Somali song (Sayla by H. A. Samatar)

Somali song (Sayla by H. A. Samatar)

Sayla waa mid ka mida heesa Somalida kuwa loogu jecelyahay, gaar ahaan marka laga eego dhinaca midhaha oo abwaanka Xasan Ganay uu si wayn ugu muujiyay aqoonta uu u leeyahay dhaqanka miyega ee soomalida iyo bilicda iyo quruxda uu deegaankaasi samayn karo xiliga barwaaqada.
Inkasta oo ay heestan ku wada luqeeyaan Sahra Axmad iyo Xasan Aadan Samatar hadana qaybta aanu halkan idiinku soo gudbinaya waxa laga duubay Xasan oo kaligii ku luuqaynaya.
Waxa heesta iyo sawirada qurxoon ee la dhex galiyay ka soo shaqeeyay Dalmar ee bahda Cadadlay Media