
Hargeysa(Geeska)- Gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland ayaa tirisay Gabay ay ugu jawaabayso nin lagu magacaabo Abshir Bacadle oo labadii bilood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho ka tirinayay gabayo aflagaado iyo cay ah....
Abshir Bacadle waxa uu tiriyay laba gabay oo uu ku aflagaadeeyay dawladda Somaliland, dadka iyo dhammaan hanaanka maamul iyo dawladnimo ee ka jira Somaliland.
Haddaba Bacadle oo ay u jawaabeen dhallinyaro badani waxa hadda gabay jawaab ah u tirisay Ifraax Maxamed Cabdillaahi oo Hargeysa joogta balse ka timid qurbaha waxaanay ku bilawday:
Hanadada hadlaayee
Hurinta aan wadaagnee
Haaneedshay gabaygee
Hawraarta maansiyo
Hidinaaya hiilkoow
Horta dee habeen wacan
Hadda kale waxay tahay
Hacoo iyo nin liidaa
Hooriga sidii sii
Hadalka iska tuuroo
Hantaatacu ku badan yoo
Kal horuu handhaadhidhay
Hadadaynu joognana
Hanjaleeladuu qubay
Huubadeedi weeyee
Heedhe haysku hawlina
Habhablahan habaabee
Hawtal hamag sidiisii
Hadaaqu uga baxayee
Habeenadatan khayr kale
Hoobaaqda galayee shaydaan
Habawshee heedhi wale u qaadee
Heesaha marqaankiyo
Hirwada u garaacee
Hankisii talawshee
Hadba dhigay habaaskee
Haahaabtay meel madhanee
Hawaawiga la sara kacay
Hargaysaa kufri hadiyad loo siiyay
Hal yar se oo kuba qasaare ah
Hadda aan idhaahdoo
Hagoogtii ka saaray
Hargaysa uga qaadee
Hohe wuu halmaammee
Haybad iyo wanaag iyo
Hibaa lagu manaystoo
Hubqaad dawladnimo iyo
Hanaan kala dambayn iyo
Hufnaan bay ku caantoo
Hodan bay ka tahay Diin
Hagoog bawga xidhan xumo
Iimaankaa hadhsada oo
Heedhe waxaa markhaati ah
Calankaa hoganayee
Hodmanaha Illaahay xarafhuu ina faray iyo
Tawxiidka lagu dhigee
Hadaafaaya gobonimee
Heetinaaya sharaftee
Hargaysiyo dalkaygaba rabi
Hibo u siyee indhihii mar
Halacsada huq kalgacal daraadii
Hadba soo hiloobaan
Hatigaadna maba gaydiyo
Hadal uu nin xumi yidhi
Hankayguna wuxuu yidhi
Halwad yahaw hal iga
Hoo waad hawaawiraysaa
Hurduun baad ka toostoo
Hamadaada beenta,aa
Heedhe waxaanad
Heli karin soo haabo kugu tidhee
Hoosa Berberiyo hadhacii
Togdheeriyo Hargaysiyo wajaalaha
Hiyigaagu uu rabo
Hanti inaad ka dhigataa
Hacooyoow ha joogtee
Halacsi inaad ku aragtaa
Waa habeenkii xalay tegay
Hawl wadeenadeediyo
Halgamaaga joogee,na
Hogaaminaayana
Hooskoodaad ka baqaysaa
Hadhkoodaad ka didaysaa
Hortoodaanad iman Karin
Hadal baanad odhan karin
Hareer kale hadaan dayo
Heedhe ma hubsadaad tahay
Hanfade waalan baad tahay
Waxaad tahay hengelo
Madhan oon ruuxka
Hoosayn halgankii
Qadhaadhaa iyo taariikhda
Hodanka ah baad hadhuub
Madhan ka haysaa
Halyay horaa wuxuu yidhi
Hooyadaa hilmaan fudud oo
Hafeeftii darootiyo
Hadimada ilowdee
Haabkeedi baad too
Hargaysiyo hooyga raaxada
Hankaagaa ku yidhi waad
Hantiyi karaysaa balse
Haabka maad gelin
Hanadadii halgami jirayee
Adigoo hilaabtoo shaadir
Dawladnimo xidhan
Hanaqa iyo beerkiyo
Halbawlaa ku gooyee
Hilbahaaga loogee
Horor iyo waraabiyo
Haanraawe siiyee
Haadku uu ku gaydhamee
Hengel baas ku saaree
Hargaysiyo dhulkaygaba
Hadhcad kaa dareershay
Inay haatan joogaan
Hareeraa ka tubanyiin weli
Heegan ay yiin oonay dhigin
Hubkiiyoo naf iyo maalba
Hurayaan.
Source: Geeska Afrika...