugu dambeeyay ay shirar is-daba jooga ahaa ka lahaayeen arrimahan muranku ka taaganyahay iyo sidii ay u fur-furi lahaayeen labada Xisbi oo aragti ahaan illaa hada meel uga soo wada jeeda Muda-kordhinta Guurtida, kulamadaasina xalay ayaa la sheegay inay si wayn u sii kordheen.

Xigaal Wargayska Ogaal Cadadka 531aad
7 Jamaad-ul-Awal 1429 (H)