Guurtida Oo Ka Hadlay Muddo Kordhina Xukuumada

Shirguddoonka Golaha Guurtida, ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinka ee ku saabsanaa dib-u-dhiga iyo muddaynta doorashooyinka, kaas oo ay 9-ka bishii hore ku gaadheenka xarunta Akadamiyadda, kadib markii ay soo baxeen ifofaalo muujinayey in aanay diiwaangelinta iyo doorashooyinku ku qabsoomi Karin muddooyinkii hore ee loo cayimay. Heshiiskaas oo maalin kadib Golaha Guurtidu soo saaray go'aan uu muddo hal sanno ah ugu kordhiyey muddo xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay muddadii shanta sanno ahayd ee ay hayeen kaga egtahay 15-ka bisha oo ku beegan maanta. Shir jaraa'id oo xubnaha Shirguddoonka Guurtidu shalay ku qabteen xarunta golaha, waxa kale oo ay ku deedafeeyeen waanwaantii burburtay ee uu ka odayeynayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, kaas oo ay ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan, isla markaana ceeb ku ahayd Guddoomiyuhu inuu ka garnaqo maadaama uu go'aanka dhexdhexaadinta uu ka gelayaa yahay mid ka soo baxay golayaasha xeer-dejinta ee uu Guddoomiyaha u yahay. Sidoo kalena waxay shirkooda jaraa'id ku soo qaadeen arrinta muddo-kordhinta oo ay faahfaahin ka bixiyeen asbaabaha ay u cuskadeen go'aankaas, isla markaana waxay sheegeen in duruufaha nabadgelyo darro ee Madaxweynaha muddada loogu kordhin karaa aanay ku koobnayn xaalad dagaal oo qudha, balse ay dalka ka jiraan duruufo badan oo hakin kara qabsoomida hawl la qorsheeyey.
Ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedaymaha ka soo yeedhaya madaxda xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo uu sheegay in aanay kala caddayn ujeedada ay ka leeyihiin deedafaynta go'aan distoori ah oo ka soo baxay gole distoori ah. "Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay nimanka xisbiyada mucaaradka ah masuuliyiinta ka ah ee hadh iyo habeen qodobkan dastuuriga ah iyo shuruucdii dalka u taalay ka murmaya, waxaan leeyahay waa sidee ma isyeelyeel baa mise waa si kale?" ayuu yidhi Sh. Axmed. Sidoo kalena waxa uu faahfaahin ka bixiyey jirintaanka Golaha Guurtida oo tilmaamay inuu yahay mid ku kooban ka garnaqa arrimaha uu u igman yahay oo keliya, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Golahan Guurtidu waa gole soo jireen ah, weligii iyo allihii wax dastuurka ama shuruucda dalka ka baxsan oo ku hadlay ama uu sii daayeyna ma jirto, waxa uu had iyo jeer wax ku wadaa waa qodobadaa dadku u codeeyey ee dastuurka iyo shuruucda laga dheego, waxaannu daw u lahayna weligiiba ma galo. Golaha Guurtidu had iyo jeer wuxuu u taagan yahay in Somaliland meel wanaagsan gaadho, waxa kale oo uu doonayaa golahani inuu ku simo inta gole kale oo la soo doortay la keenayo illeyn meeshu bannaanaanmaysee, dadka qaar baa yidhaa meesha way isku dhejinayaan iskuma dhejinaynee beri gole beddela ha la keeno."
Isaga oo sharci ahaan u sharaxaya qaabka muddada loogu kordhin karo Madaxweynaha, haddii ay dhacdo, waxa uu xusay in Komishanka Doorashinku yahay kan xaqa u leh soo jeedinta muddo-kordhinta Madaxweynaha, isla markaana iyagoo sababaynaya soo jeedintooda uu xaq u leeyahay inay u gudbiyo Madaxweynuhu si uu isna ugu soo gudbiyo Golaha Guurtida, oo iyagu qiimaynaya suurtogalnimada mooshinka muddo-kordhinta ku saabsan. "Golaha Guurtidu marka Komishanka Doorashooyinku wax dib-u-dhigaan ee ay Madaxweynaha u soo gudbiyaan isna uu golaha u soo gudbiyo, Guurtidu qiimayn bay ku sameeyaan iyagaa daw u leh waana ku waajib inay saxaan oo ay waafajiyaan sharciga, wixii ay isla meeldhigeen Komishanka Doorashooyinka iyo axsaabta qaranku oo ahayd 9 bilood oo ay doorashooyinkii dib u dhigeen ayuun baanu sharciga waafajinay oo 3 bilood oo ay ka tageen uun baanu ku darnay, wax laga buuqaba maaha. Waa nasiib-darro rag masuuliyiin ah oo sharciga garanaya inay maalin walba ka murmaan sharciga," ayuu ku-simaha Guddoomiyuhu yidhi.
Haseyeeshee Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Sidid Jaamac Cilmi ayaa aragti ka duwan tan ku-simaha Guddoomiyaha ka bixiyey sharciyadda muddokordhinta Guurtida iyo heshiiskii afar geesoodka ahaa ee ay gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanku, kaas oo ay doorashooyinka dawladaha hoose iyo Madaxtooyada ugu kala muddeeyeen 6-da October iyo 31-ka December.
"Waxay yidhaahdeen 6 October waxa la qabanayaa doorashadii Dawladaha Hoose, 31 December-na waxa la qabanayaa tii Madaxtooyada, Dawladaha Hoose muddadoodu waxay ku ekayd 31 June, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkilsana waxay ku eegtahay 16 bishan, toddobadaa bilood ee kordhiyeen awoodda yaa u siiyey iyaga inay kordhiyaan, xeerkee baa siiyey heshiiska ay gaadheen axsaabta iyo Komishanku kordhintaa, ma heshiis xalaal ah baa mise waa xaaraan? Waxa la leeyahay axsaabtii iyo Komishankii heshiiskii ay gaadheen Guurtidaa jebisay, heshiiska maxay ku gaadhi karaan labada midna awood uma laha heshiiska ay gaadheen, ma iyagaa Madaxweynaha iyo Golaha Degaanka muddadooda u kordhin kara? Waxaan dadweynaha u sheegayaa heshiiska ay gaadheen axsaabta iyo Komishanka Doorashooyinku in aannu ahayn mid xalaal ah, mid sharci ah ee inuu ahaa mid aan sharci ahay oo qayrul-distoori ah oo ay xadgudub ku sameeyeen sharciga," ayuu yidhi Md. Sidid Jaamac Cilmi.
Waxaannu Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad intaa ku daray in aannu khusayn doorashooyinka go'aankii ay muddada ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, balse uu ku koobnaa xilka labada masuul. Sidaas darteedna duruufaha nabadgelyo ee ay u cuskadeen go'aankooduna ay ahaayeen kuwo waaqlci ah oo dalka ka jira. "Waayo" ayuu yidhi, ""Toddobo degmo oo ka tirsan gobollada bari ayaanay ka dhicin doorashooyinkil hore, toddobadii degmo maantana marka aanay ka dhicin maxaad odhanaysaa maabka Somaliland miyaad sheeganaysaa markaa."
Sidoo kalena Md. Siciid waxa uu sheegay in aanay ahayn mid sharci ah waanwaantii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku dhexdhexaadinayey xisbiyada mucaaradka ah iyo Madaxweynaha, isla markaana ay gef ku ahayd Guddoomiyaha inuu ku tallaabsado arrintan oo kale, maadaama uu ahaa go'aan ka soo baxay mid ka mid ah labada aqal ee uu Ra'iisal Baarlamanka u yahay. "Waxaannu maqlaynay Guddoomiyaha Wakiiliada ayaa wuxuu galay dhexdhexaadin, ma garanayo waxa uu ka dhexdhexaadinayo, hay'ad xeer-dejina weeyaan oo Baarlamaan ah, hay'addiisii kale ee Baarlamaanka sharcigii uu soo saaray buu dhexdhexaad ka geli karaa. Maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isagaa marka labada aqal ee Baartamaanka la isku daro Guddoomiye u ah, aqalkii uu Guddoomiyaha u ahaa sharcigii uu soo saaray ayuu dhexdhexaadin ka gelayaa, annagu maanaan qaadan, waa Guddoomiye oo haybadiisa iyo ixtiraamkiisa ayuu leeyahay. Weli dhexdhexaadin baa socota ayaa la leeyahay, inkasta oo sharciyadii la baalmarayo waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo is ku dayeysa inay wax isu soo dhawayso, laakiin bi shardi waa inay ahaataa isu soo dhawayntaasi mid ku salaysan sharciyadda," ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku, waxaannu intaa ku daray, "Annagu sharciyadda waanu ku dhaqanaa laakiin kuma dagaalano, kaa aannu hadda soo saarnay ee sharciga ah haddii la jebiyo kuma dagaalamayno ee ummadda ayaanu u sheegaynaa haddii xukuumaddu jebiso iyo haddii cid kale jebisaba dadweynaha ayaanu u sheegaynaa." Ugu dambayntii waxa uu Md. Siciid Jaamac Cilmi cambaarayn u jeediyey deeqbixiyayaasha oo uu sheegay in markay doonayaa inay dal dumiyaan ay ku galaan dimuuqraadiyad iyo lacagta ay caawimada u bixiyaan.

Xigaal Wargayska Jamhuuriya Cadaka 3556aad.