Fashilaadda Dhexdhexaadintii Xukuumada Iyo Mucaaridka

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay jawaab ka bixiyey hadal uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiliadu ku eedeeyey Madaxweynuha inuu ku gacansaydhay inuu si toos ah isu soo hor fadhiistaan labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe. Madaxweynuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID , ayaa ii yimid muddo laga joogo laba toddobaad, wuxuu la socday Gudoomiyuhu inuu isu soo dhaweeyo dedaalkiisa in la soo afjaro khilaafaadka, waxaan waydiiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ma ogolyahay sharciyada Guurtidu fulisay, Jawaabtii uu Gudoomiyuhu bixiyay "Cirro" iyagoo wada jooga waxay ahayd Haa, sidaa ayaan hawshii inuu galo ku siiyay ogolaansho. Waxa hawshaa bar bar socotay oo soo taxnayd oo uu ku dhex dhexaadinayay xubno Asxaabta Mucaaridka iyo xubno Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada iyo UDUB. Natiijo ilaa hadda laysla gaadhay oo uu ii keenay Gudoomiyaha golaha Wakiiladu iyadoo aanay jirin ayuushalay oo ay bishuahayd11/ 05/2008 ii yimid waxaani igu yidhi "Waxaan rabaa inaad aragto labada Gudoomiye xisbi Mucaarid", waxaanan u celiyay Maxaad isla soo gaadheen oo go'aan idinka ah, wuxuu ku jawaabay saddexdiina ayaa isla meel dhigi , waa arrintii uu mudada dheer ku soo jiray ee uu wakhtiga badan ku lumiyay.
Waxaan ku idhi mar haddii aanu jirin go'aan aad ka sido hawlihi dhex dhexaadinta aad isu xil saartay ana aan kaa ogolaaday isla mar ahaantaa aad ii sheegtay inay ay diidan yihiin qodobkii sharciyada korodhsiimada mudada xilka ee xukuumada ee Guurtida, ma waxaad doonaysaa in aan hortaada ku murano. Intaas waxa dheer oo aan Dadweynaha ku war gelinayaa in: In uu ila kulan siiyay Gudoomiyuhu Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha UCID 29/04/2008 oo aanu ku heshiinay in dhex dhexaadinta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada la shaqayno, iyagoo qirsan sharciyada Korodhsiimada. In Akaadamida Nabadu ii yimaadeen iguna war galiyeen inay la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE igana codsadeen in aan la kulmo ana aan aqbalay, ballan aan u qabtay habeenkii Sabti ee bishu ahayd 10/05/2008. Waxa Subaxnimadii Sabtida ku soo baxay saxaafada, KULMIYE oo Madaxweynaha ku diiday kulan, waxana akaadamiyada 09-kii subaxnimo lagu war geliyay inay kulmiye ka baxay codsigii la kulanka Madaxweynaha Somaliland. Akaadamiyada Nabadu waxay cadaysay in kulmiye diiday la kulankii Madaxweynaha ee ay hore u codsadeen.
Sidaa daraadeed, waxaan cadaynayaa oo aan dadweynaha u sheegayaa in
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu marnaba la imanin mudadaas uu ku hawlanaa wax la taaban karo oo ay ahayd inuu isagu go'aan gaadho wax ku ool ah, mar haddii uu qaatay xil dhex dhexaadineed, balse arrintiisu waxay dhaafi wayday wixii ay qabeen Gudoomiyayaasha Asxaabta Mucaaridku, oo ah dafiraada xilka dastuuriga ee Guurtida, taa lafteeda oo uu aaminsan yahay isagu , isagoo ah Gudoomiyaha Golaha sharci dejinta Koowaad".

Gudoomiyaha Golaha:
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan Cirro] ayaa shalay si rasmiya shaaca uga qaaday inuu fara madhan ka taagan yahay hawshii dhex-dhexaadinta ahayd ee uu ka dhex waday Xukuummada Madaxweyne Rayaale iyo Axsaabta Mucaandka [KULMIYE iyo UCID] mudada afarta todobaad ah, isla markaana uu faraha ka qaaday hawshaasi oo cidii kale ee Gar ka galaysa ay u madax banaan tahay. Isaga oo ku sababeeyey joojinta dhexdhexaadinta inuu Madaxweyne Rayaale ka diiday inay si toos ah wada hadal isugu soo horfadhiistaan Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Faysal Cali Waraabe, si loo soo af jaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta halka sanadood ah ee ay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu ay ugu kordhiyeen. Sida waxa uu Gudoomiyuhu ka sheegay qoraal dheer oo uu ka jeediyey fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland ay ku yeesheen Xarunta Golahaasi. Kaa soo u qornaa sedan:
Mudanayaal,
llaahay baa mahad oo dhan leh.Waxaan
u mahad celinaya Golaha kalsoonida uu

i siiyey iyo dulqaadka uu muujiyey mudadii aan ku guda jiray hawshan qaran ee dhexdhexaadinta. Waxaan kale u mahadnaqayaa Xukuumadda iyo Labada Xisbi Qaran ee mucaaridka inay iga aqbaleen dhexdhexaadinta.
Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha JSL, Labada Gudoomiye Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, xubnihii wasiirada ahaa ee ila shaqeeyey, iyo xubnaha fulinta ee labada Xisbi ee ila shaqeeyey intii aan hawsha dhexdehxaadinta ku jiray. Waxaan kale oo mahad naqayaa Shirgudoonka Golaha oo aan hawshan wadi kareen hadaysan jirin dhiirigelinta ay mar kasta I siinayeen, ilana garab taagnaayeen.
Waxaan kale oo u mahad naqayaa saxaafadda JSL oo gaabsaty inay wax iga waydiiyaan intii aan ku jiray hawsha dhexdhexaadinta. Mudanyaal,
Marka gar la naqayo waxay somalidu arar ka dhigataa ilaahaw eexna ha na'gaga tegin aqoon darana ha nagu cadaabin. Runtii warbixintaydu maaha gar aan naqsi ee warbixin koobeysa mowqifyadii xukuumadda iyo labada Xisibi marka la eego khilaafka sharci iyo siyaasi ee hadda ka taagan JSL, heshiis drafta aan sameeyey oo iigu muuqday in labada dhinac isugu iman karaan, iyo gunaanadka hawsha dhex dhexaadinta ee aan soo waday muddo aan ka yarayn saddex usbuuc. Warbxintayda kuma jirto wax faallo ama comments ahi, Anniga oo rumeysan in aan isku dareen nahay dhamaanteen, ka damqanayna kana cabsi qabna in dalkeenna iyo shacbigeenna ay ka soo gaadhaan
hadimooyin, burbur iyo khasaare ka dhasha khilaaf siyaasi ah oo sii daba dheeraada, kaas waxba kama jiraan ka dhigi kara guulihii Somaliland gaadhay 17kii sanadood ee la soo dhaafay. Anniga oo ka duulayaa arrinta kor xusan, si loo soo afjaro muranka siyaasiga iyo sharci ee hadda ka jira Somaliland loogana badbaadiyo qarankeenan curdinka ah xasilooni daro iyo burbur ka soo gaadha murankan loona suurtogeliyo inay dalka ka qabsoomaan doorashooyin loogu tartamo si dimquraadi ah oo xalaal ah waxaan isku xilqaamay, annniga oo gudanyaa xilka qaran ee i saran, ka dib markaan la tashaday shirgudoonka Golaha Wakiilada, sidaasna ku wargelieyey Golaha , inaan dhexdhexaadiyo Xukuumadda iyo Labada Xisbi Qaran ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID. Halkay kala taagnaayeen Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaridka ahi? Intii aan waday hawsha dhexdhexaadinta marna maan bixin xog ama war ku saabsan hawshan, hase yeeshee waxaa marag ma doon ahayd in saxaafadda ku soo baxeen mowqifyada xukuumadda iyo Axsaabtu. Hase yeeshee waxaan si rasmi idiinku soo bandhigi doonaa, mowqifyada dhinacyada oo ay qoraal ahaan iigu soo gudbiyeen, ka dib markaan sidaas ka dalbaday.

1. Mowqidka Xukuumadda
Ku: Gudoomiyaha, Golaha Wakiiladda Date: 26/4/2008
Kuna Hawlan Dhexdhexaadinta Xukuumadda
iyo Labada Xisbi Mucaarid.
Mudane Gudoomiye, Waxaanu kaaga mahad celinaynaa hawsha culus ee aad isku xilqaantay, waxaanu rajaynaynaa in hawshaas Ilaahay kuu fududeeyo. Waxaanu kuu balan qadaynaa si niyadsami ah in aanu gacan kugu siino sidii hawshaasu ugu dhamaan lahayd sida danta umaddu ku jirto.
Mudane Gudoomiye, waxaanu hoos ku cadaynaynaa aragtida xuukuumadu ka qabto muranka taagan iyadoo marwalba tixgalinaysa dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala. Kuwaas oo marwalba lafdhabara u ah nabadgalyada iyo horumarinta dalka. Hadaba, Mudane Gudoomiye, doodaha labada xisbi mucaarid waxay ku salaysan yihiin muddo kordhinta Guurtida ee Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka, iyo cayimaada wakhtiga doorashadda Madaxwaynaha iyo ku xigeenka. Markaas aragtida sharci ee xukuumadda ee ku wajahan labadaas qodob waxay yihiin sida hoos ku xusan:-
1. Muddo kordhinta Golaha Guurtida waa arrin ay sababtay doorashadii oo wakhtigeedii ku qabsoomi wayday sababo jira awgeed oo aynu wada ogsoonahay. Arrintani ma aha markii u horaysay ee ay dhacday oo waxaa ka horeeyay laba korodhsiimo oo hore oo ahaa Madaxwayanaha iyo madaxwayne ku-xigeenka, kalana ahaa 24/02/2002 ilaa 24/02/2003, ahaydna wakhtigii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sida ku cad go'aanka lamberkiisu ahaaGG/GSL/Kal-FADHI 16/GO'AAN-3/ 1/2002 ee taariikhdiisuna ahayd 12 January 2002 taas oo aad ka heli kartid Aarkifiyada Golaha Wakiilada. Muddo kordhinta kale waxay ahayd 23/2/2003 ilaa 15/5/2003, ahaydna
Wakhtiga Madaxwaynaha Dahir Rayale Kahin sida ku cad go'aanka Lamberkiisu yahay GG/GSL/KAL-FADHI 19AAD/G03/1/ 2003, taariikhdiisuna ahayd 18/01/2003 oo isna aad ka heli kartid aarkifiyadda Golaha Wakiiladda. Mudada korodhsimada ee madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ee hadda, waxay la mid tahay kuwaas hore ee leh tixraac-dhacdooyin hore (Precedent). Waxaanay dhamaandoodba waafaqsan yihiin dastuurka dalka qodobkiisa 83aad, faqradiisa 5aad oo ku waajibinaaya golaha guurtida in uu qaato waajibaad dastuuriya marka ay dhacdo in dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
2. Cayimaada maalinta doorashada madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa waxa iska leh koomishanka doorashooyinka qaranka iyagoo raacaya qodobka 8aad ee xeerka doorashada ee lambarkiisu yahay 20 ee soo baxay 2001 oo u dhigan sedan:-
" Koomishanka ayaa Cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa digreeto Madaxwayne" Wafaqsanaantaas dastuurka ee ku sheegan qodabkaasi waxaa cadaynaya oo loo cuskanayaa qodobka 83aad, faqradiisa labaad oo uu dhigan sida soo soocta:
" Doorashada Madaxwaynaha iy ku-xigeenka Madaxwaynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistadda, waxaa laqaban doona bil ka hore dhamaadka mudada madaxwaynaha hore" Go'aanka golaha guurtidu kama muuqato cayimid malinta doorashada, balse waxay ku sheegeen go'aankooda sidan:
" Doorashada Madaxwaynaha iyo ku-xigeenka Madaxwaynaha waxaa laqaban doonaa bil ka hore dhmaadka muddada xilka sida ku cad qodobka 83aad, faqaradnsa 2aad ee dastuurka JSL"
Guurtidu kamay dhawaaqin hawadda, waxaan sharci ahayna may sheegin.
3. Koomiishanku wuxuu xaq u leeyahay in uu muddo qabashada doorashooyinka sameeyo kadib marka la helo korodhsiimo sharciyeed oo wafaqsan dastuurka, kuna cad qodobka 8aad ee xeerka doorashooyinka dawladdaha hoose iyo madaxtooyadda. Haddii aan korodhsiimo dhicin maamulkii dawliga ahaana meesha ka baxo ayaa tartanka loo qabanayaa? Yaase qabanaya ee socodsiinaya hawlihii qaranka?
4. Jadwalkii wakhtiyaysnaa ee ay soo jideeyeen komishanka doorashooyinka qaranku, iyagoo la soo tashaday xisblyadda, kuma salaysanayn sharciyadda iyo dastuurtoona. Waxaa looga baahnaa oo kali ah in ay kumishanka qaranku cadeeyaan dib u dhac doorasho in ay timid oo anay qaban karayn wakhtigii loogu talo galay sidii ay horeba u soo cadayn jireen. Si kastaba ha ahaatee, waxay sameeyeen jaangooyn ay ku qorsheeyeen hawlahooda. Haddaba, iyadoo qorshahaas la tixgaliyay aan sharciyadda waafaqsanayn ayaa Golaha Guurtidu doorashada hore ee dawladaha hoose ay ku asteeyeen 6/10/ 2008 iyo ta ku xigta ee Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka oo ay u dhaxeeyan muddo dhan lixbilood, sida ku cad xeerka diwangalinta codbixiyayaasha ee lambarkiisu yahay 37 ee 2007, qodabkiisa 13 aad iyo 27aad.
Mudane gudoomiye, waxaanu aaminsanahay in sifaha loo maray mudda kordhintu ay waafaqsantahay dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala. Sidaas darteed, anagoo qadarinayna karaamada iyo dastuurka aynu ku
dhisanahay, kaasi oo u jideeyay axsaabta laftooda in ay sharciyada u helaan jiritaankooda xisbinimo qaran, kana reebay ururadii kafe. Isla markaasna fursad u siiyay u tartanka madaxnimadda dalka, waxaa waajib ah in hay'ad kasta oo sharciyada ku dhisanba ay qadariso waxay ku
dhisantahay.
Mudane Gudoomiye, Guddigayaganu waxay markastaba diyaar u tahay
iskuqancinta sharciyadda nagana gudoon salaam diiran oo ay ku
dheehantahay tixgelin. Niyadsamid iyo kalkacal.
Allaa Mahad Leh,

2. Mowqifka Wadajirka ah ee Labada Xisbi Mucaarid
JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
DARYEELKA
Hargeysa, 28/04/2008
MAWQIFKA LABADA XISBI EE
KULMIYEIYO UCID EE MARXALADDA LAJOOGO:
Waxa dalka ku soo fool leh marxalad siyaasadeed oo aad u adag una baahan in si wadajir ah la isula eego laguna maareeyo si isku duubni ah. Wey ka adag tahay xaaladdu maanta mid cid gaar ahi taladeeda maroorsato oo lagala sii jeesto dhinacyo ka mid ah
dhinacyada siyaasadeed ee u tartanka talada dalka Dastuurku siiyey.
Aynnu eegno arrimahan hoos ku qoran:
I. Xaqaa'iqa ina Hor-yaalla ee la Xiddhiidha Xaaladda Siyaasadeed.
1) Waxa xaqiiq ah in muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenku ay ku egtahay 15/05/2008, sida uu jideynayo qodobka 88(1) ee Dastuurka ee u dhigan sidan:
"Muddadda xilka ee Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynuhu waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo."
Waxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland ee hadda xilka
loo dhaariyey 16/05/2003. Maalinta madaxdan xilka loo dhaariyey ayey ka bilaabmaysey muddo-xileedkooda shanta sano ahi, waxaanay ku egtahay maalinta ka horraysa maalinta xilka loo dhaariyey maalinteeda 5 sano ka dib oo, markaa, noqonaysa 15/05/2008. Sidaa darteed, waa dhammaad muddadii xilka ee Madaxwynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenku.
2) Waxa iyana xaqiiq ah in Dsatuurku waajibiyey in doorashada madaxtooyada la qabto bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka sida uu xusayo qodobka 83(2) ee Dastuurka ee u dhigan sidan: Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xegeenka Madaxweynaha oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka-hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore. Waxay ahayd in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto 15/04/ 2008 oo
ahayd bil ka hor dhammaadka muddada xilka ee Madaxweyne Riyaale.
3) Waxa xaqiiq ah inaan doorashadii madaxtooyada lagu qaban maalintii Dastuurku u gooyey oo ahayd 15/04/ 2008, oo hadda la soo dhaafay.
4) Waxa iyana xaqiiq ah in qabsoomid la'aanta doorashada madaxtooyada uu Dastuurku ka bixiyey hal cudurdaar oo keliya. Cudurdaarkaas oo ah haddii ay timaaddo nabadgelyo-darro ay doorashadu ka qabsoomi weydo in, markaas, ay Golaha Guurtida waajib ku tahay inuu fidiyo muddo-xileedka mas'uuliyiintaas sida uu dhigayo qodobka 83(5) ee u dhiga sidan:
Haddii ay suurtoobi weydo duruufo nabadgelyada la xidhiidha darteed, in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaado, waxa Golaha Guurtida ku waajib ah in ay muddada xilka u kordhiyaan" Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto. Weedh-sharciyeeddani waxay ka kooban tahay:
a) Fale sharciyeed (legal subject) oo ah 'Golaha Guurtida';
b) Fal sharciyeed (legal action) oo ah 'waxa [...] waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxwweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo.... iyo
c) Shardi (condition) oo ah Haddii ay suurtoobi weydo duruufo nabadgelyada la xidhiidha darteed, in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaado. Sida la ogyahay weedh-sharciyeedyadu mar walba ma yeeshaan dhaqan-gal guud ama dabar la' (general or universal application), ee waxay yeelan karaan dhaqan-gal xaddidan (limited application); qaar waxay dhaqan-gal yihiin xaalad/xaalado (case/cases) weedhu cayintay; qaarna dhaqan-galkooda waxa laga reebi karaa xaalado, cido ama meelo la cayimay (exceptions); qaar kalena waxay dhaqan-gal noqon karaan marka la helo shuruud (condition) weedhu tilmaantay.
Weedh-sharciyeedda aynu kor ku xusnay waxa ku qeydan shuruud (condition) marka la helo uun ay bannaanaanayso in la qaado falka sharci
(legal action) ee kor ku xusan. Haddii aan la helin shuruudda (condition-ka ), falka sharci qaadistiisu waa xaaraan.
Gunaand Sideeda (8) Qdob ee heshiiska draftka ah ee aan u gudbiyey xukuumadda iyo
labada Xisbi Qaran way isla waafaqeen qodobada 2-8.
Labada Xisbi mucaarad hadda way aqbleen dhamaan qodobka sida ay u
qoran yihiin.
Xukuumaddu waxay ku adkaysatay in qodobka 1aad ayna aqabli karin haddii aan lagu darin .... Go.aandda ay gaadhaana yihiin sharci".
Heshiiska labada dhinac waxa la isku mari waayey waa afartaas eray........... Dardaaran
Waxa la yidhi nin aan wadaad ahayn baa ku soo dhex dhuuntay wadaado. Waadadii baa ka shakiyey in ninkani wadaad yahay iyo in kale. Maalintii dambe ayey yidhaahdeen aan imtaxaano ninka. Dabedeedna waxay ku heshiiyeen inay micnaha erayga CALAA. Weydiiyaan. Ninkii ayaa lagu yidhi wadaadi maanta waxay ku murmeen erayga CALAA micnihiisa, markaa waxaa loo baahn yahay inaad ereygaas macnayso oo kala saarto culimada maanta . Ninkii wuxuu arkay inay ku soo odantay maanta. Nin caqli badan buu ahaa waxaannu uu kaga jawaabay meeshii aaan imiba calaadaas sidaas baa la isugu haystay. Waxaan rumeysan in Somaliland ka weyn tahay shacbi iyo dal ay khalkhaliso afar eray oo lagu heshiin waayey. Marka uu abuurmo muran dastuuri ah oo ama sharci oo aan xal loo helin, waa in helaa xal siyaasi ah ( political solution) oo lagaga baxo murankaas. Waa in garashada , dulqaadka iyo caqligu shaqeeyaan. Waa inaan ka fogaana inuu shaqeeyo xooqqa ama qoriqu. Waa inaan ka fogaana wax kasta oo qaranka burburin kara. Waa in aflagaada iyo cayda ku bedelenaa is qadrin iyo is xurmeyn. Halkaas baa guusheenuu ku jirtaa sidaan aaminsanahay. Waxaan rumeysnaa welina rumesnahay in muran kasta lagaga bixi karo wadahadal ( dialogue) oo aan CALAA kasta aan macnaheeda heli karo markaan wada hadalo. Waxaan qabaa jn qodobkan la isku khilaafsan yahay ee heshiiska drafta ah ee aan sameeyey iyo wixii kale ee hadhsan lagu dhamayn wada hadal toos ah oo dhex mara Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID. Waxay iigu muuqataa in dhexdhexaadintii meel lagu naaloon karo joogto, kaabigana u saaranahay in heshiis la gaadho haddii eebbe inagu guuleeyo in CAALADA meesha laga saaro.
Mudanayaal,
Anniga oo jecel inaan $o af jaro khilaafkan, soona gunaanado dhexdhexaadintii aan waday, waxaan la kulmay shalay, axad, 11.5.2008, Md Dahir Rayaale Kahin, Madaxweynaha JSL oo aan u soo bandhigay inay anniga iigu muuqato in sida keliya ee khilaafkan lagu soo afjari karaa heshiiskan la isuguna waafiqi karaa tahay inay Madaxweynaha iyo labada Gudoomiye ee labada Xisbi Md Axmed Maxamed Silaanyo iyo Md Faysal Cali waraabe si toos u kulmaan kana wada hadlaan sidii heshiis looga gaadhi lahaa , loona soo afjari lahaa khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga ah ee ka jira Somaliland. Labada Gudoomiye ee KULMIYE iyo UCID waxay ii cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay si toos ah ula kulmaan Madaxweynaha JSL oo aysan wax shuruud ku xidhayn kulankaas.
Madaxweynuhu soo jeedintaas igama aqbllh, waxaannu ii cadeeyey inaanu la kulmayn labada Gudoomiye. Taas darted, anniga oo ixtiraamaya mowqifka xukuumadda iyo ka Axaabtaba, waxaan go,aansaday maanta oo taariikhdu tahay isniin, 12.5.2008 inaan joojiyo dhexdhexaadintii aan ka dhex waday xukuumadda iyo labada Xisbi qaran kaalintaasna u baneeyo cid kasta oo u diyaar ah inay sii wado, haddi ay tahay Academy-ga, salaadiinta, culimada, aqoon yahanada, iyo cidii kale ee tuhunsan inay hawshan sidii wadrkarto, CALAADANA meesha ka saari karto.
Yuu xaalku inaga noqon haddii aan wax kasta laga heshiin, heshiis ma dhicin (if every thing is not agrea, there is no agreement). Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda iyo labada Xisbi mucaarad inay u diyaar noqdaan inayna wada heli Karin waxa ay doonayaan dhamaantood , hase yeshee , ay danta shacbiga iyo danta guud uga tagaan arrimo ay gar, xaq iyo sharci u leeyihiin. llaahay xaqa iyo dawga ha ina garansiiyo arrimahan ha inoo fududeeyo. Somaliland ha guuleysato Allaa mahad leh, Fadhigu waa inoo xidhan yahay Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hargeysa12thMay2008.

Xigaal Wargaska Waaheen Cadadka 36aad
08 Jamaadul Awal 1429 (H)