Wakiillada oo Dood ka Yeeshay Khilaafka Dalka Ka Jira

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo ku gudo jira bilowga kal-fadhl aan caadi ahayn, ayaa fadhigoodii shalay dood kulul ka yeeshay murannada sharci iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda, axsaabta mucaaradka, Komlshanka iyo Golaha Guurtida. Fadhiga Golaha oo uu guddoominayey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ay madasha fadhiyeen labaataneeye mudane, ayaa inkasta oo xildhibaannadii doodda ka qaybgalay ay ku kala aragti duwanaayeen qiimeynta wacyiga siyaasadeed ee dalka ka jira, haddana waxa intooda badan mudanayaashu doodooda ku shiishayeen dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Rayaale oo waqtigii shanto sanno ee hoggaanka dalka loo doortay kaga buuxo 15-ka May 2008, kuna beegan Khamiista maanta.
Md. Xamse Maxamuud Gaadaweyne oo aarahda doodiisu ku arooraysay muddada Madaxweynaha, waxa uu sheegay in muddo-dhaaf ku yimaaddda muddo-xileedka Madaxweynuhu uu la mid yahay arrin fashilantay oo masuuliyiintii loo igmadayna ilaalinteeduna ay ka baaqsadeen.
"Wax walba ka horreeya in aan muddo dhaaf la oggolaan, waayo waa xaaraan haddii ay dhacdo, waxaanay la mid noqoysaysaa arrin fashilantay oo laga baaqday in xilka mudda loo hayey aan sidii sii loo gudan. Sheekaduna kuma soo afgoysa caytanka, balse waxay runtu tahay in si daacad ah loo wajaho.
Waxaanan aaminsahay in Komishanka cusub ee doorashoyinku yahay mid bilaa faa'ido ah, waxa uu xumeeyo mooyaane wax uu soo kordhiyey aanay jirin," ayuu yidhi Md. Gaadaweyne, waxaannu ugu baaqay in aan laga hadhin sidii loo xalin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalka kajira.
Sidoo kale, Md. Xuseen Maxamed Cige, ayaa dooddiisa ku furay qiimeynta hawlihii dhexdhexaadinta ee Guddoomiye Goluhu ka dhexwaday axsaabta iyo xukuumadda, kaas oo uu sheegay inay Golaha u soo jiiday sucmad iyo sharaf oo aan weligeed la ilaabi karin, waxaannu intaa ku daray Md. Xuseen Golaha Guurtlda oo uu tilmaamay inuu yahay gole distoori ah, isla markaana ay xadiddan tahay awoodda sharcigu u siiyey muddo-kordhinta iyo waqtiga ay samayn karaan, isaga oo ku eedeeyey xukuumadda Rayaale inay ku dhegen tahay go'aanka sharci-darrada ah ee Guurtidu muddada ugu kordhisay, waxaannu xusay in madaxda dalka ka taliyaa ay yihiin kuwo danahooda ka hormarsada maslaxadda ummadda.
Haseyeeshee, Md. Cali Obsiiye Diiriye Cali-gabiley) oo ka tirsan xildhibaannada
ku abtirsada xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa ku dooday in xukuumadda Rayaale iyo xisbiga UDUB-ba ay diyaar u yihiin inay dalka ka dhacdo doorasho oo aanay ka baqo-qabin, waxaannu dhaliisha dib-u-dhaca dusha u saaray Komishanka Doorashooyinka oo xusay inay awoodi waayeen muddaynta doorashooyinka.
Sidoo kalena waxa uu Md. Cali-gabiley uu si badheedh ah u difaacay go'aankii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo uu sheegay inuu mid Guurtidu u lahayd awood sharci.
"Waxan leeyahay awoodda Golaha Wakiillada haddii lagugu soo faragaliyo waydin ka xanaaqi oo awoodda distoorkaaga ku siiyey cidina kuguma soo faragalin karto. Awoodda uu distoorku siiyey Guurtidanacidina mafaragalin karto, laakiin waxa loo baahan yahay awoodda muddo-kordhinta waa laga ilaalin karaaye in xilligeeda ay ku dhacdo doorashadu," ayuu yidhi Md.Cali-Gebiley.
Md. Cali Xasan Maxamuud (Cali-mareexaan), ayaa ku dooday in ay Madaxweyne Rayaale ka dhammaatay muddadii sharciga ahayd ee ummaddu u dooratay hoggaanka dalka, isla markaana waxa uu qayrul-dastuuri ku tilmaamay go'aanka muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida.
Waxaannu Md. Cali-mareexaan uu sheegay in Madaxweynuhu uu ku fashilmay muddadii uu xilka hayey hirgelinta waajibaadkii bulshadu u igmatay, kuwaas oo ay doorashooyinku ka mid yihiin "Muddadii shanta sanno ahayd ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xlgeenkaasu xilka hayeen, waxaana masuul ka ah carqaladaynta iyo is-hortaaga qabsoomida doorashooyinka xukuumaddii iyo Madaxweynihii la doortay oo halkii ay xukuumaddu doorashooyin ka qaban lahayd waxay ku mashquushay in ay carqaladayso in doorasho dhacdo, waxaanan ku caddaynayaa qodobadan soo socda xukuumaddu waxay si badheedha u kala dirtay Komishankii Doorashooyinka ee hore, taasina waxay ahayd carqalad xukuumaddu doorashada ku hor istaagayso, ta labaadna miisaaniyaddii hore ee 2007 xukuumaddu waxay noo soo gudbisay iyada oo aannu kharashkii doorashadu ku jirin, mar dambe oo aannu u tagnay ayuu Wasiirka Maaliyaddu warqad lifaaq ah kasoo daba diray. Xukuumaddu waxay cagajulayn, hanjabaad iyo cambaarayn isugu dartay deeqbixiyeyaashii adduunyada ka tirsanaa ee innaga kaalmaynayey doorashooyinka. Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibeddu labadooduba waxay si cad ugu hanjabeen deeqbixiyeyaashii, dalkana waa laga caydhiyey, waxayna 75% bixinayeen dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, waxaanna la doonayey in aanay lacagtaas bixin, natiijadeediina way dhacday oo waa kuwii go'aanka ka gaadhey, arrintaana masuuliyadeeda xukuumadda cid lama qaybsanayso, taasina waxay ahayd in xukuumaddu jarto xidhiidhka aynu lalahayn beesha caalamka ee ictiraafku innagaga xidhan yahay."
Waxa kale oo uu mudanayaasha u caddeeyey in ay bannaan tahay in Madaxweynaha lagu soo oogo xilgudasho la'aan. "Marka ay si badheedha xukuumaddu doorashada u carqaladaynaysay ma waxay ahayd in waajibaad gudasho la'aan iyo xilgudasho la'aan lagu qaado ee uu qeexaya qodobka 96aad ee distoorka mise waxay ahayd in abaalgud la siiyo oo la yidhaahdo waa laguu kordhiyey, waxay ahayd in lagu ciqaabo carqalada uu dalka galiyey Madaxweynuhu," ayuu yidhi Md. Cali Mareexaan, isagoo intaa ku daray inf Madaxweynuhu uu-u taagan yahay astaanta qaranka oo ay waajib tahay in uu si isku duubni ah ummadda iyo dalka isku wada, balse uu Madaxweyne Rayaale taa beddelkeedii uu ku mashquulsan yahay sidii uu ummadda reer Somaliland beelo-beelo ugu kala furfuri lahaa, taasina ay tahay khiyaamo qaran oo badheedha. Waxa kale oo mudanuhu tibaaxay in awooddii qaranka haddii ay tahay wasaarradii warbaahintii qaranka iyo dhammaanba hay'adahaa dawladdu awoodoodii la isugu geeyey sidii inta kolba beel lasoo abaabulo layidhaahdo reer hebel iyo reer Burco magaalada umay dhalane ha ka baxeen, arrinfaas oo uu Md. Cali-mareexaan ku tilmaamay mid khiyaamo ah oo baalmarsan sifihii dawladnimo. Sidaa darteed, waxa uu soo jeediyey shan qodob oo kala ah; in go'aan kale laga soo saaro marxaladda dalku marayo, in go'aankii muddo-kordhinta" Guurtidu yahay qayrul-sharci, in Madaxweynaha xilkiisii dhammaaday, in laga wada tashado marxaladda cusub ee daku galay sidii looga gudbi lahaa iyo in diiwaangelininta dib loo dhigo la galo doorashoyinka.
Md. Maxamed Jaamac Cabdi ayaa isaguna soo jeediyey in Goluhu guddi u saaro arrimaha dalka ka taagan, arrintaasoo ay mudanayaasha madasha fadhiyey si weyn ugu guuxeen.
Md. Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo isna doodda shalay ka qaybgalay, ayaa tilmaamay in golayaashii qaranka ee ummaddu soo dooratay ay qalalaasaha dalka ka taagan iyagu masuul ka yihiin oo marka ay dhargeen ee caloosha buuxiyeen ay ummadda masaakiinta ah ee gaajada iyo silica la wehelka ah ku dul yooyootamayaan.
"Waxaan ogaaday in inteenu golayaasha ku jiray ee mushaharada fiican qaadanayey ay marka ay dhargeen ee caloosha buuxiyeen ay caadaysteen inay ku dul yooyootamaan ummadda bakhtiyeysa ee waxqabadka ka sugaysa," ayuu yidhi Cali Aareeye, waxaanu soo jeediyey in inta xisbiyeysiga meel la iska dhigo horumarka iyo maslaxadda laga wada shaqeeyo.

Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadaka 3556aad.