Warsaxaafadeed:Ururka Hawiye Action Group HAG Golihiisa Sare
Ururka Hawiye Action Group HAG golihiisa sare oo maalintii shalay ahayd yeeshay shir deg deg ah ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhow ah oo ay kula hadlaayaan beesha Hawiye iyo ciidamada qaranka ee Somaliland.
Telefishinka Jabuuti ayaa soo diyaariyay baraamish suugaaneed aad u xiiso badan oo ay waraysi kula yeesheen abwaanka da'da yar ee Yuusuf-Shaacir
Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) wuxuu ka mid yahay da' yarta leh hibada hal-abuurnimo. Yusuf oo ah jiilka soo kacaya kuwa suugaantooda loogu jecelyahay, waxa uu kasokow hal abuurka isku taxalujiyaa soo ururinta taariikh dhaqameedkii iyo suugaantii hore.
NAFTA LOODUDAAYIYO XAGA LOOLA DIDAYA WA DAB IYO BAANSIIN.
Waxan aad u la yaabanahay inanka magaciisa layidhaa Ibrahim Nur Xuseen ee ah Guddoomiyaha xusbiga Kulmiye Laanta carriga Ingriiska ee warbaahinta kusoo shaaciyay qoraalka uu ku sheegay in isaga iyo Guddida Fulintu ay xilkii xubinnimo kaga xayuubiyee Mohamed-aar Cabdillaahi.
By Dr Jama Muse Jama
Anoo Maxamadow ooyayoo, aamus talo moodey
Obocdiyo anoo iin ka qaba, beerka unuggiisa
Anigoo ax iyo way ka idhi, ilig danbeedkayga
Anoo jecel inaan wada qarsado, uur-ku-taalladatan
Aniga oo ku hadlaaya afka dumarka reer Somaliyeed waxaan jeclahay inaan hambalyo iyo bogaadin hawada uga soo gudbino aabaha suuggaanta iyo boqorka indheer garadka ummadda. Maxmed Ibrahim warsame Hadraawi ma mooganin, gabadh wal oo Somaliyeedna galgaceykiisu meel uu buu ka taabta.
ILAYN XAAWELAY MARUUN BAY XIFAALTAMA EE LABA XINIINYOOD LEH XIN MA GUUGU SOO GUNTADAY.
Ereyada kor ku qoran waxay ka soo yeedheen sida ii muuqata hooyooyinkii hore, taas oo timaamaysa inay rag ka xin badan yihiin ama ka colaad badan yihiin dumarka. Dumarku iyagaa ragga dhalay lana dhashay una dhaxay. Tiiyo aynu sidaas wada ogsoon nahay ayaa hadana wax suuggaanteenu ka muuqatay inay ka aradan tahay xaq dhawrka dumar iyo tixgalinta ra'good iyo dareenkooda. Waxaa taa kuu cadanaysa maahmaahaha timaamaaya xaqiraad dumarka.
ABSHIR BACADLE
Abshirow inkaar lama kasbado goor iyo ayaane
Aflagaado laga fiican iyo odayo caygaase
Ummad dhannoo wax kuu gaysan baad eed marmarisaaye
Nin afxumi candhuuf lagu tufana wuu istaahilaye