ABSHIR BACADLE
Abshirow inkaar lama kasbado goor iyo ayaane
Aflagaado laga fiican iyo odayo caygaase
Ummad dhannoo wax kuu gaysan baad eed marmarisaaye
Nin afxumi candhuuf lagu tufana wuu istaahilaye
aminkii la joogaba qolaad soo ag dhigataaye
Odaygii tolkaaga ahi markuu ehelka laynaayey
Aqribada markuu dilayay ee odayna reebaynin
Abgaal iyo dharaartii la cunay aqaladoodiiba
Inaad garab istaagtoo waliba cay afkaw marisay
Shariifkaa agtaadiiba wuu kuu ogsoon yahaye
Maxaad laba aflayn xaajiyow ceebi kuu idile
Murursade adduun wuxu dhaqiyo agab wuxuu haystay
Iib wuxuu ku keeniyo wuxuu edeg ka soo buuxshay
Ayaantii la boobaayey ee inana loo dhaafin
Adigoo arkaayaa la dhacay aqaladoodii
Axmiyaad ka tidhi sawdigii heesta ku ilaaqay
Maxaad laba aflayn xaajiyow ceebi kuu idile
Ololihii Xawaadlaha markii eexda loo dilayey
Abgaal bay ku yaaceen jabkii orod naf moodeene
Arxan kuuma qaban maalintaa kamana ooyayne
Maxaad laba aflayn xaajiyow ceebi kuu idile
Aqalada tolkaa haysto iyo inanta hoos joogta
Axsaan laguma keenine dad kale agabkii weeyaane
Agtaaday ka buuxdaa xumaan waanad aragtaaye
Indho dheeridaa sawdigaa meel fog ka arkaaya
Sawdigan afdheer yeeshay ee soo araartamaya
Islaamnimo hadday kugu jirtood aakhirow tudhayso
Ilmadii yaxaaskiyo intaad soo akaakamaysid
Reer xamar intii gaadhay baad eegi lahayde
Daarood ammaan kaama helin aayo xumadaaye
Immisuu tolkaa gabadh ninkale aqal ku soo hoystay
Immisuu hantida aadanaha edeg ka soo buuxshay
Immisuu arlada meelanu degin aqal ka soo jeestay
Immisuu cafiifado asturan shaaric ku ajuumay
Nin asqoobay waa lagu yaqaan erayo tuur tuure
Abshirow xishoo yaan markale ceebi kuu imane
Anagana na daa oo tolkaa ceebta ka ilaali
Ladane2010@yahoo.com
Ladane Haji
U.K