Guddida wasiirada ahaa ee Dhex-dhxaadinta ay xukuumadu u magacawday, ayaa shalay si wadajira uga hadlay hawshii dhex-dhexaadinta ee uu waday Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, waxana ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hawshii Dhex-dhxaadinta. Wasiirudawlaha Wasaarada arrimaha
Gudaha Mudane Xasan Axmed Ducaale "Xasan Macalin" oo ka mid ahaa guddidaasi xukuumadu u xil saartay hawsha dhex dhexaadinta uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waday, ayaa ka hadlay marxaladihii ay soo mareen kulamadii dhex dhexaadinta khilaafyada dalku, waxana uu yidhi "Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu isagoo huwan magaca golaha oo ixtiraamkiisa leh waxa uu noola yimid inuu hawshaa dhex dhexaadinta galo, anagoo inuu ka soo jeedo xisbi Mucaarid ah, oo xubin fir fircoon ka ah xisbiga UCID, cid uu khilaafku naga dhexeeyayna uu yahay Mucaaridkii, ayaanu hadana aqbalnay dhex dhexaadintiisa, iyadoo ay naga tahay niyad sami, mudo ku dhow bil ayuu hawsha waday oo marna warqad ayuu anaga (Xukuumada) marna wuxuu nagu soo noqonayay isagoo warqad sida, waraaqaha aanu u dhiibno wax dood ah iyo munaaqisho ah nagalamuu gelinayn oo sida aanu ugu dhiibno ayuu ku qaadanayay waraaqda uu noo keenana wax qancin ah nagama uu siinayn, xataa marna nooma uu sheegin mowqifka ay taagan yihiin Asxaabta Mucaaridku". Wasiirul dawlaha Arrimaha Guduhu oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Anagu mar kasta oo aanu la kulano waxaanu u soo jeedinaynay in hawshu tahay mid culus oo uu blaadhiyo cid hawsha la gasha taasi oo maanta maragna noqon lahayd waxyaabihii aanu isla soo marnay, balse arrintaasi kumuu qanicin, anagu iyadoo aanu u ixtiraamayno Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaanu u sii daynay inuu hawsha dhex dhexaadinta sii wado, laakiin waxaanu u arkaynay in ay ka tan weyn tahay".
Mudane Xaan Macalin waxa uu sheegay in dhawaan gudoomiyaha Golaha wakiiladu uu u sheegay inuu faraha kala baxay dhex dhexaadintii uu waday, waxana uu yidhi "Bishan May 8-deedii ayuu markii hawshii dhaafi wayday inuu warqadna naga qaado warqadna noo keeno oo aanu u aragnay in lagu daalayo, waxana aanu u soo jeedinay in si dhab ah loo galo , waxana aanu soo jeedinay in aanu si fool ka fool isu soo hor fadhiisano xisbiyada Mucaaridka ah oo uu iskugu kaayo yeedho oo aanu afkayaga ku wada hadalno, isaguna uu gudoomiyo oo uu siidhiga noo hayo, gabo gabadii wuxuu nagu yidhi hawshii muddo ayaan waday waan soo gabo gabaynayaa oo halkaasi ayaan kaga baxayaa".
Wasiirul dawlaha Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in ay xukuumadu isku dayday in aanay dhex dhexaadintu bur burin oo ay Wasiiro u direen Gudoomiyaha xisbiga UCID "Anagoo ka dedaalayna in aanay wada hadaladu bur burin , waxaanu gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka UCID udirnay saddex Wasiir, waxana ay uga warameen hawsha uu gudoomiyaha wakiiladu waday halka ay marayso , waxana Wasiiradii u sheegeen in aynu isa soo hor fadhiisano si aanay wada hadaladu u baab'in, waxana Gudoomiyaha UCID iyo saddexdii Wasiir isla qaateen in hawsha dhex dhexaadinta loo wareejiyo Komlshanka Doorashooyinka hawsha ay sii daadejiyaan oo dhinac waliba xisbiyada Mucaaridka iyo dawlada ay soo diyaariyaan xubno uga qavb gala wada xaajoodka".
"9-kii Bishan ayuu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu u tagay Akaadamiga Nabada, waxaanu si rasmi ah ugu wareejiyay hawshii dhex dhexaadinta, Akaadamigu markiiba way noo yimaadeen, waxana aanu u sheegnay in aanu aqbalnay, guddiyadii nooga qayb geli lahaa wada hadaladana aanu magacownay, waxa la yaab leh maadaama oo 9-kiiBishan uu sheegay inuu ka baxay dhex dhexaadintii waxay tahay dhex dhexaadinta uu leeyahay Madaxweynaha ayaa iga diiday" ayuu intaasi raaciyay Wasiirul dawluhu.
Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB , Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu yidhi "waxaan maqlaa madax siyaasiyiin ah oo ku doodaya mudadii Madaxtooyadu way dhamaatay 16-ka Bisha May , qalalaase ayaa dhacaya , halkaasi waxaad moodaa in la diidan yahay go'aankii golaah guurtida oo dastuurku iyaga u xil saarayo muddo kordhinta , waxa inagu soo korhay diiwaan geiin oo saddexdii doorasho oo hore aan jirin , dhawaan ayaa xeerkii diiwaan gelintu dhaqangalay waxana xeerkaasi faral ka dhigay in lagu dhaqmo aan laga leexan karin, doorashooyin kalena aan la qaban karin diiwaan gelintii codbixiyayaasha la'aantood, doorashada Golaha Deegaanka ayaa ka horeysay Madaxweynaha oo ku ekayd 15-kii Bishii December ee la soo dhaafay, wax hadal haya oo leh wakhtigoodii wuu dhamaaday ee ha laga dareeriyo ma jirto, waxaanay sugayaan Golayaal deegaan oo xilka kala wareega, waxana tiradoodu tahay 371 xildhibaan oo, markaa ma arko sabab loo yidhaahdo doorashada Madaxtooyadu maxay dib ugu dhacday". Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB
waxa uu sheegay in cida Guurtida diidaa ay ka soo hor jeedo dastuurka dalka , isagoo xusay in aanay xukuumadu tanaasul ka samaynayn dhinaca sharciga oo ay mar walab difaacayso qaanuunka. "Anagu gogosha iyo wada hadalka ayaanu ogol nahay Akaadamiga nabadu gogosha ay noo fidisay waanu soo dhawaynaynaa, wada hadalka marna ma diidayno oo waanu ku qasban nahay" ayuu yidhi Mudane Bulaale.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Mudane Cabdi Xasan Buuni, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed aanay dalka ka dhici doonin, waxana uu yidhi "Anigu waxaan qabaa in wax dhibaato siyaasadeed ah oo dalka sida loo dhigayaana khatar geliso Somaliland maanta in aanay jirin , saddexda xisbi qaran waxa kaliya ee ay isku hayeen ee ay is weydiinayaan waxa weeye doorashada sidii loo geli lahaa oo dastuurka loogu dhaqmi lahaa". Mudane Cabdi Xasan Buuni oo hadalkiisii sii watay waxa uu yidhi "marka la eego hadaladii uu gudoomiyaha Wakiiladu nooga keenayay xisbiyada Mucaaridka Gole dastuur ah oo ah Guurtida Qaranka oo ay marna odhanayeen ma aqoonsanin jiritaankiisa oo ay hadana diidayeen waxa sharci ahaan ay awood u lahaayeen oo ah muddo kordhinta, aniga ilama aha ragga madaxda ah ee xisbiyada Mucaaridka ahi inay odhanayaan dastuurka hala khilaafo.
Xigaal Wargaska Waaheen Cadadka 36aad