Rayaale iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Oo Kulmay

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa markii ugu horreysay xalay kulan fool-ka-fool ah Isku soo horfadhiistay xarunta Madaxtooyada.
Masuuliyiinta mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland oo muddooyinkan dambe uu ka dhex oognaa khilaaf cakiran oo ka dhashay arrimo la xidhiidha dhinaca doorashooyinka, gaar ahaan go'aankn muddo-kordhinta Guurtida iyo dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ku eg Khamiista maanta 15 May 2008, iyadoo oo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradku hore u sheegeen in aanay aqoonsan doonin jiritaanka xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Rayaale marka waqtigu ka dhammaado, waxaannu kulanka dhexmaray xalay ahaa kii ugu horreeyey ee ay labada dhinac si fool-ka-fool ah isugu soo horfadhiistaan, isla markaana kaga arrinsadaan xal-u-helidda muranada siyaasadeed ee xilligan dalka aloosan.
Qabashada kulankan oo ka dambaysay kadib markii xukuumaddu xidhiidh toos ah la samaysay axsaabta mucaaradka ah, ayaa dhinaca xukuumadda waxa uga qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale, Ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Xoghayaha Guud ee Xisbul-xaaklmka UDUB Mr. Maxamed Ismaaciil Bullaale, iyadoo xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ay u wadahadallada u metelayeen Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labadiisa ku-xigeen Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax, halka xisbiga kale ee UCID-na ay uga qaybgaleen Guddoomiyaha Eng. Faysal Cali-waraabe, Xoghayaha Guud Mr. Maxamed Xasan Baashe iyo Afhayeenka Md. Xasan Xuseen (Codyare).
Kulankan oo socday 7:00 - 9:00 fiidnimo ee xalay, ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku bilaabmay jewi furfurnaan iyo kaftan ku dheehnaa oo ay dhinacyadu iskula soo qaadeen furdaaminta arrimaha laysku maandhaafsan yahay, waxaanay gunaanadkiisii labada geesood ee mucaaradka iyo muxaafidku ku heshiiyeen arrimo ay ka mid yihiin; in la joojiyo dacaayadaha laysu marinayo qalabka warbaahinta, in layska dhawro wixii waxyeellaynaya nabadgelyada, isla markaana ay wadahadalladu si rasmi ah ugu furmaan Khamiista maanta.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaa kadib Jamhuuriya xalay wax ka weydiiyey waxyaabihii labada dhinac kaga wadahadleen kulankooda, ayaa isagoo faahfaahin ka bixinayey waxa uu yidhl; "Mowqifka xisbiyada mucaaradku waxa uu hore u ahaa, in 15ka May 2008 layska arko xaaladda dalka iyo murannada jira, kulankan ay caawa [xalay] yeesheen xukuumadda iyo axsaabta mucaaradkuna waxa uu ku bilaabmay jewi furfuran oo waa la sheekaystay, waxana laysla gartay in la joojiyo dacaayadaha iyo wixii nabadgelyada waxyeelli kara. Waxa kale oo laysla gartay in fadhiyada wadahadalladu ay berri [maanta] oo Khamiis ah si rasmi ah u bilaabmaan."
Axmed-Siilaanyo oo la weydiiyey rajada uu ka qabo natiijada faa'iido leh oo ka soo bixi karta wadahadallada mucaaradka iyo muxaafidka, waxa uu ku jawaabay; "Waxaan rajaynayaa in ay wadahadalladu noqdaan kuwo wax-ku-ool ah oo danta guud iyo maslaxadda waddanka waxtar u leh."
Sidoo kale, warsaxaafadeed kooban oo uu kulankaa kadib soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax oo uu ku faahfaahiyey arrimihii labada dhinaca ka wadahadleen iyo dhinacyadii ka qaybgalay, waxa uu isagoo faahfaahsan udhignaasidan:
"lyada oo aynu ognahay xaaladda siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo iyo khilaafka cakiran ee taagan, waxaan idinla socodsiinayaa in madaxda labada xisbi ee mucaaridka ahi ay caawa [xalay] 7:30 fiidnimo la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin. Kulankaas oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada, waxa labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE ka socdey min saddex xubnood oo ay horkacayeen labada Guddoomiye, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mudane Faysal
Cali-waraabe, iyada oo Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenkana ay weheliyeen Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo xubno kale oo katirsanxisbiga UDUB.
Kulankan caawa [xalay] wax wadahadal iyo munaaqisho ah lama furin, wuxuu ahaa uun is-bariidin iyo salaan. Waxaana la ballamay berrito 1:30 duhurnimo in la isugu yimaaddo kulan qado ah, qadada kadibna si rasmi ah loo gudagalo inaanu ka wadahadallo xaaladda dalka iyo khilaafkataagan.
Waxaanuna rajeynaynaa inay ka soo bixi doonaan wax dalka iyo dadka dan u ah oo lagaga gudbo marxaladdan adag ee aynu kujiro."
Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, oo isuga kulankaa kadib u warramayey Telefishanka Qaranka, ayaa sheegay in kulankaas ay ka soo baxday natiijo dalka iyo dadkaba dan u ah, isla markaana horseedi karta ictiraaf buuxa oo Somaliland ka hesho beesha caalamka.
"Waxaan ummadda ugu bushaaraynayaa in aannu ku heshiinay go'aamo dadka iyo dalkaba u horseedi doona ictiraaf iyo nabadgelyo ay ku waari doonaan, cadowgii Somaliland ee sacbinayeyna waxaannu leenahay iska fadhiista Somaliland way kortaye, waxa laysku hayeyna dood distoori ah bay ahayd ee wax dhibaato ahi ma jiraan.
Waxa kale oo aannu ku heshiinay in la joojiyo dacaayadaha borobogaandada ah iyo dadkan la kiciyey ee la abaabulay, waxaanuna isla garanay waxan dhibaatada taagan buunbuuninaya in la joojiyo oo madax baynu nahaye aynu af wanaagsan oo kii islaamka ah ummadda u sheegno wax khayr qaba lnsha Allaahu berritana [maanta] marka aannu wada fashiisano waxaannu soo saari doonaa annagoo gacmaha is-haysana go'aamo khayr qaba oo dadkeennu ku ciido, inoona horseeda wanaag iyo doorasho wanaagsan, ummaddana waxaan ugu bushaaraynaa in ay ku seexdaan nabad iyo wanaag, cadowgeenuna uu ku seexdo murugo iyo xaasidnimadiisa," ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadaka 3556aad.