Xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye, ayaa Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ku dhaliilay hannaanka ay u wadaan siyaasadda Xisbiga. Xubnahan oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Hudheelka Imperial ee magaalada Hargaysa, ayaa ku andacooday inaan xisbiga loo sinayn.
Axmed Cabdi Az-hari oo ka mid ahaa saddex xubnoo oo halkaa ka hadlay ayaa ku tilmaamay shirwaynihii xisbiga Kulmiye ku qabsaday Magaalada Hargeysa, mid aan sharci ahayn. isla markaana aan loo sinnayn. Waxaanu intaa ku daray in inkasta oo ay ka war sugeen Masuuliyiinta sare ee Xisbiga, haddana aanay jirin wax jawaab ah oo ay ka heleen. "Haddii aanu nahay Golaha Isbedel-doonka ah, waxaanu u soo jeedinaynaa Masuuliyiintii shirkaa lagu doortay inay is-silaan, oo guddoon kale dib loo soo doorto" ayuu yidhi Azhari.
Dhinaca kale, waxa uu Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay inaanu ficiltan la gelin Axsaabta Mucaaradka ah, waa sida uu hadalka u yidhiye.
Sulub Jaamac Cismaan, oo isna ka mid ahaa xubnaha halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaanay ka bixin Xisbiga Kulmiye, balse ayuu yidhi, "Waxaanu diidaynaa inay cid gaar ah gacanta u gasho talada Xisbigu". Waxaanu ugu baaqay Xisbiga in talo-wadaag la sameeyo.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay ; Cali Cismaan Cabdi (Xaraaro), '' ayaa isaguna sheegay in inkasta oo ay xisbiga ka tirsan yihiin, haddana ay tabasho jirto.
Xigaal Wargayska Ogaal Cadadka 531aad
7 Jamaad-ul-Awal 1429 (H)