Halka Uu Marayo Wadahadalkii M/weynaha Iyo Mucaaridka

Xisbiyada Mucaaredka ee KULMIYE iyo UCID ayaa markii u horaysay si rasmi ah uga hadlay kulankii habeen hors-Madaxtooyadu ku dhex maray xukuumadcla Madaxweyne
Rayaale iyo xisbiyada Mucaaradka.
Labada guddoomiye ee labadan xisbi Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa ay labaduba sheegeen inaanu ilaa hadda jirin vvax heshiis rasmi ah oo ay dhinacyadu isla gaadheen, waxase ay raju wanaagsan ka muujiyeen wada hadalada socda ee lagu balansanyahay.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Md.
Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Geeska Afrika, ayaa isaga oo ka hadlaya kulankaas habeen hore waxa uu yidhi, "Kulankayagii hore wuxuu ahaa in balantii uu ka soo shaqeeyay guddoomiyaha wakiiladu ay fushay oo la is arkayo si dareenka dadku hoos ugu dhaco, laakiin fadhiga ugu weyni wuxuu dhacay Khamiistii, jawi fiican ayaanu ku ibilaabmay, waxaanan rajaynaynaa in 20-ka bishah May aanu dib isugu nimaadno." Md. Faysal oo la weydiiyay waxyaabaha ay isla meel dhigeen waxa uu yidhi, "Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa guddoomiyaha Wakiilada oo arrintan ka- soo shaqeeyay, wakhtigii balanta ayuun baa isbedel ku yimid oo guusha loo diiday Cabdiraxmaan Cirro, oo rag doonayay inay magaca qaataan ayaa xagga medaxweynaha ka soo maray, laakiin waxaanu dadka u sheegaynaa in dedaalkaas aanu ku kulanay uu keenay guddoomiyaha Wakiiladu. Markii aanu isu nimid ragu way wada sheekaysteen oo waxa ku jiray rag kala baday, ka bacdina si wanaagsan ayuu u bilaabmay. Qolo kastaaba waxay soo bandhigtay aragtideeda wixii la isku hayay, markaas wuxuu fadhigu ahaa dul markaas, markii dambena waxaanu nidhi waar maxaa dan ah ee aanu ku heshiinaa, dantiina waxay noqotay in dalkani doorasho xalaal ah galo oo la soo afjaro muranka, waanan ognahay oo ma lihin cid inoo soo gurmgta sida Qarameda Midoobay, dalkana waxaynu ku dhisanay dedaalka shacabka." Mar la weydiiyay inay qaddiyadihii Guurtida iyo 15-ka may ay isla meel dhigeen waxa uu yidhi "Sheekadu hadda muddo kordhin way dhaaftay oo waxa jirta sidee dalka doorasho uga dhacdaa, ilayn dalka weligeed dawladani jiri mayso'e, shir beeleedna ma jirayee doorashadii hadma ayay dhacdaa. Markaas ta aanu annagu diiradda sarraynaa waxa weeye in wakhti cusub oo cayiman oo doorashada la qabto la soo saaro, waayo wakhtigii hore wuu naga dhintay, wakhtigaasna ay saddexda xisbi wada saxeexaan. 15-ka May siday qolo kastaa u aragto waanu ka wada hadalnay, waana qodobada aanu doonayno in aanu go'aan ka gaadhno, waana lagu heshiinayaa wax dhibaato ah oo ka imanayaana ma jiro."
Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu Madaxweyne Rayaale ula muuqday waxa uu yidhi, "Horta markii hore cirka la isula bax oo qolo kastaa way soo bandhigtay fikirkeeda, Somalidu waxay tidhaahdaa finkii caloosha ku jiray carrabkaa lagu burburiyaa, wixii qof kastaa gocanayay soo
bandhig, leakiin markii dambe dadka oo dhami waxay doonayeen
sidii wax u hagaagi lahaayeen oo danta guud laga horaysiiyo wax kasta."
Mar la weydttyay waxa ka jira wararka sheegaya in masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, mar isku dayeen inay shirka ka baxaan. laakiin laga galay gu'rmad, waxa uu yidhi "Warkaas suuqa ayaan ka maqlay oo waxa la igu yidhi shabakado ayaa qoray, waa been mana jiro warkaasi, cid shirka ka baxday iyo cid isu hanjabtay toona ma jirto ee shirku wuxuu ku bilaabmay jawi fiican oo wada hadal ah waxaanu ku dhammaaday jawi wanaagsan." Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbigs KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo xalay u waramay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa waxa uu sheegay inaanay ilaa hadda ka tanaasulin go'aankii ay hore ugu qaadaceen muddo kordhintii sannadka ahayd ee ay Guurtidu Madaxweyen Rayaale ugu kordhiyeen mudada, waxaanu yidhi, "Mawqifkayagu wuxuu ahaa wakhtigii Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhammaad ayay joogtaa, doorashooyinkiina sabab kasta ha ahaate inkasta oo aanu xagooga u badinaynay oo uu doorashada xilkeedu saarnaa dawladda iyo madaxweynaha, inta aanu wakhtiga dhammaan wada hadal la isugu yimaado, arrintaas doodeedu muddo ayay socotay, aakhirkiina markii ay maalini ka hadhay waxa noo suurto gashay inay arrintaasi hirgasho oo aanu isu nimaadno. Waxyaabaha balanka noo ahaa waxa weeye mudadaas uu wada hadalku noo socdo in waxa aanu annagu gudahayaga ku hadlayno mooyaane aanaan wax waxyeelayn kara wada hadalkayaga amaba iska xog waran ahi aanu naga dhicin, annagu sidii ayaanu heshiiskii ugu jirnay, waxa ayaan darro ah oo aanu warbaahinta ku aragnay Madaxweyne ku xigeenka oo leh annagu waxaanu taaganahay halkii guurtidu goosatay oo sharci ah. Anaguna waxaanu sheegaynaa in aanaan go'aankaas guurtida horena u aqbalin, imikana aqbalin, mustaqbalkana aqbali doonin. Markaas ma jeclin in doodayadu warbaahirita ka dhex socoto ee waxa nagu qasbaya hadaladaas warbaahinta ku soo baxay. Waxaanan leeyahay ilaa wakhtigan wax isla ogolaansho ah oo aanu gaadhnay ma jiito oo aan ka ahayn wada hadalku ha inoo socdo, wada hadalkiina wuu noo socdaa, ilaahayna waxaan ka baryayaa inaanu gaadhno xal aanu isku afgarano, laakiin ilaa imikadaa iyaguna isma dhiibin, annaguna isma dhiibin, cidda tidhaahda qoladaas ayaa is dhiibtayna waa beentooda ee waxba kama jiraan, waxaanuse jecelnahay in mudadaas wada hadalku noo socdo wax fad qalalo ah iyo wax nabadda wax yeela aanay midna cidina ku kicin. Waxaan doonayaa inaan arrintaas saxo oo wax aanu isla gaadhnay ma jiro mawqifkayagii ayaanu weli kala taaganahay oo wada hadaladii ayaa noo socda, hadaladaas u soo baxay banaanka ee u dhadhamaya inaanu annaguna halkayagii ka noqonay iyaguna halkoodii taaganyihiin, taasi mid jirta maaha oo iyana halkoodii kama noqon annaguna kamaanu noqon, laakiin waxa noo hirgalay waxa weeye oo aan iyada qudheeda u arko tallaabo togan ama wax ku ool ah inaanu nahay dad wada hadlaya oo is horfadhiya, taasna qiimaha ay leedahay ayaanu siinaynaa."
Axmed Siilaanyo, Oo la weydiiyay rajada uu ka qabo inay heshiis dhammaystiran gaadhi karaan waxa uu yidhi, "Dee waxaanu nahay dad masuuliyiin ah oo xilkas ah oo qaran iyo umad dhami sugayso oo waxa mandaqadda iyo dunida ka dhacaya fahamsan oo dadkooda iyo dalkoodu u muuqdo oo ah dadkii umadda hoggaaminayay, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu waxaasi noo wada muuqdo oo aanu wax san oo dadka iyo umadda ka farxiya aanu gaadhno, ayay rajaydayadau 'tahay."

Xigaal Wargayska Geeska Afrika Cadadka 417aad